Wednesday 16 September 2009

XAALADA ABAARAHA IYO SAFARKA WARIYE AXMED SAKIN KU TAGAY QAAR KA MIDA DEEGAMADA ABAARTU SAAMAYSAY

XAALADA ABAARAHA IYO SAFARKA WARIYE AXMED SAKIN KU TAGAY QAAR KA MIDA DEEGAMADA ABAARTU SAAMAYSAY

Iyadoo ay guud ahaanba ka jirto wadanka oo dhan ay si wayn u saamaysay abaar ba'an oo ka dhalatay roob yaraan mudo dher soo jiitamaysay taasi oo sababtay inay dad badan oo xoolo dhaqato ahaa ay xoolihii ka dhamaadeen isla markaana ay ku soo xaroodeen tuulooyinka iyago aan haysan haba yaraatee wax ka mida waxyaabaha asaaska u ah nolosha bani'aadanka.

Hadaba ka dib markii ay soo badatay qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan meelo badan oo ka tirsan gobolka sool ayaa waxaa safar gaaban oo qiimayn ah ku tagay deegaamo ka mida meelaha sida wayn looga soo dayrinayey wakiilo ka socday qaar ka mida NGO-da oo ay waheliyaan koox wariyayaal ah oo uu ka mid yahay wakiilka Togaherer ee gobolka sool Axmed Saakin Faarax Warsame tuulooyin ka mida kuwii sida wayn looga soo dayrinayey si markaasi aan wax uga soo ogaano heerka dhabta ah ee abaarta waxrbixina aan uga soo diyaarino.

Safarkayaga oo aan ku tagnay ilaa 10 tuulo oo toostaga degmada taleex ee gobolka sool ayaa waxaa aan ka bilownay tuulada lagu magacaabo Dhubuq-Dhubuq oo aan indho indhayn ku samaynay heerka abaarta ay gaadhsiisan tahay,walow tuulada Dhubuq-Dhubuq ay leedahay ceel biyood wanaagsan kaasi oo ilaa hada ka samatabixiyey dadkaasi xaalada biyo la'aanta ee ka jitra gobolka ayaa dadka deegaanku waxay si wayn cabasho uga muujiyeen xaga baad la'aanta oo ay sheegeen inay xoolihii markay waayeen waxay cunaan ay hada bilaabeen inay baqtiyaan,sidoo kale waxaan safar kaas la mida ku tagnay tuulooyinka kala ah Caroolay,Qawlo,Habardhugooti,Dhumay,Kacayo Xalin Iyo waliba Degmada taleex oo ay dhamaanba tuuloyinkaasi hoostagaan kuwaasi oo dhamaan dadkii deganaanka ay ka muuqatay diifta ay ku reebta abaarta iyo waliba iyo macaluusha ka dib markii ay dadkaasi xolohoodii ka waayeen waxayn ka manaafacaadsadaan.

"Oday Warsame Maxamud Afwayne oo ka mid ahaa odayaasha degaanka dhumay ayaa waxaa uu u sheegay togaherer inuu adhigiisii oo tiradiisu kor u dhaafaysay ilaa 200 ooo neef ay hada ka hadhay wax ka yar 150 taasi oo lagaga qiyaas qaadan karo baaxada abaarta iyo mudada ay soo siitamaysay waxaana uu baaq u diray hay'adadaha caalamiga ah iyo cid kasta oo wax u qaban kartaa inay la soo gaadhaan gargaar bani'aadanimo".

Waxaa uu intaasi ku sii daray in meelaha qar aysan haysan biyo iyo baad midna islamrkaana ay ku adkaatay inay u guuraan meelaha iyaga dhaama gaadiid la'aan awgeed sidaas darted ay halkooda ku sugayaan gargaar ilaahay

Intii aan ku guda jiray safarkan ayaa waxaa ay indhahaygu qabanayeen tiro xoolo uu baqtigoodu yaalo hareeraha wada

Dhulka aan safarka ku tagnay oo ahaa dhul xitaa ay dhirtii qalashay ka dib markii muddo dheer aysan helin roob ku filan iyadoo ay dadka deegaanku noo shegen inaysan mudo afar sano oo isku bixis ah aysan helin roob si wanaagsan u barwaaqeeya dhulka.walow hada lagu jiro xili kaliiil ah oo ay qoraxdu aad u kulushahay islamarkaana ay cirka ka muuqato daruuro aad u badan oo dadka rajo galiyey.


Ilaa iyo iminka ma jiraan cid isku xil qaantay oo u gurmatay dadkaasi ay abaartu waxyelaysay haday ah aan lahayd hay'adaha caalamiga ah iyo waliba dawlada oo ilaa hada aan wax jawaab ah ka bixin mar ka laga reebo baaqyo ay u jeediso beesha caalamka.

Isku soo wada duuduuboo abaaratan ku habsatay guud ahaan wadanka soomaaliland walow ay ugu sii daran yiihiin gobolada bariga e sool iyo waliba sanaag ayaa waxaa ay hada ku soo beegan tay xili lagu guda jiro bishii barakaysan ee ramadaan oo ay dadku aad ugu nugul yihiin abaaraha


Ugu dambayntii dhibaatada ka jirta dhulkaasi aan safarka ku tagnay ee ay sababtay abaartu ayaa waxaa ay ahayd mid aan indhaha laga qarsan Karin.

Image and video hosting by TinyPic
Wariye Axmed Saakin Faarax Warsame
Togaherer /Office/lasanod
axmedsaakin@hotmail.com
tel: 0025224494202

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment