Saturday 12 September 2009

XIN BAY ADHI JIRI WADAAGTAA !!!

XIN BAY ADHI JIRI WADAAGTAA !!!

XIN BAY ADHI JIRI WADAAGTAA !!!

Casriggii uu INGIRIISKU gumaysan jirey somaliland oo ku beegan wakhti-yaddii afarta-nadddii (1940's), baa waxa la yidhi nin MASRIYA oo qaadi ka ahaa maxakamada BERBERA baa gartii uu qaadaaba waxay noqtaa laba beelood oo is dilay, weli muu arag laba nin oo is haysta oo maxakamada la soo joojay, markaas baa isaga oo yaaban sababta buu shaqaala-hiisii waydiiyey maalin ka mid ah ayaamaha oo uu ku yidhi WAA MAXAY WAXAN BEELUHU AY HAD IYO JEER ISKU DILAYAA? dabeed waxay ugu jawaabeen waxa waxaas oo dhami u dhacayaan waa geel la kala dhacay, ka bacdina inta uu madaxa ruxay baa uu yidhi ma waxa i lee-dihiin "KULI FIDMA CINDA GEEL" weeyaan xaalku oo ma jirto sabab kale haba yaraatee? haa baa hadana lagu celiyey, ninka laga xabaadho geel waa in uu aar goostaa, oo wax ku dilaa, taas oo keenta in ay isku dhacaan laba beelood, isaga oo ay geli la'dahay waxa ay rabaan in ay ku qanciyaan, baa wuxu ku yidhi nimankii ay wada hadla-yeen ee u ahaa shqaalaha " haddii
ay caynkaas tahay, gebi-giisaba ha la idinka laayo" halkaas buu kula baxay CALI GEEL LAAYE iyaka oo la yaaban, ninka geela ka laynaaya soomaali oo dhan, ujeediyo hoos u dhaadha-cayggii ee aan maqaalkan ka lee-yahay waxa uu yahay maanta SOMALILAND yaa ah " KULI FIDMA CINDA GEEL? " oo ku sifoobay sida kor ku qoran CALI-GII GEELA LAAYEY? waa su'aalo aan rabo bal cida sheegi kartaa in ay u baxdo oo iga qanciso, weliba aan kuu biniixiyo'e qaybahan aan soo wado ee hoos ku yaal mid-ka-mid ah bal farta iigu mud haddii aad dhexdhexaad tahay oo keli ah oo hor ilaahay u madax banaan, ahayn doc iskaga baydh, ama mid la hor kacaayo sida awr faruur xidhan, hana noqon hor-iyo-daba diid qafal marjac ah oo aan gar qaadan, hay-guna noqon mara-boob isku xufan ee ahoow qof furfuran oo caqliga wax u sheegi kara, ee bal waa kee ka aad saarayso denbiga ka aloosan, kana dhex oogan waax yahahan:-

* Mucaaridka oo ah kulmiye + ucid oo ku bahoobay baa "XIN BAY ADHI JIRI WADAAGTAA".
* Maamulka xukuumada iyo udub oo ku wada socda " TALABA CANAADKA BAAN KA AQAAN " oo suxulada aastay,.
* Golihii xildhi-baanada oo iyana noqday " DAMEERI DHAAN RAACDAY " oo mucaaridkii iska daba galay miyaa,
* Golihii guurtida isna ah "DAMEER MALAB LA SAARAY " oo xilka garbaha u saaran ogayn-ba qiimaha uu lee-yahay,
* Mise ugu dambayn shicibka baa ah " LAX DHUKANI ABAAR MOOG" oo wax la kala macaa-shaayaba la socon.
* Komishanka miyaa isna " KU MAYDHAY MASKAX-BUQ" inta uu faraxal cabay, xusuustii ka halawday, wuxu falaa-yana aan garanayn,

Dembiga yaa wada toloow oo ah ka qodaxda daadi-naaya, sida ay aniga ila tahay BADU WAA ISKU DHAN-DHAN, oo micnaheedu yahay intuba waa isku mid, BAKHTIGA MACUNO LAAKIIN FUUD-KIISA BAAN CABAA maxay ku kala duwan tahay, hadaan fuudka cantuugo xaaraan ma kaga tegayaa? adiga baan nkaa sugayaa akhris-toow fasilaada labada layn ee kor kuugu xiga, marka aan isku dayo anigu midna ma yaraysto ee arinku wuxu yahay WALAAQA HADEE, kii waliba xadhiga dhan-kiisa wuu ka jiidayaa, mid wax la hadhayna ma jiro ama hambay-sanaaya ay jirto dhawrasho, isku dar-koodu waa heestii ahayd:- habeen yahaw dheeri waad dhib badan tahay, dharaar-tuna iima kaa dhaantee, way kala dhigan tihiin dhamaan-tiin, hadaan si yar oo kooban kuugu qeexo waxay tahay sidan ee bal wax ku kala sheeg :- "WAABEEYO WAA SUN", mise waxa weeye " SUNI WAA WAABEEYO" tee baa laga yimaadaa oo samaysa ta kale, aan si kale u dhigo'e ma isku mid baa milix-doodu biyaha " BADA HINDIYA IYO TA BADA CASI"
miyey ku kala badan tahay, mise isku milix-ba maaha, soo duuduub oo anigu waxay ila tahay maahmaah-dii ahayd OODI QAADIS IYO JIIDID WAA ISLA GURYO GAYN, meel uun bay wada tega-yaan, intaas marka aan idhi, waxan dib ugu soo noqday, SUN IYO WAABAY waa isku mid laba-duba, way ku dilayaan waxana kuma kala duwana, bakhtiga iyo fuud-kuna, waa kala dhigan yihiin, badaha biya-hooduna waa wada milix, sidaas awgeedlixda qodob ee dhexda ku jiraa, marka laga reebo laba ka mid ah waa kuwo XINTAMAAYA SIDDII ADHI JIRTA oo aan is dhaamin, eegayn danta umada, u badheedhay xumaan iyo dal dumis wax ay naf lee-yihiina aanay jirin, rajo laga sugaana haba ciyi waa ka beryey, abdo ay lee-yihiin oo laga dhawraa naf go'day oo dib u soo noolaatay, markaas waxba yey kolba iila iman sheeko, way is og-yihiin ee inaka baa shabaqa la inoo daadi-nayaa oo waa beer laxawsi iyo u kala dheereeya kuwan shicibka ah si aad gunta uga sii ridaan.

