Thursday 3 September 2009

XILDHIBAANADA GOLAHA WAKIILADA S/L OO MAANTA ISKU GACAN SARAY FADHIGOODII

XILDHIBAANADA GOLAHA WAKIILADA S/L OO MAANTA ISKU GACAN SARAY FADHIGOODII

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii maanta Gacanta isula tagay kadib markii lagu murmurmay Qaabka Dooda ee Golaha.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Xildhibaanda Muxaafidka ee Xisbiga UDUB iyo kuwa Mucaaradka ee Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE ayaa isku faro saaray Xarunta Golaha Wakiilada Dhexdheeda.

Mudanayaasha Xisbiga Talada haya ee UDUB ayaa xoog ku hor istaagay inuu Goluhu furmo rabshad iyo muran dhawr saacadood hadheeyay ayay mudanayaasha UDUB ahi isla hortaageen miiska uu shirguddoonku uga arrimayo Golaha taasoo sababtay in shirguddoonku hagi kari waayo fadhiga isla markaana uu Goluhu galay gacan ka-hadal iyo buuq inta badan ku sigtay in dagaal ka dhaco golaha.

Xildhibaanada Xisbiga UDUB ayaa jarjaray Nuquladii xeerka loo qeybiyay oo ahaa Xeerka Komishanka xuquuqda Aadanaha Somaliland sidoo kale waxa ay wax yeelo soo gaadhay Mikirifoonadii miisaanti iyo Kuraastii Golaha..

Wariyayashii ayaa dibada looga saaray Golaha markii uu cirka isku shareeray murankii Xildhibaanaduna gacanta isula tageen , gabi ahaana waxa loo diiday inay cid kale soo gasho marka laga reebo ciidamada Booliiska oo amaanka Golaha sugayay.

Shirguddoonka ayaa ugu danbayntii xidhay fadhigii, waxaana loo saaray Wax ka qabashada arrintan Guddi ka kooban 11 xubnood sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Md C/raxmaan Cirro markii ay ka soo dareereen Fadhiga
“kolkaanu saxaafada saarnay waanu shirnay, hawl Goluhu leeyahay baanu qabanay, hawl qaranku leeyahay baanu qabanay. Wuxuu ku soo gabagaboobay heshiis iyo hawl maalmeedkii Golaha in si caadi ah loo joogteeyo”.

Su'aalo dhawr ayey saxaafadu waydiisay Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliladn Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi suaalihiina waxaa ka mid aha

S:- Mudane Gudoomiye waxaa la leeyaha waxaa jirta inay xildhibaanada qaarkood kaa codsadeen in laga wada hadlo ajandaha kalfadhiga oo hore loo ansixiyay wax ka badalkiisa miyaanay ahayn in aad Golaha hogaamisaan oo aad adeegsataan sharciyad ahaan awood
Gudoomiyaha waxa uuu ku jawaabay “Wada hadal bay marka hore ku imanaysaa, haddii wada hadalku socon waayo sharciga in la adeegasdo way iman doontaa”

Su'aal la waydiiyey ayaa ahayd mar hadii ay sidan tahay sidee looga gudbi karaa
arina waxa uu ku jawaabay “Arrintan Goluhu wuu ka gudbayaa, dhaqankaa ay xildhibaanadu muujiyeena maantana dadkii soo doortay way arkayaan markaa iyagaa ka jawaabidoona”
Su'aal kale oo la waydiiyey ayaa iyana u dhignayd in ka shirguddon ahaan in lagu eedaynayo in ay dhinac yihiin oo muadanayaasha halkay ka qancin lahaayeen ay jujuub ku mariyaan mosion kasta oo ay ahayd inaad ka doodaan laakiin aydaan ka doodine aad duuduub ku ansixisaan maxaad taa ka leedahay
Waxa uu ku jawaabay gudoomiyuhu “ labaduba waa suurtogal, sharciyada qaarkood waxaanu ku ansixinaa duudduub, qaarna qodob qodob baanu u ansixinaa markaa kamuu duwanayn kuwii hore ee aanu ansixinay”

Ugud damabayntii mar aanu waxa ka waydiinay qaar ka mid ah golaha ee saaka isku gacan saaray halkasi ayay waxay hadakooda ku soo boobayeen in ay wax wal oo dhaca wadahal iyo is afgarad ku dhamaynayaa.

Warqbadka TogaHerer
Hargaysa

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment