Tuesday 15 September 2009

FADHIGA GOLAHA WAKIILADDA OO MAANTA AY ISUGU YIMAADEEN LABADAII GARAB KANA SOO XAADIREEN 20 MUDANE

FADHIGA GOLAHA WAKIILADDA OO MAANTA AY ISUGU YIMAADEEN LABADAII GARAB KANA SOO XAADIREEN 20 MUDANE

Fadhiga Golaha Wakiiladda JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro)ay ka soo xaadireen 70 Xildhibaan oo iskugu jira labadii dhinac ee khilaafku u dhaxeeyey sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Salaadinta waday xalinta khilaafkan waxa kale oo saaka loo ogolaaday saxaafada madaxabanaan in ay ka soo qayb galaan fadhiga .



Fadhiga aan Caadiga ahayn oo ay kaga hadlayn Qodoba Dhawr ah waxa ugu muhiimsana Qodobka 6-aad ee Xeerhoosadka Golaha Wakiilada kaas oo dhigaya inan Xildhibaanada Golaha loo ogolayn inay hub lasoo galaan Xarunta Golaha Wakiilada, iyadoo Shirgudoonku Faray Ciidanka booliska ee Ilaaliya Xarunta inay Baadhaan Xildhibaanada soo galaya Golaha Kalfadhiyada Caadiga ah.

Waxa sidoo kale Xildhibaanada Golaha wakiiladu maanta cod u qaadayn in Goluhu Cod u qaadayn inay galaan Fadhi aan caadi ahayn inay fasax noqdaan muddo hal bil ah.

36 Xildhibaan ayaa u codeeyey in lasii wado Kalfadhiga aan caadiga ahayn Halka 32 Mudane ay u codeeyeen in Muddo bil ah la fasaxo golaha Mar haddii ay Ciidu soo galayso. Hal mudane wuu ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu codayn.


Golaha ayaa u balamay Sabtida Kalfadhiga aan caadiga ahayn inay sii wadaan.

No comments:

Post a Comment