Thursday 3 September 2009

WARSHAD ROODHIDA SAMAYSA OO LAGU DEEQAY XARUNTA DHIMIRKA SAHAN.

WARSHAD ROODHIDA SAMAYSA OO LAGU DEEQAY XARUNTA DHIMIRKA SAHAN.

Warshad wax-soo-saar oo ah nooca furinka lagu dubo, ayaa muwaadinad qurba-jooga reer Somaliland ah oo magaceeda la yidhaa Faadumo Bile Cali ugu deeqday xarunta SAHAN ee lagu hayo dadka dhimirka qaba ee magaalada Hargeysa.
Image and video hosting by TinyPic
Kulan ballaadhan oo maanta lagu qabtay mid ka mid ah xarumaha ururka SAHAN ku daryeelo dadka maskaxda ka xannuunsanaya ee xaafada New Hargeysa, kaas oo ay ka qaybgaleen dad ay ka mid yihiin Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray, (Aadan-siiro), Maayar-ku-xigeenka Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Safiirka Somaliland ee Irland Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, muwaadinada warshadaasi ku deeqday iyo maamulka xarunta sahan, ayaa lagu kala guddoomay deeqdaas, isla markaana lagaga hadlay baahiyaha xaruntaasi oo baaqyo looga jeediyey bulshada.
Image and video hosting by TinyPic
Sheekh Aadan Siiro oo ugu horreyn kulankaasi ka hadlay, ayaa aad ugu mahadnaqay muwaadinada warshadaasi ugu deeqday xarunta dhimirka, waxaannu tilmaamay inay faa’iido badan leedahay.

“Warshadaasi kumanaan midh oo furin ah ayey soo saaraysaa, haddii la furo xarunta la doonayo in loo dhiso xaruntan oo dadkeena dhimirka qaba oo dhan lagu xareeyo waxay cunaan oo dhan ayaa ka soo baxaya, waxay samaynaysaa roodhidii, keegii iyo wax kasta oo lagu dubo,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro, waxaannu intaa raaciyey, “Inantaasi hurid ayey samaysay, iyagaa soo iibsaday warsahdaasi oo waxay ugu talogaleen inay meherad ku samaystaan, laakiin markii ay arkeen dadkoodii oo jilicsan oo dhibaato haysato, waxay la noqotay inay u hibeeyaan. Waxaannu leenahay Ilaahay ha idink abaalmariyo, qoys barkaysan baad tihiine. Dadkeena kalena waxaanu leenahay waa bishii barakaystnayd, gaar ahaan ganacsadtada waxaannu ugu baaqaynaa waar haddii aydaan sadaqo bixinayn sakada waajibka ah 10% keliya aynu xaruntan ku kobcino.”

Guddoomiyaha xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in warshadani wax badan ku soo kordhin doonto xarunta ay dadka maskaxada ka jirran ku hayaan.

“Warashadani waxtar weyn ayey u noqonaysaa xaruntan, dhinac waxay ka noqonaysaa in dadkan meesha ku jira lagu tababaro sida roodhida loo sameeyo, kadibna ay ugu shaqo tagaan warshadaha furinka sameeyo oo shaqo loo waydiiyo, waxay wax ka taraysaa cuntadii ay quudan lahaayeen inay ka helaan, waxa kale oo ay u noqonaysaa in wax-soo-saarkeeda sida warshada kale ay iibgeeyaan oo ka faa’iidaystaan,” ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in warshada uu ka maqan yahay mashiin dab looga dhaliyo, kaas oo uu u bandhigay Sheekh Aadan-siiro, isla markaana rajo ka qabo in la helo.

Muwaanida warshadaasi ku deeqday Marwo Faadumo Bile Cali oo iyaduna kulankaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in markii ay aragtay dhibta haysata dadka xannuunka maskaxdu hayo ay aad uga damqatay, isla markaana ay aad ugu faraxday xarunta SAHAN ee lagu daryeelo.

“Dhibaato badan ayaa haysata maanta dadkeena xannuusanaya, waxaan bulshada ugu baaqi lahaa in aynu isku naxariisano oo ummadu dareento dadkaas xannuusanaya ee aan dhaxan, kulayl iyo gaajo midna ka hoyan garanayn dhibta haysata,” ayey tidhi Marwo Faadumo.

Maayar-ku-xigeenka caasimadda Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa isaguna sheegay in bulshadu wax ku noqonayso marka ay iskaashato ee ay dhexdeeda iscaawiso, waxaannu ugu baaqay tijaarta inay gurmad dhaqaale iyo mid waxtarba u fidiyaan xarunta SAHAN.

Maayar-ku-xigeenku waxa uu ballanqaaday in dhinacooda dawlad hoose ahaan ay diyaar ula yihiin wixii ay u qaban karayaan sida dhul degmooyinka magaalada looga dhiso.

Safiirka Somaliland ee Irland Mr. Cabdifataax Siciid Axmed oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in marka uu ku noqdo Yurub ay isaga iyo Safiirka Somaliland ee Norway ay u qorshaysan tahay inay dawooyin iyo dhakhaatiirba u soo raadiyaan cusbitaalada dhimirka ee Berbera, Burco iyo xarunta SAHAN.

Sidoo kale, waxa deeq raashin ah oo ay bixisay isla Faadumo Bile Cali la gaadhsiiyey ilaa toban qoys oo ku kala yaala xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku nool yihiin dumar uu hayo xannuunka dhimirku.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
SMC/THN
Hargaysa

No comments:

Post a Comment