Saturday 12 September 2009

AFHAYEENKA SALAADIINTA SULDAAN CUMAR OO KA HADALY RABSHADA MAANTA HARGEYSA KA DHACADAY

AFHAYEENKA SALAADIINTA SULDAAN CUMAR OO KA HADALY RABSHADA MAANTA HARGEYSA KA DHACADAY

Afhayeenka salaadiinta Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlayey Wixi la isku ogaa Xalay iyo Rabashadaha Dhacay saaka ayaa sheegay inay iyagu xalayto ku wareejiyeen furayaashii shirgudoonka balan kooduna ahaa in ay xafiis yadooda iska tagaan laakiin wax shir ah iyo wax furitaan ah midna aan la sameyn.

Suldaanka Cumar oo BBC-da u Waramayey ayaa sheegay inay ogaadeen xalay Saqdii Dhexe in Mudaharaad jiro oo Xukuumadu iyaga ku wargalisay wuxuna yidhi "markii intaasi aan ku kala tagnay saacado dambe oo subax ku dhawaad ki ah ayay noo miyaadeen qolyo xukuumada ka socda waxayna nagu wargaliyeen in shaqaaqo jirto arin mudaharaadyo iyo mashaakilaad noocaasa ayaa jira . waxanu ku nidhi bal waagu ha inoo baryo oo han isla aragno".

Suldaanku wuxu intaa ku daray oo uu yidhi "Shirgudoonka waan isku daynay inan la hadalno oo aan u sheegno arinkan jooga ee nagu soo kordhay laakiin noomay suurto galin . Dadaalkayaga waan wadaynaaa wixii Rabi qadaray cidina joojin kari mayso . Inta nool uun ba mihiim ah in loo taliyo oo mushkiladu halkaa ku ekaato . Barlamaankana xoriyadiisa loosii daayo oo barnaamijkiisa loosii daayo. Haday shaki iyo barnaamijyo jiraan siyaasi ahina laga wada hadlo oo anaguba sidaan ku talo gashaneyn , Maantaba inan isku keeno dhinacyada baarlamaanka ee is haya ayay aheyd oo aanu khilaafkoodi isla maantaba saarno . baritoolana barnaamijyadooda iyo shaqadooda bilaabaan laakiin waxa imikaba ka hor yimi"

Wuxu Suldaanku Sheegay inay la kulmayn Shirgudoonka Golaha Wakiilada Maanta isagoo Arrinta ka hadlayana wuxu yidhi "Imikana waanu kulanay oo hada ayaan xarunta ka soo baxnay waxanan isla garanay in arinta intaasi lagu joojiyo . isla markaana gaar gaar loo wada hadlo oo qolada guurtiduna gaar usoo wada hadasho salaadiintu gaar usoo wada hadasho Caawana la isku yimaado . Si go'aan midaysan loo qaadan karo

Suldaanku wuxu intaa ku daray in Shirgudoonka Golaha Wakiilada loo siidayey Xaruntooda oo ay Xafiisyadooda Fadhiistayn, Balse Cida laga hor istagay uun ahayd Dadweynaha Gadoodsan.

Xafiiska Wararka ToggaHerer

Hargeisa

No comments:

Post a Comment