Friday 6 November 2009

QARAX BAM GACMEED AH OO KA DHACAY XARUNTA WASAARADA MALIYADA EE MAGAALADA GAALKACAYO.

QARAX BAM GACMEED AH OO KA DHACAY XARUNTA WASAARADA MALIYADA EE MAGAALADA GAALKACAYO.

Waxaa caawa qarax lala beegsaday xarunta Wasaarada Maaliyada ay ku leedahay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxaas ayaa waxaa u yahay mid gacanta lagu tuuro oo ah Bam gacmeedka,waxaana lagu tuuray xarunta Wasaarada xilli aysan wax shaqo ah ka soconin,sida ay ku warameen ilo Xog Ogaal ah.

Warar madaxbanaan oo aan helayno ayaa sheegaaya in khasaaraha ka dhashay qaraxa u yahay dhaawaca hal qof oo keliya kaas oo ah nin sugaayay amaanka Wasaarada,iyadoo aysan jirin cid kale ay ku noqdeen qaraxaas.

Goobta u qaraxu ka dhacay ayaa soo gaaray Ciidanka Booliska kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey,waxaana aan la ogeyn ila iyo iminka cida ka dambeysay qaraxaas iyo sababaha keenay.

Xirriro aan la samaynay Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka Mudug ayaa inoo surtagali weyday in aan warar faahfaahsan ka helno oo ku sabsan qaraxaas,waxaana aan la ogeyn khasaaraha kale u qaraxu geystay.

Amaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid had iyo jeer isbedela,iyadoo dhowaan halkaas u ka dhacay dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeyey Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Dowlada Puntland,waxaana u sababay dhimasho dad badan iyo dhaawaca ku dhowaad 100-qof kuwaas oo ahaa rayid.

Maalmihi la soo dhaafay magaalada Bosaaso ayaa iyaduna hoy u noqotay qaraxyo lala beegsanaayay Saldhigyada Booliska oo ku yaala,waxaana aan la ogeyn ila iyo cida sida rasmiga ah ka dambeysa.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Al-Xaaji Muuse Geele Yuusuf ayaa maanta ku baaqay dadweynaha reer Bosaaso in ay Ciidanka amaanka ee Bosaaso ay kala shaqeeyaan amniga xilli u waramaayay warbaahinta.

Baashe Maxamed

Bosaaso

No comments:

Post a Comment