Saturday 12 September 2009

XAALADA MAGAALADA HARGEYSA OO CAADI KU SOO NOQOTAY IYO DHIAMSHADA OO SARE U KACDAY SAWIRO

XAALADA MAGAALADA HARGEYSA OO CAADI KU SOO NOQOTAY IYO DHIAMSHADA OO SARE U KACDAY SAWIRO

Xaalada ayaa degtay wixii ka danbeeyay salaada Duhur dadkii mudaharadayay intooda badanina way iska kala dareereen Mudaharaadkan ayaa keenay dhimasho iyo Dhawac soo gaadhay qaar ka mid ah Mudaharaadayaashii.

Magaalada ayaan imika wax xabad ahi ka dhacayn inta badan wadada tagta Shacbka ee Wadnaha ayaa caadi ku soo noqotay inkasta oo wadadu ka xidhantay Baar Hargeysa marka La gaadho .

Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey Mudaharaadka Rabshadaha Wata iyadoo dhaawacuna uu intaa ka badan yahay.

Mudaharaadkan ayaa bilaamay saaka markii loo diiday in shirgudoonku gudaha u galo xarunta wakiilada.

Ciidamada ayaa markii hore isticmaalayey Sunta dadka ka ilmaysiisa (TEAR GAS) balse taasi markii ay joojin wayday Mudaharaadayaasha oo doonayey inay furaan Xarunta Golaha Wakiilada,waxay bilaabeen in ay rasaas nool u adeegsadaan kala kaxayntooda taas oo keentay khasaaraha culus eel eh dhimasho iyo dhawacaba .

Image and video hosting by TinyPic
GAADHIGA GT GA AH EE LA GUBAY
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment