Thursday 3 September 2009

XUKUUMADA SHARIIFKA OO KA JAWAABTAY HADALKII AXMED GODANE KUNA TILMAANTAY MID COLAAD LAGAGA HURINAYO

XUKUUMADA SHARIIFKA OO KA JAWAABTAY HADALKII AXMED GODANE KUNA TILMAANTAY MID COLAAD LAGAGA HURINAYO

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga jawaabtay fariintii codka aheyd ee uu soo diray Amiirka Alshabaab Abuu Zubeyr, kaasoo uu digniin ugu jeedinayay Maamulka Somaliland.

Afhayeenka Taliska Booliska G/lle C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in deegaanada Waqooyi ay yihiin kuwo nabdoon ayna ka jiraan Nidaam iyo kala dambeyn, waxaana uu cadeeyay in hadalkiisa ahaa mid uu qalalaaso ku maleegayo.

"Fariinta Axmed Godane waa mid uu ku muujinayo inuu huriyo colaad, deegaanada nabdoona dhibaato u maleego, sida uu horayba dhibaato ugu geystay gobolada dalka"ayuu yiri C/llaahi Xasan Bariise.

Mr Bariise ayaa sidoo kale sheegay in fariinta Amiirka Alshabaab uu ahaa mid duubnaa oo aanay aheyn mid qadka Taleefanka si toos uga baxayay, waxaana taasi uu ku tilmaamay sida uu isu qarinayo.

"Waxaan ugu baaqayaa shacabka inay noo soo sheegaan meel walba uu joogo ninkaas, Anagaa ugu tageyno oo soo qabaneyna"ayuu yiri G/lle Bariise oo intaas ku daray hadii xitaa uu ku sugan yahay Suuqa Bakaaraha inay gacanta ku soo dhigayaan.

Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaan iyadu wax war ah ka soo saarin Hadalka Axmed Godane.

AXMED KULAN
MUQDISHO

No comments:

Post a Comment