Thursday 3 September 2009

BAAQ AY SOO SAAREEN UNUGGA WADANIGA SOMALILAND

BAAQ AY SOO SAAREEN UNUGGA WADANIGA SOMALILAND

Image and video hosting by TinyPic
Anagoo ah Unugga Wadaniyada Somaliliand (Somaliland Nationalism Cell ) Oo ah unug ay ku bahoobeen qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka kana shaqeeya midnimada , wadajirka iyo iskaashiga muwaadiniinta ayaa markii ugu horeysay waxaanu baaq iskaashi iyo isfaham dulucdiisu tahay u diraynaa Axsaabta Siyaasadda Ee Somaliland , waxaananu leenahay

Muwaadiniinta sharafta leh Mas’uuliyiinta Axsaabta siyaasadda dalkeena( Somaliland ) , Daneenayaasha Nabadda iyo horumarka . Waxa aanu idiinku baaqaynaa iskaashi iyo isutanaasulaad dhab ah oo dhamaystiran taas oo niyad sami u noqon karta shacbigeena sharafta badan ee nabadda iyo qarannimada jecel

Maanta loo ma baahna khilaaf soo kala dhexgala Axsaabta qaranka, iyadoo la’isu diyaarinayo doorasho qaran oo dalka ka dhacda ee waxa loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo danta guud ee qaranka ,waxwalbana lagu dhameeyo isfahan iyo is afgarad iyadoo la eegayo danta qaranka loona naxariisanayo shacbigeena qiimaha leh.

Sidaa daraadeed waa in la joojiyaa erayada qalafsan ee la iswaydaarsanayo laguna beddalaa wada hadal iyo isu tanaasulaad ,shacbiga iyo daneenayayaasha Somaliland –na la farxadgaliyaa !

Waa in aan iska kaashanaa , oo aan kawada shaqaynaa danta guud ee dalkeena iyo ta horumarineed ee bulshadeena ,ugana tagnaa ubadkeena dhaxal qiimo leh oo ay ku intifaacsadaan.

Ogsoonow muwaadin , khilaaf kasta oo sookala dhex gala mas’uuliyiinta sare qaranka (Muxaafid & mucaarid ) waxa uu sababi kara kala qaybsanaan ku timaada shacabka , taasna waxay keeni kartaa cawaaqib xumo aan la mahadin iyo dhibaato hor leh

Ogsoonow muwaadin ,waxa aynu qiimo ku leenahay wada jir , iskaashi ,iyo ilaalinta ammaanka qarankeena . Taas oo hormood ay u noqon karaan Siyaasiyiinta dalkeenu ..Muwaadiniinta sharafta leh ,ee ah mas’uuliyiinta loo igmaday hagida siyaasada qaran waxa aad dareemi kartaan kala qaybsanaan ku timaada hogaanka siyaada axsaabta qaran ka in uu farax galinayo cadowga Somaliland niyad jabna ku noqonayo shacabkii idin doortay .

Guntii iyo gabagabdii annagoo ku hadlayna magaca ardayda jaamacadaha dalka waxa aanu ugu baaqaynaa Mas’uuliyiinta saddexda xisbi qaran, waxgaradka, culimaa'udiinka, aqoonyahanka iyo dhammaan tageerayaasha xisbiyada , meel walba oo ay kala joogaan in si degdeg ah oo waliba sharuud la’aan ah looga howlgalo loona joojiyo khilaafka iyo muranka socda, meelna looga soo wada jeedsado sidii isfahan iyo xal degdeg ah looga gaadhi lahaa habka iyo qaabka doorashada .
SAXEEXA GUDOOMIYAHA
SAYID IBRAHIM AHMED

...

No comments:

Post a Comment