Saturday 12 September 2009

TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY TAARIIKHDA SOMALILAND

TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY TAARIIKHDA SOMALILAND

Akhristeyaasha qiimaha badan ee Jecel in ay kordhiayaan ama tijaabiyaan aqoontooda ku aaddan Taariikhda Somaliland, waxa aan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo su’aalo kooban oo ku saabsan Taariikhda Somaliland ee ka horreysay 1960-kii, waana qormadii labaad ee aan su’aalahaas idiinku soo tebiyo.Su’aalahaas oo ah kuwan:



1. Sheeg todoba ka mid ah ururadii siyaasada ee Somaliland laga sameeyay ka hor 1960-kii?

2. Labadee ayaa loogu hor aasaasay ururadii siyaasada ee Somaliland laga sameeyay ka hor 1960-kii?

3. Goorma ayaa la aasaasay ururkii la odhan jiray SNS? Yaase aasaasay?

4. Shirweynihii lagu aasaasay ururkii SNL halkee ayaa lagu qabtay ? Goorma ayayse ahayd?

5. Yaa ka mid ahaa guddigii u horeeyay ee SNL?

6. Sheeg xaruntii koowaad ee urur-siyaasadeedkii SNL?

7. Magacaw ugu yaraan 10 ka mid ah 33-kii xildhibaan ee ay Somaliland yeelatay 1960-kii?

8. Kuma ayaa noqday Guddoomiyaha Baarlamaankii u horeeyay ee Somaliya 1960-kii?

9. Sheeg wargeyskii koowaad ee ka soo baxa Somaliland xilligii Ingiriiska iyo luqada uu ku soo bixi jirey?

10. Wargeyskaa koowaad halkee ayaa lagu daabici jirey, yaase soo saari jirey?

11. Sheeg wargeyskii labaad ee ka soo baxa Somaliland xilligii Ingiriilska? Yaa se lahaa wargeyskaas labaad? Sheeg se tifatirhii wargeyskaas oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee hadda nool?

12. Sheeg laba wargeys oo kale oo iyaguna xilligaas soo bixi jirey?





Isku daya inaad ka jawaabtaan su’aalahan. Hadii ay adkaato in ad ka jawaabtaan dhamaan su’aalahan waxa aan tixraac ahaan u adeegsataan buugga “Sooyaalka Taariikhda Somaliland ee ka horreysay 1960” ee uu Qoray Qoraaga Taariikhyanka ah ee Sayid Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha ururka Qoraaga Somaliland



Siciid Maxamuud Gahayr
Education and Research Academy “ ERA”
Hargeisa , Somaliland
saedmgahair@hotmail.com

No comments:

Post a Comment