Sunday 13 September 2009

BANAANBAX UU DHIGAY KULMIYE OO KA DHACAY BURCO IYO OOG IYO JAWIGII BANAANBAXAASI

BANAANBAX UU DHIGAY KULMIYE OO KA DHACAY BURCO IYO OOG IYO JAWIGII BANAANBAXAASI

Bannaanbax uu dhigay Xisbiga Kulmiye oo ka dhacay saaka Burco iyo Oog iyo jawigii Bannaanbaxyadaasi.
Image and video hosting by TinyPic
Burco: Bannaanbaxyo ay soo qabanqabiyeen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa saaka ka dhacay Magaalada Burco iyo weliba Degmada Oog, Bannaanbaxan oo ahaa mid silmiya oo aan wax rabashado ah wadan sidii kii hargaysaa ayaa ku koobnaa xarumaha xisbigaasi, iyadoo markii ay masuuliyiinta asxaabta khudabadahooda halkaas ka jeediyeen ay kala tageen dadkii halkaasi isugu soo baxay.
Image and video hosting by TinyPic
Bannaabaxan oo ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ee Gobolka Tog-dheer, ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin:
Guddomiyaha xisbigaas ee G/togdheer Sahal adan maxamed, waxa hadaladii Guddomiyaha ka mid ahaa “wax caqliga gala ma aha xisbiga kulmiye ayaa ka danbeyay dhacdadii shalay ka dhacday hargaysa Markaa walaalayaal waxaasi ma tahay wax caqliga gala ninkan Wuxuu wada sidii uu dalka u meja habaabinlahaa shacabka nabadooda Jecelna uu khalkhal ugagalinlaha markaa waxaan shacabka u soo jedinlaha inay ka digtoonaadaan wax uu ninkani wado waxaana Uu hadalkiisi ku soo gabagabeyay hadii golaha baraalamanka Faraha lagala bixi waayo waxay gaadhi doontaa gacan kahadal wuuna Dhammaaday af ka hadalki”
Hadalada Guddoomiyaha oo cadho badani ka muuqatay isla markaasna eedayn u badnaa ayaa waxa uu ku soo gabagabeeyey “waxanu shacabka leenahay hadii uu ninkan Riyaale faraha kala bixiwaayo golaha sharci dajinta cidi idin Kama xigto aqalka barlamaanka waana tagi kartaan”ayuu yidhi Guddomiyuhu.
Image and video hosting by TinyPic
Sidoo kale waxa munasibadda Bannaanbaxan hadalo badan ka jeediyey Guddomiyaha Garabka Dhlinyarada xisbiga kulmiye ee G/Tog-dheer Abdilahi hassan haji diriye, Abdilaahi Hassan aya isaguna ka hadlay sida ay uga xunyihiin dhacdadii foosha xumayd ee hargysa Ka dhacday shalay, Isagoo dhalin yarada Reer somalilandna ugu baaqay inay usoo jeestan badbaadada dalkooda .
Image and video hosting by TinyPic
waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha beesha awal bari Xaaji C/laahi Maxamed C/raxman wuxuun Guddoomiyuhu hadlkiisa kubilaabay “Ninka riyaale Somaliland way sharaftay isagoo meel cidla ah taagan ayey madaxweyne kadhigtay kursigii dalka u sareeyeyna ku fadhiisisay waxaana laga eegayey inuu abaal gud u sameeyo wuxuuna noqday awrkii heeryadiisa cunay oo uu dumarkii iyo caruurtii askartii ku fayliyo balse wax dhacaba waa laga kabtaa waxaan ilaahay ka baryeyaa dhacdadii dadkii ku dhintay inuu janadii geeyo inagana samir iyo iimaan ilaahay inaga siiyo waxaase aanu leenahay waan u aaraynaa waana idiin hiilinaynaa reer hargeysow” Guddomiyaha Beesha Awal Bari oo hadaladiisa cadho badan iyo qiiro ka muuqatay ayaa ugu danbayntii halkaasi uga duceeyey dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay rabshadihii shalay ka dhacay hargaysa.

waxa sidoo kale halkaasi gabay dheer ka jeediyey abwaan cali yusuf maxamed (cali cawar) waxa midhihii gabaygaas ka mid ahaa:

xilku maa ha xamkowsi
xoog iyo awood maaha
masaakiinta xag xago maaha

Munaasibaddan oo ay ka jeediyeen khudbado dhaadheer masuuliyin aad u tiro badani sidoo kalena ay gabayo ka jeediyeen abwaano fara badan aya waxay ku soo gabagabowday jawi degen, waxaana dhamaantood ay muujinayeen inay ka xun yihin dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday caasimada somaliland ee hargaysa.
iyagoo gebi ahaantood ku tilmaamay in bilayska rayaale u shaqeeya waa sida ay hadalka u dhigeene ay geysteen xasuuq aan loo meel dayin.

Dhinaca kalena magaalada Oog ayaa sida ay sheegayan wararka ka imanayaa waxa ka dhacay Banaanbax Culus iyagoo taageerayaasha xisbiga Kuliye ay shiid iyo dhagaxtuur ooda kaga qaadeen Goobo ay joogaan masuuliyin ka tirsan xukuumada, iyadoo sida la sheegay ay dadkaasi dhagax tuurka samaynayay ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin " waa lana sixro waa lana siree siilaanyo mee, waa lana sixroo waanu silicnaye siilaanyo mee"
Ugu danbayntii Bilayska Magaalada Oog ayaa rasaas ku furay shacabkii Gadoodsanaa, lamana oga khasaaro dhab ah oo uu geystay banaanbaxaska dhacay magaalada Oog.

Weriye :Mustafe Osman A/rhaman
Burco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment