Wednesday 16 September 2009

YAA BIXIYAY MAGACA CAASIMADDA HARGEYSA?????

YAA BIXIYAY MAGACA CAASIMADDA HARGEYSA?????

Sida laga yaabo in aad in badan ku maqasheen Taariikhda, Suugaanta iyo Maansooyinka Qadiimiga ah, Magaalada Hargeysa waxa berigii hore loo yaqaanay “Herer’, taasna waxa ka marag kacaya gabayada uu ka midka yahay Gabayga uu tiriryay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee ah

Gadh-hunguriySa Habar Yoonis iyo, Herer nin joogaa leh

Iyo weliba gabayga uu tiriyay Xasan-Tarabi ee ah

Ayuun baaba deyr lagu rakibay, dooxyadii Herere

Haddaba goorma ayaa laga badalay Hargeysa magaceedii Herer?

Taariikhdu markii ay ahayd ku dhawaad 1918-kii waxa magaalada Hargeysa yimi badhasaab Ingiriis ah, oo magaciisa la odahn jiray Dalamiye, isaga oo u yimi Suldaankii Somaliland ahaan Suldaanka Hargeysa ee wakhtigaas ee Suldaan Diiriye, iyo Xaaji Maygaag Cilmi. Dalamiye waxa uu Suldaan Diiriye iyo Xaaji Cilmi waydiiyay magaca magaalada ay deggan yihiin, kadib waxa ay u sheegeen in magaalada la yidhaahdo “Herer”. Dalamiye waxa uu markiiba ku jawaabay “There are two many Herers in East Africa” oo uu macnaheedu yahay “ Herero badan ayaa ku yaalla Bariga Afrika”, waxaanu Dalamiye isku qalday magaalda Harare ee dalka Itoobiya iyo Hargeysa oo Herer loo yaqaanay

Sida uu ka warramay Caaqil Xasan Badmaax,oo ka mid ah cuqaasha ruug-caddaaga ah ee Hargeysa, Waxa judhiiba magacii Herer ee Hargeysa loo yaqaanay badalay Xaaji Maygaag Cilmi oo yidhi “Magaaladan Herer lama yidhaahdo, ee Harga-Geys ayaa la yidhaahdaa”, Markii dambena waxa la isku dhuftay labadii kelmadood ee Harga iyo Geys oo laga dhigay Hargeysa, Waana laga yaabaa in ay dad badani maqleen beri hore in magaca Hargeysi ka yimi Harga-Geys, sidaas ayaa magaaladii Herer loo yaqaanay loogu bartay Hargeysa, Ingiriisku ku qaatay magacii uu bixiyay Xaaji Maygaag Cilmi oo ka mid ahaa odayadii aftahanka iyo odaynimada lagu yaqaanay ee Hargeysa, oo noolaa wakhtigii uu noolaa Suldaan Diiriye Suldaan Xasan.

Dalamiye waxa uu markiiba Hargeysa u dhaafay dhinaca Nairobi, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ninkii magaaleeyay Nairobi, jidkana waxa sii mariyay koox uu hogaaminayo abwaankii geesiga ahaa ee Xuseen Xasan, kooxdaas oo u xulay Suldaan Diiriye.


Siciid Maxamuud Gahayr
Education and Research Academy “ERA”
Hargeysa
Saedmgahair|@hotmail.com

No comments:

Post a Comment