Wednesday 16 September 2009

MAXAAD KA TAQAANAA FAZUL ABDALLA OO AH ISNA NIN MARAYKANKU SI BAN UGA BAADI GOOBAYA SOMALIA

MAXAAD KA TAQAANAA FAZUL ABDALLA OO AH ISNA NIN MARAYKANKU SI BAN UGA BAADI GOOBAYA SOMALIA

Maxaad Ka Taqaanaa Fazul Abdalla Mahamed Oo Ah Isna Nin Maraykanku Si Ban Uga Baadi-goobaayo Somalia.

Fazul Abdalla waa Maskaxdii ka denbaysay Qaraxyadii lagu fuliyey Safaaradaha Maraykanka ee Africa-da bari, waxaanu macalin ku yahay habka dhuumashada ama Isqarinta.

Mr Fazul ayaa liiska Argagaxisada ee FBI-da Safka hore kaga jira , Iyada oo waliba Dawlada Maraykanku balanqaadey ninkii warkiisa keena in la siin doono lacag dhan 25 million oo dollar. Fazul waxa uu u dhashay jasiiradaha kamooro da'diisana wax lagu qiyaasay in uu yahay 37 jir, Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaaya in uu ka mid yahay Madaxda Argagixisada Al-shabaab kuna sugan koonfurta Somalia. Fazul ayaa ah nin aad u yaqaana cilmiga kombuyuutarada iyo luqadaha, ninkaasi waxa uu leeyahay in ka badan 18 Naanaysood oo uu isticmaalo.

Bishii march sanadkii 2003 ayaa waxaa Maraykanka oo uu caawinaayey Qabqablihii la odhan jiray Maxamed dheere ee reer Jowhar uu gacanta ku dhigay nin yemani ah oo la yidhaahdo Saleebaan Cabdala Saalim oo isagu ahaa dadka aadka ugu dhowdhow Mr Fazul, qabashada ninkaasi waxay kuu cadaynaysaa in uu Fazul ku dhuumanaayo Somalia muddo aad u dheer. Fazul ayaa waxa la sheegayey in uu soo gaadhay dhamaadkii sanadkii 2003 magaalada Muqdisho iyadoo ay ilaalinayaan ama waardiyeynayaan dablay aad hubaysan oo ka amar qaadanaysay.... Abdiqaasim Salaad iyo Adan Ceerow oo Maraykanku dilay, sanadkii 2004-kii ayaa waxaa la sheegayaa in Fazul uu u gudbay dhinaca marka ilaa iyo kismaayo iyo xuduuda kenya. Intii Argagixsada Al-shabaab aanay xoogaysan waxa uu Fazul damacsanaa in uu ku dhaxdhuunto dadka Banaadiriga ah ama Baajuunta ah oo uu u ekaan-karo iyada oo la sheegay in ninkaasi uu aad ugu fiican yahay luqada Sawaxiliga ee ay dadka Baajuunta ahi ku hadlaan.

Mr Fazul waxa uu wakhti ku soo qaatay tuulada Gendershe iyada oo waliba ay dadka degaanka ahi ogaayiin in uu yahay nin si aad Maraykanku u raadinaayo. Dadka magaalada deggen waxay sheegeen in uu maalin walba uu ku tababaran jiray xeebta, laakiin mar dagaal tuuladaa ka dhacay, waxa uu qabtay dhinaca Muqdisho khaasatan xaafada Xamarjajab. Waxa kale oo la sheegay intii ka horaysay 2006-kii in u kala Gooshi jiray Magaalooyinka kala ah Kismaayo, Kudha, Madhomo iyo Diinsoor Meelahaas oo uu ka soo iibsan jiray dhagaxaan aad u qaali ah.

Gen. Mastin Robeson oo ah taliyaha Ciidanka Mareykanka u fadhiya Jabuuti ayaa yidhi, sida kaliya ee lagu soo qaban karayaa ninkaa ayaa ah in lala dagaalamo Argagixisada Al-shabaab ee uu taba baro, iyada oo la adeegsanaayo ciidamo Soomalia.

By: Osman Abdillahi Sool...Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment