Thursday 3 September 2009

DAWLADA HOOSE EE HARGAYSA OO BILAWDAY WADO LAAMI AH OO ISKU XIDHA MAXAMUD HAYBE & MAXAMED MOOGE

DAWLADA HOOSE EE HARGAYSA OO BILAWDAY WADO LAAMI AH OO ISKU XIDHA MAXAMUD HAYBE & MAXAMED MOOGE

Dawlada Hoose ee Hargeisa oo Bilawday Waddo Laami Ah oo isku xidhaysa , Dedmada Maxamuud Haybe iyo Waaxda, M/Mooge

Dawlada hoose ee magalada Hargeisa aya si Rasmi Ah u Bilawday Dhamaystirka jid Laami ah oo logu Talagalay, In u Isku Xidho Labada Degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge
Wadadan oo Qarashka ku baxaya ay iska kashadeen dawlada hoose ee hargaysa dadwaynaha labad degmo ururka iskaashatada basaaska ee (CITY BUS) wadadaso dhismehedu socday dhawanahanba aya wax la rajaynaya in la so gabagabeyo dhamaystirkeda sida u sheegay duqa caasimada Egn, xuseen maxamuud jiciir , hadaba wax an an shaki ku jirin in lagaga raysan doono dhibaato badan oo dadwanayaha xaafadasi ka haysatay isticmaalka wadadaasi oo ku adkayd marista gaadiidka iyo waliba dadwaynaha .
Image and video hosting by TinyPic
Waxa iyana xusid mudan sida diiran ee ay dadwayana magalada hargaysa uso dhawaynayan waxqabadka la taban karo ee dawlada hoose ay ka qabatay dhinaca wadooyinka cusub oo marki ugu horaysay laga hirgaliyo caasimada somaliland tan iyo wakhtigi siyaad bare , hadaba wax dawlada hoose ee hargaysa ay dhawanahanba waday sidi magalada logu so kordhin laha jidad cusub oo laami ah taasi oo imika ka muqata caasimada marka ad ee egto wadoyiinka ku so kordhay, caasimada wax ka mid ah wadad isku xidha saldhiga dhexe ila dugsiga sare ee farax oomar, wadada warancade raod, wadada bada cas ila maansoor, wadada farax nuur , wadada star ila jarato , wadada isku xidha dagmoyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe wax sida yidhi Duqa caasimada oo maanta koormeer ku marayay qaar ka mid ah wadoyiinka ay hawshu ka socoto ee Waaxda Maxamed Mooge, waxkale oo duqu hadalkisa ku daray in dhawan la bilaabi doono Wadooyinka Degmada Ibraahim koodbuur kuna xigi doonto Degmada Gacanlibaax,
waxa kale oo duqu ugu baaqay qurba gooja reer somaliland In ay ka qayb qatan dhismaha wadooyinka caasimada

Xassan Maxamed C/Laahi
Hargaysa


No comments:

Post a Comment