Sunday 13 September 2009

YAA KA MASUULA ARXAN DARRADA LAGU LAAYEY SHACABKA SOMALILAND?

YAA KA MASUULA ARXAN DARRADA LAGU LAAYEY SHACABKA SOMALILAND?

YAA KA MASUULA ARXAN DARRADA LAGU LAAYEY SHACABKA SOMALILAND?

Hadii aynu is weydiino cidii masuulka ka ahayd dhibaatada dilka iyo dhaawacaba keentey ee loo geystey shacabka reer somaliland, Waa hubaal markhaati ma doonta ah in ay jiraan rag tirsan oo dano gaara wata isla markaana doonaya in loo fuliyo danahooda gaar.

Bal haddaba isweydii akhriste maskaxdaada iyo caqligaaga isticmaal, kana shaqaysii oo dib u dheeho marxalladaha kala duwan ee dalkan somaliland soo maray tan iyo intii Daahir riyaale kahin, Axmed yusuf yasiin iyo dawlada ay hogaanka ka yihiin xilka dalka la wareegtay?

Waajibaadkii loo igmaday ma gudatay dawladu, xildhibaanadu, guurtidu, Ciidamadu? Jawaabtu waa maya, bal’se maxaad ku cadayn kartaa? Group ka danta gaarka ah leh waa kuwaa shacabki soo doortay tuugta ku sheegey iyadoo tacsiyi u taalo ree somaliland.

Haba yaraatee wax horumar ah oo dawladu qabatay ayaan jirin. Waxa dano shisheeye u afduuban siyaasada dalka iyo illaha dhaqaale dhankasta oo laga eego.

Waxa hadaba iyagu dawlada u afduuban, Golaha guurtida oo ilaabay kaalintii odaynimo iyo doorkii ay ka ciyaarayeen nabadgalyada dalka iyagoo ka doorbiday shilimaad laaluush xuquuqdii dalka iyo dadkuba ku lahaayeen ee loo igmaday. Wakuwaa muddo kordhin ku waashay aan sharci ahayn iyagoo rabbitaanka shacabka meel kaga dhacay.

Waxa sidoo kale afduuban ciidamada oo loo adeegsanayo kolba in lagu laayo shacabkii ay dufaaci lahaayeen. Sidoo kale waxa iyaguna jirra xubno gaara oo ka mid ah xildhibaanada, gaar ahaan ragga udub kasoo jeeda ee laaluushka shilimada laga soo siiyo madaxtooyada somaliland. Raggani waxay ilaabeen inaanay xisbiyo meesha u fadhiyin ee ay u fadhiyaan ilaalinta iyo dejinta shuruucda dalka. Waxay ka doorbideen inay waajibkooda u gutaan shacabka dollarka Daahir Riyaale sida dhaameelka ku siiyo. Shacabkii soo doortay waxay ka doorteen shilimadda Dahir Riyaale. Waa kuwaa aad arkayso inay bastoolado la soo galayaan iyadoo looga soo arriminayo madaxtooyada habeenkii. Maalintii waa oday oday habeenkiina waa habar habar.Waa ragaa doonaya inay albaabada u xidhaan golihii shacabku doortay ee u shaqaynayey shacabka.

Hadaba, waxa masuul ka ah dilka iyo dhibtaa waa afarta wasiir ee ugu dhawdhaw Dahir Riyaale, (the 4 yess men). Cawil, Cirro, Sulub iyo ducaale, taliyaha sirdoonka booliska, iyo saqadhi oo noqday shakhsi aan damiirkiisu waxba xeerin. Sidoo kale waxa iyaguna liiska kula jira Xildhibaan xoog iyo raga uu hogaaminayo ee doonaya inay afduubaan gabi ahaanba golaha wakiilada. Haddaba raggani shacabka way u tirsanyihiin waana la wada garanayaa. Wakhtigan xaadirka ah mays leeyihiin waxa jirra rag aan axsaabta midna ka mid ahayn oo ilaashanaya dalkan? Ma isleedihiin naftiinaad ku khamaaraysaan oo halis galinaysaan kolka aad ugu adeegaysaan Daahir Riyaale gefka shacabka laga galayo? Waxa hubaal ah in rag badan oo aan xisbiba ahayn jiraan oo ka dhiidhiyaya shacabka dulmad isla markaana lagaba yaabo in ay hal hal idiin ugaadhsadaan sida caadiyanba ka dhacda dalalka caalamka. Ku darsada bal talada inaad naftiina ka badbaadisaan shacabka somaliland ee idin eegaya.

Sharaf cizzi iyo karaamo maku mari kartaan laamiyada hargeysa, maku fadhiyi kartaan hoteelada iyo meelaha munaasibka ah? Waxa cad in hogga aad ku dhacdeen aad sii qodaysaan oo isku sii dheeraynaysaan balse aydaan aqoon sidaad uga soo bixi lahaydeen, naftiinana halis ayaad sii galinaysaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Dalkan wakhtigii udub wuu ka dhamaaday waxaanad ku fail garawdeen inaad qabataan doorasho xor ah oo xalaal ah mudo ka hor inta aan wakhtigii madaxweyne dhamaanin. Isla markaa waxaad kaga tagaysaan sharaf iyo karaamo darro waxa la idiinka yaqaan dalka gofanayaal, budhcad, gangs, mafia, iyo dad aan cidna arxan u galin, iyadoo taasi ka muuqata maamulkiina iyo sida aad axmaqnimada ugu laysaan shacabka uguna adeegsataan ciidamada, xafiisyada ugu dhacdaan masaakiinta, islaamaha tamaandhada agoonta ku korsada sida aad agomaha uga dhacdaan dhulka iyo wax aliyaale waxii aad ka heli kartaan.

Gunaanad, Guurtida waxaan leeyahay dalkani wax la iibsado ka weyn!!!! Horaa nin u yidhi berberi wax go’ qaado ka wayn, dalkuna wax hungurigiinu qaado ka weyn ee ka fiirsada inaan muddo kordhin dambe dhicin, haddiiba ay dhacdana dalkani marxalad dagaal galayo oo la isku dilli doono iddinkuna aad ahaanaysaan rag noqda qaar la daba socdo oo hurdo aan ku ladi doonin shilimaadka aad ka guranaysaan dahir Riyaale ee kolba ugu kordhinaysaan.

Shacabku wuxuu rabbaa waa doorasho dhacda iyo in Daahir Riyaale is casilo oo isaga oo xisbigiisa musharax u ah sida siiraanyo iyo faysal uu kolkaa soo tartamo. Codkaagu wuxuu ku siiyo cidna kuuma diidana. Bal’se iib iyo xaaraan ma gayaan shacabka ree somaliland xaqa iyo cadaaladuna waa tii loo soo burburay ee loo soo dagaalamay.

Fu’aad I. Omar fuadismacil@hotmail.com

No comments:

Post a Comment