Sida aan kor ku tilmaamay, labada aan ka reebay lixda qodob ee xaga sare aan ku carabaabay waxay yihiin(1) shicibka oo wax uu laga baayac-mushta-raynaayo, oo wax kasta dhaafsaday NABADA, oo dulqaad iyo duco ku eegaaya, iyaka oo dugsa-naaya xasiloonida ku fadhida iyaka ee aan cid kale oo haysaa jirin, ogna halkii ay ka yimaadeen, lana yaaban kuwa is haystaa waxay ahaan jireen MAAMULKII LAGU MAGACAABI JIRAY SOMALIYA, waxse hubaal ah haddii ay arkaan in aanay ka soo rayn doonin, in shicibku jebin doono silsi-ladaha oo ay nin kasta ka qaban doonaan gacanta meel-na ka marin doonaan wixii ay ku soo dhin-teen, oo aanay ka tasoobi doonin marka ay halis gasho dawladnima-doodu, ee taas haku caano cabeen.
Ta (2) labaad ee aan ka reeba-na waxay weeye KOMOSHANKA oo aad moodo in uu yahay NIN 3 DUMAR AH QABA ( 3 BAHOOD LEH), oo ay kolba laba isu kaasha-nayaa, in yar oo ku jirta dhaqan-keena aan ka wagac siiyo'e, kuna soo xidho'e ha degdegin, waxa-na weeye, nolosha miyiga ninka labada xaas leh baa marka uu guuraayo reeku ee awrka la raraayo, ee ay laba-diisa dumari mid awr-keeda saarayso rarka baa akhrika haanta biyaha QABA-WEYN loo yaqaano oo inta badan la soo dhaamiyo maalinta ka horaysa geediga oo buuxda ay midi ku tidhaahaa nin-keeda WAAR WAY CULUSTAY EE ILA SAAR AWRKA, marka uu ku dhaqaaqo ee is yidhaaho la qabo ee uu gadaanka ka buux-sado, bay ta kale ku tidhaadaa WAAR SOO CARRAR IGA DHACDAYE, markaas buu isga oo aan weli la saarin ka soo ordaa, oo is yidhaahaa tan haanta dheega ku haysa inta aanay ku dhicin ka gaadh, iyaba waa hawle wuxu ninkii ku dambeeyaa in uu kolba mid ku cararo, marku dhawr jeer kolba mid ku noqdo buu inta uu daalo la
hadlaa awrka l;af-tiisa ( weli xinkii baynu ku jirnaaye) oo ku yidhaahaa NABAD QABE NIN LABA DUMARA LEH, NABADI UMA SOO GELIN isaga oo kax bestii ah oo orod ka dhamaaday, hadal iyo dhamaantii nin-kaas ah KOMISHANKU wuxu u taagan yahay murti-daas ah NABAD QABE.....SOO GELIN, oo way ka dhabaqsan tahay, waa laga burbu-riyey, waana daacad, ee wuxu ku dhex jiraa 3 dumar ah oo la kala yidhaaho :-

(1) Cawrala buuqa ( kulmiye),
(2) Falan durduro ( ucid),
(3)Gardaran ( udub),

* Waxa ay jaar yihiin oo marka uu ka quusto 3-da oori-yood uu u cawdaa laba garta cayub u celiya kuwaas oo kala ah :-
* (1) Golaha xildhi-baanada oo uu haysto kii loogu heesi jiray :- hoyadaa nin liitoow, haakah kuma tidhaahee, habaar iyo qamuun-yey, had iyo jeer la joogtaa kaas oo ah CABDIRAXMAAN CIRO. oo ah nin aad u jilicsan oo wax uu qabto daayoo aan kantarooli karin xildhi-baanadiisa, waa nin aanay seedi u dhanaanayn gartana wuxu ku cayuuqaa KOMISHANKA marka ay islaami-hiisa iska hor yimaadaan-ba.
* (2) Ta labaad waxa weeye golaha guurtida oo uu hor fadhiyo oday islaamaha DUMAASHOODA lihi ( S.GAAL), oo gar iyo gardaro, xisti iyo kharibaad usha ka hor lulaaya , rabina in ay cidi soo marto, marka ay is qabtaan KOMISHANKA 3-diisa haween ahna, mar walba geed qudhaanjo leh ku xidha duqa ilayn wuxu rabaa, oo rajo qabaa in uu MEHER-UL-SHARDI ku dumaalo'e, hadalkii waxan kaga baxay oo aan ood-rogada aan ku saaray, KOMISHANKU ILAAH BUU LEE-YAHAY oo marna ka hadi maayaan Cawrala buuqi,Falan durduro, Gardaran waa sadexddii CAJUU-SATAL QAABIRIINE.

*N.B. Ilaah baa guntiga iigu xidhay maydhax gumareede.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment