Monday 2 November 2009

DAWLADA DALKA JABUUTI OO SAFIIR CUSUB U SOO MAGACAWDAY SOMALIA.

DAWLADA DALKA JABUUTI OO SAFIIR CUSUB U SOO MAGACAWDAY SOMALIA.

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Djibouti u soo magaacabatey Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Djibouti Dayid Dhubad Rooble waxaa uu shaley soo gaaray magaalada Muqdisho si uu waraaqihiisa magacaabista safiirnimo ugu gudbiyo dowlada Soomaaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa ku soo dhoweeyey safiirka cusub ee dowlada Djibouti xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Muqdisho ayaa safiirka looga gudoomay aqoonsigiisa safiirnimo iyadoo madaxda dowlada Soomaaliya ay ka mahadceliyeen dadaalka Djibouti ee ku aadan taageerada dowlada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa sheegay in safiirka ay ku soo dhoweynayaan Muqdisho waxaana uu u rajeeyey inuu hawshiisa gudan doono.

Safiirka cusub ee Djibouti Dayid Dhubad Rooble ayaa isaguna tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu dowlada Djibouti wakiil uga noqdo dalka Soomaaliya oo ah dalkiisa labaad, sida uu sheegay. Waxaana safiirku uu ballanqaaday inuu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Safiirka Djibouti ee tagey Muqdisho ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka socda dowlada Djibouti oo Muqdisho ka hawlgala tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Dowlado dhowr ah ayaa Soomaaliya u soo magacaabay safiiro laakiin badankood waxay xafiisyadooda ku yaallaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo aan tegin Muqdisho amaan darida ka jirta darteed.

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment