Tuesday 15 September 2009

GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MAANTA FADHI KA YEESHAY XAALADA DALKA IYO DIBUDHACA DOORASHAD

GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MAANTA FADHI KA YEESHAY XAALADA DALKA IYO DIBUDHACA DOORASHADA

Fadhiga Golaha Guurtida ee maanta oo ay fadhiyeen 59 xildhibaan ayaa laga dooday waxa laga yeelayo muranka siyaasadeed ee ka dhashay dibu dhaca Doorashada Madaxtooyada oo khalkhal dhinaca nabadgelyada ah maalmihii u danbeeyay dalka ka abuurtay
Mudanayaasha ayaa maanta loo furay dood ay arrintaasi ku naaqishayaan waxaan aragtiyo kala duwan oo ku waajahan madasha ka jeediyay dhar iyo toban xildhibaan kuwaasoo nuxurka doodoodu ay u badnayd in lala tashado Madaxda axsaabta ka hor intaanu Goluhu Go’aan ka soo saarin muddada Doorashada.
Waxaana cod loo qaaday laba soo jeedimood oo kala ahaa in shirguddoonku si gaar ah ula soo kulmaan madaxda axsaabta iyo in Golaha loogu yeedho si wax loo weydiiyo,waxaana loo qaaday labadaa aragtiyood cod waxaan la isku raacay in fursad bari loo siiyo shirguddoonku inuu axsaabta la soo kulmo khamiistana Golaha ay ku soo celiyaan taladooda
Soo jeedintaasi waxa ogolaaday 48 xildhibaan oo ka mida 59 xildhibaan ee Golaha fadhiyay, 10 xildhibaana waxay soo jeediyeen in Golaha hortiisa la keeno,Guddoomiyuhuna muu codayn.
Dooda Golaha ee maanta ayaa u muuqda Golaha aqlabiyadiisu inay isku raacsan tahay in muddada Doorashada la kordhiyo balse waxa aan la garanayn waxa ka soo bixi doona kulanka shirguddoonka iyo axsaabta balse waxa loo badinayaa inay awoodda Dastuurku Golaha ahaan gaarka u siiyay ku meel marin doonaan si looga baxo xaalada jirta.

No comments:

Post a Comment