Friday 6 November 2009

“WARAAQIHII JABUUTI LAGA QADAN JIRAY AYUUNBAA BERBERA LA KEENAY EE XAYIRAAD LA QAADAY MA JIRTO” A/RAHMAN AWAL-BARI

“WARAAQIHII JABUUTI LAGA QADAN JIRAY AYUUNBAA BERBERA LA KEENAY EE XAYIRAAD LA QAADAY MA JIRTO” A/RAHMAN AWAL-BARI

Gudoomiyaha Awal bari Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Awal bari) oo ka mid ahaa gudidii kooto diidka xoolaha ayaa ka hadlay arintan uu wasiirka xanaanada xoolulu sheegay ee ahayd in xayiraadii laga qaaday xoolaha Somaliland taas oo uu sheegay in xooluhu markii horeba ay u xayirnaayeen xukuumada waxaana hadalkiisa uu ku bilaabay

“Waxaan idiin sheegayaa arintii aanu isku hayanay dawlada ee waqtigii horena aniga la igu xidhay waxay ahayd aritaa ay dawladu ku xayirtay xoolaha ee ay yidhaahdeen maxjr baanu samaynay ninka qudha looxidhay , dee waligeeba waatii xooluhu Berbera ka dhoofayay ee jida tagayey ee dawlada ayuunbaa madaxa kaga taagnayd tay isu tageena waa sababta dawlada iyo ninkaa qurdha ee loo xidhay , iminkana markii meel walba laga qayliyey ee dadkii khaariyaan isjoogsaday ee xoolihiina madheen ayey leeyihiin waa la fasaxay , hadii la fasaxay waatii waligeedba ay fasaxnaan jirtee waa teenii hadii kale waxaan ninkii bakhaylka ahaa ee loo soo hoyday ee yidhi iima aha ilaa aan arko adi Bebera laga dhoofshay oo jida laga dejiyey oo jabuutina warqada looga sii qaaday aniga iima aha hadii ay caynkaas tahay dee tii waligeeba ay ku baanayeen ee maaha mid iminka inoo soo hoyeytay ee waatay marna xidhayaan marna furayaan”

Gudoomiyaha Awal bari waxa uu sheegay in xoolahu ay ka dhoofayeen Berbera haba yaraadeene lakiinse waxay ag istaagayaan Jabuuti markaasaa warqad laga soo goosanayaa oo lagaca la bixinayan ee waxa uu sheegay in aan baryahaa la arag xoolo intay toos uga dhoofaan Berbera , Jidda toos uga dega. Sidoo kale waxa uu shegay in Maxjarku uu lacag aan yarayn ku fadhiyo oo lacag badan uu qabo markaa waxani waa wax dadka lagu baadhanayo oo ladoonayo in doorashada lagu helo Vote ee maaha wax sax ah ilaa la arko xoolo ka dhoofaya dekada Berbera oo toos uga degaaya Jidda.

Cabdiramaan Waxa uu sheegay in xayiraada la qaday ay tahay uun ninkii meeshu u xidhnayd oo waraqihii laga soo qadan jiray oo berbera uu ku siiyey marakiibtii uu uu yidhi toos u baxa waxaanuu yidhi

“Horta Xayiraada yaa xoolaha saray markii hore , sidee se loo xayiray ma dawladaa xayirtay, ma sucuudi baa xayiray ma meel kalaa laga xayiray? , Xayiraadan ayuunbay leeyihiin oo marba siday doonaan ayey u dhigayaane oo iminkana waanu ka qaadnay , marna Abuu Yaasir baanu u xidhnay marna Abuu Jaabir oo Jabuuti ayey ku qaybsadaan marka xayiraadu waa tay iyagu xayireene marka iminkana doorashadii ayaa soo dhawatoo dadka ayey waxan u sheegayaan”

Sidoo kale waxa uu sheegay iniminka oo uu Buco joogo in kaliya uu adhiga iibsanaayo ninkii loo xidhay oo midna ina Idho Deero ayaa u iibsha midna Cali Balaqbalaq taas oo uu sheegay in wadankii dhamaa ee dadku ka ceeshi jireen ay labada nin oo kaliyi ka iibsanayaan maraka xayiraadan la leeyahay waa la qaaday anigu mahayo ayuu yidhi oo maalinta adigu Berbera ka tago isagaoo meel kale sii marin uu tago Jida ayaan ayaan u a qaan xaiyraad ka qaadid. Sidoo kale waxa uu sheegay in ganacsatadi badhan Boosaaso wax ka raraan badhna in yar oo geel ah ay geeyaan Jabuuti iyo in yaroo gaysa Yemen mooyee labadaa nin ayuunbay meeshu u xidhan tahay,.

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay xayiradu in ay tahay uun waraaqihii loogu leexan jiray Jabuuti in ninkii carabka ahaa inta uu ka soo qatay Jabuuti uu markabka ku siinaayo Berbera oo uu tuus u baxaayo ilaa Jabuuti

No comments:

Post a Comment