Wednesday 16 September 2009

ALSHABAAB OO XAQIIJISAY IN DHAWAC LAGU QAATAY SALAH NABHAN

ALSHABAAB OO XAQIIJISAY IN DHAWAC LAGU QAATAY SALAH NABHAN

Image and video hosting by TinyPic

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Mujaahidiin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Salah Nabhan ee ka dhacay nawaaxiga Baraawe.

Shiikh Cali Maxamuud Raage oo ah Afhayeenka ururka Al Shabaab, ayaa xaqiijiyey weerarkii Maraykanka ku qaadeen gaari uu saarnaa Salah Nabhan oo marayey meel u dhaw magaalada Barawe ee gobalka Shabeelada Hoose.

Shiikh Cali ayaa xaqiijiyey in Abu Yusuf Salah Al Nabhan iyo sadex illaaladiisa ah oo watay gaari ay soo weerareen, lix diyaaradood oo Maraykan ah, isla markaana dagaal dheer uu dhexmaray.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ragga uu ku jiro Salah Nabhan ay soo gaareen dhaawacyo, isla markaana ciidamadaasi soo weeraray ay dhaawac ahaan ku qaateen raggaasi, wuxuuna afhayeenka sheegay inaysan ayagu xaqiijin Karin dhimashada Salah Nabhan maadaama markii la qaadanayey uu dhaawac ahaa.

"lama xaqiijin karo inay shahiideen..rasaas badan baa ku dhacday oo si fiican isu difaaceen….” Ayuu yiri Shiikh Cali Maxamuud afhayeenka Al Shabaab.

Afhayeenka kooxda Al Shabaab ayaa intaasi raaciyey in weerarkan uu qeyb ka yahay dagaalka dheer ee u dhaxeeya Xaqa iyo Baadilka, isla markaana horey ay ciidamada kasoo horjeeda ee gaalada ah ay weeraro kala gedisan ku qaadeen kooxdooda oo ay kamid ahayd duqeyntii lagu dilay Aadan Cayrow, hogaamiyihii hore ee Al Shabaab, asagoo intaasi ku daray in ay sidoo kale qeybo badan oo caalimka kamid ah ay weeraro ku qaadeen sida Afghaanistaan, Pakistaan iyo Ciraaq.

No comments:

Post a Comment