Monday 2 November 2009

DHAKHTAR WEYN OO REER AFGOOYE AH OO LOO DILAY XABAD SIGAAR AH OO UU QIIJINAYAY

DHAKHTAR WEYN OO REER AFGOOYE AH OO LOO DILAY XABAD SIGAAR AH OO UU QIIJINAYAY

Nin maleeshiyo ahaa oo ka tirsan Ururuka uu hogaamiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys ee Xisbul Islaam ayaa maanta meel fagaara ah ku dilay nin Dhaqtar ahaa kaasoo u dhintay maanta sigaar uu cabayey dartiis.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa Dhaqtarka ayaa ka goos adeegay amar uu ku bixiyey ninka dilka geystay kaasoo si kulul ugu qeyliyey isaga oo faray in uu si dhaqsa ah sigaarka u damiyo taasoo u cuntami weyday marxuumka.

Is qab qabsi iyo gacan ka hadal kadib ayaa ninka maleeshiyada ahaa oo ku hubeysnaa AK47 waxa uu ku jeexay Dhatar Bidaareey rasaas waxaana isla goobta ku qurbaxay Dr Bidaareey oo ahaa nin si aad ah loogaga yaqaanay degmada Afgooye.

Afhayeen uhadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Sheikh Cali Sh Cumar oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninka dilay Dr Bidaareey isla markaana ay marsiin doonaan waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.

Arrintan ayaa waxaa si aad ah uga naxay ugana niyad jabay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Afgooye kuwaas oo ka xumaaday wixi ka dhacay maanta Afgooye,waxaana ay dalbadeen in la horkeeno shareeca Islaamka ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa lagu eedeeyaa seef la boodnimo sida dhacday maanta,waxaana dad badan ay is weydiinayaan keebaa danbi ah sigaar la cabay iyo qof si bareer ah loo dilay.

Dadka reer Afgooye ayaa isla dhexmaraya erayo ay ka midyihiin ma xaqbaa mise waa diin in qof sigaar laga joojiyo dil iyo maxeysa Xisul Islaam ka qaban doonyaa ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Axmed Kulan

No comments:

Post a Comment