Sunday 8 November 2009

“CIIDAMADA C.I.D-DU HAWSHOODA WAY WATEEN, WAXAANAY QABTEEN DAD DOOR AH” WASIIRKA HAWLAHA GUUD

“CIIDAMADA C.I.D-DU HAWSHOODA WAY WATEEN, WAXAANAY QABTEEN DAD DOOR AH” WASIIRKA HAWLAHA GUUD

Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Sool

“Ciidamada C.I.D-du Hawshooda way wateen, waxaanay qabteen dad door ah”

Wasiirka Hawlaha Guud

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka warbixiyay socdaallo uu ku tagay Gobolka Sool. Waxaanu ka xog-waramay xaaladda Magaaladaas iyo guud ahaan gobolka Sool, toddobaad ka dib markii halkaa Qarax lagu dilay Taliye ka tirsanaa Ciidamada Qaranka.

Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed oo isagoo ku sugan magaalada Burco, xalay khadka Telefoonka xog-waran kooban ku siiyay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay wax ka qabatay Waddada u dhexaysa degmada Yagoori iyo Adhi-cadeeye oo ka tirsan gobolka Sool. Waxaanu ka war-bixiyay wax-ka-qabashada jidkaas oo uu xusay inay Daadadku dhowaan waxyeeleeyeen ay muddooyinkan dambe farsamada-yaqaanada Wasaaraddu ku mashuulsanaayeen. “Waxaanu geynay dadkii samayn lahaa, si hawsheeda loo bilaabo,” ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray, inay kormeero dhinaca dayactirka wadooyinka ah ku soo sameeyeen jidka xidhiidhiya Laascaanood iyo Garoowe. “Hawlgalkayagu wuxuu ahaa mid shaqo oo Wasaaradda Hawlaha Guud ah iyo hawsha wadada ah, kollayna markii aanu Laascaanood ku soo noqonay (masuuliyiin ahaan), Ciidamada madaxdooda iyo baayac-mushtarigaba waanu is aragnay, way noo warameen, annaguna wixii talo iyo waano aanu sii karaynay waanu siinay….Socdaalka waxa igu weheliya Injineero ka tirsan hay’adda Waddooyinka Somaliland,” ayuu yidhi Siciid Sulub.

Mar la waydiiyay xaalada uu kala kulmay magaalada Laascaanood iyo waxyaabaha dadweynaha magaaladaasi waydiiyeen, ka dib markii dhowaan qarax magaaladaas ka dhacay uu ku dhintay sarkaal Ciidanka Somaliland ka tirsanaa, waxa uu sheegay in dhinacyada ay hawshaasi khusayso ee gobolka Sool la socodsiiyeen inay haatan meel fiican hawshu u marayso. “Ciidamada Nabadgelyada iyo CID-duba hawlahooda way wateen, waxayna noo sheegeen inay meel fiican wax u marayaan, dad door ahna ay soo qabteen,” ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray, in xaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolkaasi haatan degen tahay, ka dib qaraxa lagu dilay sarkaalkaa Ciidanka ka tirsanaa. Wasiirku wuxuu sheegay in aanu waxba kala socon mudaharaadyo la sheegay inay maalmihii u dambeeyay ka dhaceen magaalada Laascaanood.

Wasiirka oo la waydiiyay xiisad ka dhalatay nin Culimada Burco ka tirsan oo Boolisku isku dayeen inay qabtaan iyo amar Badhasaabka gobolku soosaaray oo sida la sheegay uu ku amray in lagu soo qabto Wadaadkaas, waxa uu sheegay in aanu xog buuxda ka haynin arrimahaas, isla markaana uu xog-waraysiyo kala yeelan doono dhinacyada ay khusayso, muddada uu joogo magaalada Burco.

No comments:

Post a Comment