Wednesday 16 September 2009

LABADA XISBI MUCAARID EE UCID IYO KULMIYE OO SOO DHAWEEYEY DHAMAAN DEDAALADA LA WADO

LABADA XISBI MUCAARID EE UCID IYO KULMIYE OO SOO DHAWEEYEY DHAMAAN DEDAALADA LA WADO

Warsaxaafadeed ay wada-jir ugu saxeexan yihiin labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay laga soo saaray Hargeysa, ayaa lagaga hadlay muddada xil-haynta Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana waxay baaq u jeediyeen Beesha Caalamka oo ay qayb ka yihiin Saaxiibada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Iyadoo la tix-gelinayo duruufaha adag ee dalka ka taagan, isla markaana ay soo dhawdahay mudadii loo cayimay inay doorashadu qabsoonto, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana xilku kage e’g yahay inay talada hayaan.

Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE waxay si mug leh u soo dhawaynayaan dhammaan dadaalada loogu jiro xal u helida khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ka socda gude iyo dibedba.

Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadka reer Somaliland ee ku hawlan xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dadka daneeya Somaliland nabadeeda iyo jiritaankeeda ee bulshada Caalamka, siiba saaxiibada Somaliland (Friends of Somaliland) inay dedejiyaan laban-laabaanna dedaalkooda.”

Allaa mahad leh

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Eng. Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Guddoomiyaha Xisbiga UCID

No comments:

Post a Comment