Tuesday 15 September 2009

XAALADA KISMAAYO OO KACSAN IYO GAWAADHIDA LIDKA DIYAARADAHA OO SI GARBA SIMAN AH LOO DHIGAY XARUMAHA

XAALADA KISMAAYO OO KACSAN IYO GAWAADHIDA LIDKA DIYAARADAHA OO SI GARBA SIMAN AH LOO DHIGAY XARUMAHA

aalada Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemay xaalad kacsanaan ah, kadib markii Maamulka Islaamiga Kismaayo ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay jirto cabsi ku aadan duqeymo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo labadii maalmood la soo dhaafay ay dul heehaabayeen magaalada.

Gawaarida Lidka Diyaaradaha ayaa si garba siman loogu dhigay xarumaha uu ku howl galo Maamulka,taasoo micnaheedu yahay in diyaaradahaas caabin u yihiin diyaaradaha jooga hoose ku duulaya oo isaga soo daba noqda magaalada.

Labo cisho ka hor ayay aheyd markii Diyaarado Helicoptero ah iyo kuwa kale oo jawi hoose ku duulayay ay dul mareen qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana ay si gaar sawiro uga qaadanayeen xarumaha Maamulka.

Magaalada Kismaayo oo xarun weyn u ah Islaamiyiinta ayaa la sheegaa inay tahay magaalo istiraatiiji u ah xoogagaas, iyagoo horay lagu eedeeyay inuu uga soo dago Dekeda magaalada Hub kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira magaalada ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Diyaarado Helicopter oo gaarayay ilaa lix diyaaradood ay weerar ku dileen Saalax Nabhaan oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Alshabaab, kaasoo Meydkiisa markii dambe qaateen diyaaradaha.

AXMED KULAN JOOKAR

No comments:

Post a Comment