Thursday 3 September 2009

CIIDAMDA BILAYSKA JSL OO QABTAY SADDEX NIN OO SAMEEYA DOLARKA BEEN ABUURKA AH IYO QALBKIIBA

CIIDAMDA BILAYSKA JSL OO QABTAY SADDEX NIN OO SAMEEYA DOLARKA BEEN ABUURKA AH IYO QALBKIIBA

Ciidamada Bilayska Somaliland gaar ahaan Kuwa Magaalo Madaxda ayaa gacanta ku dhigay Saddex nin oo muddo ba ay daba socdeen Bilaysku kuwaas oo ahaa qaar sameeya Dollar ka Foojariga ah (been abuur ka ah) iyo qalabkii ay ku samaynayeen lacagta Been abuurka ah iyo Lacagtii ay samaayeen.

Taliyaha Hawlgalinta Ciidamda Booliska ee gobolka Hargeisa Taliye C/laahi Fadal Imaan ayaa xaqiijiyey Qabashada Saddexda Nin oo ay magacyadoodu kala Yihiin .
1-C/fataax Sheekh Nuur C/Raxmaan.
2- Liibaan Cismaan Maye.
3- Maxamed C/casiis Muse.

Geesta kale Saaka ayay Ciidamada Bilaysku ay Ku qabteen Laba Baabuur oo Grande IndhaCade ah oo looga tagay Schoolka Nuuradiin agtiisa ee xaafada Sh Madar ,labada baabuur oo mid shil galay isaga oo jiidhay bir iyo Boodhka Dugsiga Nuuradiin lahaa ka dibna ay iskaga tageen ragii watay labada baabuur ,falkaas oo dadkii xaafada galiyay shaki aad u weyn ka dibna war geliyay Bilayska , Bilyskuna kula dhaqaaqay baadhid iyaga oo ka helay baabuurta lacago faalso ah oo dollar ah .

Warqabdka ToggaHerer
Hargeysa
Mo Yusuf

No comments:

Post a Comment