Saturday 12 September 2009

SHIRGUDOONKA WAKIILADA EE MAAMULI KARI WAAYAY GOLAHOODII IYO KULMIYE AYAA KA DANBEEYA RABSHADAHA

SHIRGUDOONKA WAKIILADA EE MAAMULI KARI WAAYAY GOLAHOODII IYO KULMIYE AYAA KA DANBEEYA RABSHADAHA

Madaxweynaha Somaliland oo mar dhaweyd ka hadlay rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee saaka Hargeysa ka dhacay ayaa ku eedeeyay inay masuuliyadeeda leeyihiin Shirguddoonka Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Kulmiye.

Sidaas waxa uu ku sheegay waraysi uu imika siiyay BBC da waxaanu sheegay inay dad ay soo abaabuleen ay soo weerareen Xarunta Golaha Wakiiladda waxaanuu hadalkiisa ku bilaabay madaxweynu sidatan.

Horta Marka u horeysa arinkasta oo siyaasadeed wada hadal ayaa lagu dhamayn karayaa anigu sidaan aaminsa nahay wax buuq laga sameeyo oo nabadgalayda lagu xumeeyana oo meesha yaalayna ma jiro run ahaantii waxa arimahan ka danbeeya Shirguddonka golaha wakiilada oo golahoodii maamuli kari waayay iyo xisbiga Kulmiye ayaa si toos ah uga dambeeya, waxaanan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa waxa dhacaday rabashad aan loo baahanayn maalintii dhawayd markii goluhu xidhmay ee ay isku buuqeen furihii la hayay xalay ayaa lagu wareejiyey.


Saaka si nabad ah inay ku yimaadaan bay ahayd shir gudoonka ayaa hor kacayay rabashkan saaka dhacay.
Dhimasho way dhacday dhaawacna waa dhacay dadweynaha waxaan leeyahay nabadeena aan ilaashano oo cadaw badan baynu leenahay xabadi haday meesha bilaabantana Boqolaal hurda oo mashaakil Somaliland la raba ay kusoo dhex dhuumanayaa Mudaharadyada taasina ay keenayso in nabadu faraha ka baxdo.

Shacbiga Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay is dajiyaan ninka sita oo siyaasad ka hadlayna anaa u diyaar ah in aanu wada hadalno arin wada hadal u baahna in rabash lagu kiciyo maaha oo nabdiina la idinkaga khiyaamo maahin waxgarad iyo aqoonyahan waxaan leeyhaya dadka rabashakaa wda waynu isla garanaynaa inta ay la hadlaan nabdoodna in aany kaga ciyaarin iyaguna inay ka feejiganadan.

Dhalinyardaa la khaldayna waxaan leeyahay rabashka joojiya
cida diidani waa cida wadahadalka diidan ee cunfiga rabta cida is haysaa waa golahoodii hadii ay nabdgalyo daro dhacdo dee nabadgelyadu xukuumada ayay saarantay laakiin hadii gudahoodii shirgudoonki qaybna raaco qaybna gooni ka dhigo dee waa khalad iyaga ka imanaya .

Waxa imika xal ah wuxu sheegay in Xalku yahay in la joojiyo rabshadaha iyo Buuqa oo aanay wax maslaxadi aanay ugu jirin Somaliland iyo Umad haaanba oo aan la wiiqin Nabada iyo Horumarka 19 sano lasoo waday, Madaxweynuhu wuxu tacsi u diray Dadka ku dhintay iyo kuwa wax ku noqday Mudaharaadka maanta isagoo Ilahay uga baryey inuu alle janadii fardawsa ka waraabiyo dadka dhintay kuwa dhaawcamayna ilah hay Caafiyo.
Waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa in ay nabda ilaaliyaan dalkooda arimaha jirana wada hadal ayaanu ku dhamaynaynaa.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment