Wednesday 16 September 2009

WASAARADA QORSHEYNTA QARANKA JSL OO SOO BANDHIGTAY WAXQABDKA WASAARADAA EE 2003 - 2008

WASAARADA QORSHEYNTA QARANKA JSL OO SOO BANDHIGTAY WAXQABDKA WASAARADAA EE 2003 - 2008

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) ayaa si faahfaahsan usoo bandhigay waxqabadka Wasarada uu madaxda ka yahay,

Wasiirka oo Shirjaraa'id qabtay Maanta ayaa soo bandhigay Qorshahe Wasaaradedka iyo Waxqabadka Wasaaradiisa Habka loo maareeyo Deeqaha soo galay Dalka Muddadii u dhaxaysay 2003-2008


Qoraal dheer oo Wasaaradu soo saartay oo ay ku faahfaahinayso Waxqabadkooda ayaa u dhignaa Sidan:-

I.Hordhac.

Warbixintani waxa ay si kooban uga warbixinaysaa waxqabakii wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Isuduwidda iyo Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga ah ee Sannadkii 2003-2008. Warbixintu waxay sheegaysaa waxyaabihii muhiimka ahaa ee u qabsoomay wasaaradda dhinacyada qorshaynta, isuduwidda iyo xidhiidhinta hay’adaha caalimiga ah iyo ururinta, qiimaynta iyo adeegsiga xogaha dalka sida dhaqaalaha, adeegyada Bulshada ee kala duwan shada.

II. Waajibaadka Wasaaradda

1-Ururinta baahiyaha Horumarineed ee dalka

2-Kala horreysiinta muhiimadda baahiyaha Horumarineed

3-Diyaarinta qorshaha horumarinta dalka mid dhow, dhexe iyo dheerba

4-Diiwaangelinta hay’adaha aan dawliga ahayn

5-Isuduwidda deeqaha caalamiga ee dalka imanaya

6-Hubinta iyo qiimaynta deeqaha caalimiga ee dalka

7-Ururinta xogaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

8-Qiimaynta iyo ku go’aan qaadashada xogahaas

9-Diyaarinta qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka

10-Diyaarinta qorshaha tayeynta hay’adaha Dawladda

11-Ururinta iyo hawlgelinta aqoon yahannada dalka

12-Diyaarinta Miisaaniyadda Horumarinta ee sannadka

13-Qaadista Tiro koobka dadka iyo xoolaha

14-Kala talinta Wasaaradaha kale Arrimaha Dhaqaalaha iyo Qorsheynta.

15-Wada xaajoodka heshiishyada Gargaarka farsamo iyo Deeqaha

16-Diyaarinta Barnaamijka Horumarinta Xoogga Shaqaalaha



1. Qorshaynta Qaranka

1.1. Qorshaha Stratejiyadda Horumarineed iyo Dhimista Faqriga ee 2002-2005.

Marka xaqiiqda laga duulayo xaaladda aqoonsi la’aanta ee ay Somaliland ku sugantahay maaha mid u saamaxaya in ay kaligeed samaysato oo ay fuliso qorsho horumarineed. Sidaas awgeed, barnaamijkan kor ku Xusan maaha mid ay kala qayb gashay diyaarintiisa Beesha Caalamku, Somalilandna keligeed uma lahay awood dhaqaale oo ay ku fuliso. Sidaas baanu barnaamijkaasi ku hirgelin.

1.2 Barnaamijka Dib u Dhiska iyo Horumarinta Somaliland ee 2008-2012

Barnaamijkan waxa la bilaabay diyaarintiisa sannadkii 2005, iyadoo ay iska kaashadeen Xukuumadda Somaliland, Qaramada Midoobay iyo Baanka Adduunka oo ay taageerayaan Deeqbixiyayaashu. Barnaamijku waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo kala ah:

1.2.1 Horumarinta Adeegga Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo fayo-dhowrka iyadoo la tayeynayo shaqaalaha arrimaha Bulshada ka shaqeeya

1.2.2 Horumarinta Dhaqaalaha iyo yareynta Faqriga, iyadoo la horumarinayo dhinacyada wax-soo-saarka sida Kalluumaeysiga, Xoolaha, Beeraha, Beeyada, Ganacsiga Gaarka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo helo wax la dhoofiyo oo laga helo lacag adag iyo shaqo abuurid.

1.2.3 Adkeynta Nabadgelyada iyo Tayeynta Hayadaha Dawladda iyadoo xoogga la saarayo diyaarinta Stratejiyada, siyaasadaha, nidaamyada iyo qaabdhismeedyada Hayadaha Dawladda. Waxa sidoo kale la tayeynayaa shaqaalah dawladda ee halbowlaha u ah fidinta adeegyada Bulshada.

Waxa Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah, Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay Ballaqaaday Bixinta kharajka barnaamijkan oo dhan $ 550 Million. Barnaamijkan fulintiisu waxa ay u qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah

1.2.4 Qorshaha Kala Guurka ee Qaramada Midoobay (UNTP)

1.2.5 Warqadda Istraatejiyada Dalka ee EU, Norway, Denmarka

1.2.6 Warqadda Istratejiyada Ku-meel-Gaadhka ah ee Baanka Addunka

1.3 Istratejiyadda Horumarinta Qaranka(National Strategy Development)

Barnaamijka Dib-U-Dhiska iyo Horumarinta ma wada daboolayo dhammaan baahiyaha Horumarineed ee dalka gaar ahaan dhinaca Kaabayaasha dhaqaalaha iyo cusbitaalada. Sidaas awgeed waxa ay Wasaaraddu diyaarinaysa barnaamij kaas hore mid ka ballaadhan oo wada koobaya dhammaan baahiyaha horumarineed ee dalka si meelo kale looga helo lacag lagu fuliyo barnaamijkaas. Barnaamijkaas oo hadda gacanta lagu hayo.

2. Maareynta iyo Isuduwidda Deeqaha

Si loogu maamulo la isuguna duwo si hufan dhammaan Deeqaha dalka imanaya isla markaasna Xukuumadda iyo Hayadahaas kale u nqdaan kuwo isla xisaabtama, fulintooduna caddahay, waxa ay wasaaraddu diyaarisay isla markaasna Deeqbixiyayaasha kula heshiisay, Warqadda Siyaasadda Deeqaha(Aid policy paper) taas oo qeexaysa Ujeedda, Siyaasadda, Mabaadi’da iyo qaab-dhismeedka loo maamulayo Deeqaha dalka imanaya, si ay u noqoto waxa la wada leeyahay oo la wada arkayo qaabka loo maamulayo.

2.1 Warbixintii waxtarka Deeqaha.

Dabayaaqadii sannadkii 2008dii waxa ay Wasaaraddu isugu yeedhay dhammaan Hayadaha Qaramada Midoobay ee dalka ka shaqeeya iyo kuwa Caalamiga ahba si ay uga warbixiyaan sannadkaas wixii deeq ah ay qoondaysteen, wixii soo galay waxa la isticmaalay, meelaha lagu istimaalay cidda la shaqaysay, ciddii deeqda bixisay iyo caqabadah ka horyimid. Haddaba warbixintaas oo kooban waxa ay ahayd sida tan:

· In Somaliland sannadkii 2008 loo qorsheeyey lacag dhan US$165,812,408

· In Somaliland sannadkaas loo ballanqaaday lacag dhan US$119,808,869

· In Somaliland sannadkaas lagu bixiyey lacag dhan US$70,731,769

· Lacagta la ballabqaaday waxa ay noqonaysaa 72.3%

· Lacagta la isticmaalay waxa ay noqonaysaa 59%

· Lacagtii la ballanqaaday wakhtigaas oo dhan US$49, 077,100 oo noqonaysa boqolkiiba 41% inaan la isticmaalin wakhtigaas

· Waxa shaqada iyo wadashaqaynta ka hor yimid 54 caqabadood oo u baahan in la qaado

3. Xafiiska Maareynta Dhaqaalaha Guud

Furitaanka xafiiskani waxa uu ka yimid Shir ay wada yeesheen Xukuumadda Somaliland Baanka Adduunka, kaas oo lagu qabtay magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia. Waxan ka soo baxay in Somaliland laga tageero Dhaqaalaha horumarinta, Somalilandna samaysato nidaam lagula xisaabtami karo oo muuqda. Waxa la isla gartay xafiiskan oo qaabilsanaandoona Dhaqaalaha Guud iyo maamulka Hantida Qaranka in la sameeyo lana hoos keeno Wasaaradda.

Ujeeddada Xafiiska Maareynta Dhaqaalaha Guud waa habaynta iyo Diyaarinta Horumarinta Guud ee Dhaqaalaha dalka taas oo ku salaysan aqoon iyo cimi baadhis. Siyaasad kasta oo dhaqan-dhaqaale oo xukuumaddu qaadanaysaana waa inay ku salaysnaataa aqoon iyo cilmi baadhis. Xafiisku waxa kale oo uu u xilsaaranyahay fulinta Barnaamijka Dib u dhiska iyo Horumarinta.

Xafiiska waxa ka shaqeeya ilaa toban qof oo aqoontoodu sarreyso kuwaas hadda ku hawlan diyaarinta siyaasadihii iyo barnaamijyadii lagu horumarinlahaa dhaqaalaha dalka isla markaana lagu fulin lahaa barnaamijka Dib-u Dhiska iyo Horumarinta

4. Adeegga La Talinta Farsamo ee Qaranka (National Consultancy Service)

Wasaaraddu iyadoo ka duulayasa siyaasadda Xukuumadda ee shaqo Abuurista aqoonyahanka, waxa ay isugu yeedhay khubarada aqooneed ee reer Somaliland si ay ugu dheerri geliyaan isla markaasna ugu fududayn lahayd sidii ay aqoonayahankaasi u samaysan lahaayeen urur kulmiya oo ka shaqeeya danahooda. Wasaarddu waxa ay siisay xafiis iyo dhammaan adeegyadii kale ee ay u baahnayeen, si ay u smaystaan ururkaas.

Aqoonyahaniintaas waxa u hirgalay in ay samaystaan guddi, guddigaasna ay marti qaadaan dhamman aqoonyahanka inta ay ka gaadhayaan si loo helo sharciyadda ururka iyo xubniisii. Waana lagu guulaysatay samaynta urur kaas oo kulmiya aqoon yahaniinta Somaliland, waxana ay leeyihiin Website. Wasaaraddu waxa ay u dirtay qoraal ay ku amrayso dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda iyo Hayadaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ahba inay adeegsadaan aqoonyahannadan ee anay cid kale dibadda ka keenin.

5. Gargaarka Baniaadanimo

5.1 Gurmad Taageero.

Waxaa Wasaaraddu u gurmatay sanadkii 2007 degmooyin badan oo ay aafeeyeen dabaylo, daadad iyo roobab waxyaalo gaystay , waxaana la qabtay waxyaalaha soo socda.

Burco:

Boqolaal qoys ayaa raashin loo qaybiyey baco iyo darmooyin loo qaybiyey. Waxa kaloo la maalgaliyey leexinta ililadihii daadku keenay dayactirna lagu sameeyey wadooyinkii uu daadku waxyeeleeyey.

Allay- baday

90 saacadood oo loo qoday balliyada, 20 mashiin oo kuwa biyaha ah iyo 1000 mitir oo tuumbooyinka biyaha ah iyo siidhka beeraha.

Bali cabanay, Gumar

300 oo qoys raashinkood, Baco iyo darmooyin. Waxa kale oo loo dhisay saddex fasal oo dugsi hoos

Baki, Boon

150 qoys raashinkood, baco, iyo bustayaal. Waxa kale oo loo dayac tiray dugsi hoose iyo Xarunta Hooyada iyo dhallaanka.

Berbera

300 qoys raashinkood, weelka maacuunka, bustayaal iyo baco.

Ceegaag

250 qoys raashinkood, 3 bilood oo biyo ah, 20 musqulood

6.2 Gurmad Baniaadanimo

Wasaaraddu waxa ay gurmad degdeg ah ka gashay Abaaro soo noqnoqonayey oo muddooyinkii u danbeeyey ku habsaday dalka. Wasaaraddu iyadoo la kaashanaysa Hayadaha Caalamiga waxay gargaar cunto iyo biyo ahba Gaadhsiisey Dhammaan Gobollada dalka oo dhan.

Sannadkan Gudihiisa waxa ay Wasaaraddu si joogto ah muddo saddex bilood ah cunto ugu qaybinaysay dhammaan gobollada dalka gaar ahaan saddex gobol ee bariga, Togdheer, Sanaag iyo Sool taas oo illa hadda socota.

6. Waaxda Xog-Ururinta iyo Cilmi-Baadhista

6.1 Waaxdani waxa ay u xilsaarantahay ururinta, keydinta, fidinta iyo isticmaalka dhammaan xogaha dalka taas oo loo adeegsado go’aan qaadashada siyaasadaha xukuumada iyo diyaarinta Qorshaha Horumarineed ee dalka. Sidoo kale waxa ay cilmi baadhis ku samaeeyeen arrimo gaar ah oo aqoon dheeraad ah looga baahan yahay hadba sidii loogu baahdo.

Waaxdu waxa ay soo saartaa Buug yaraha caanka ee loo yaqaan Somaliland in Figures, Buuggaasi waxa uu soo baxay sannadihii 98/99, 2001/2002, 2002/2003, waxa kale oo hadda la daabacayaa buug koobaya sannadihii 2004-2007. Buuggani waa ka kaliya ee ka soo baxa dalka waxanu ku siinayaa dhamaan xogaha maamu l ee dalka looga baahan yahay sida wax-soo-saarka, dhoofinta iyo soo dejinta, dhaqdhaqaaqa badeecadaha iwm.

6.2 Waxa kale oo ay soo saaraan daabacadda la yidhaa (Statistical Bulletin) kaas oo saddex- biloodle ah. Xogsihani waxa uu xambaarsanyahay xogaha qiimaha ascaarta iyo isbeddelkooda, isbeddelka sarrifka lacagaha, isbeddeleda dhoofka iyo wax soo dejinta iwm.

6.3 Waaxdu waxa kale oo ay tabobar ku saabsan xog ururinta iyo Qorshaynta u samaysay ku dhowaad 100 qof oo ah shaqaalaha waaxaha iyo qaybaha Qorsheynta iyo xog ururinta ee dhamman hayadaha Dawladda iyo Gobollada iyo Degmooyinka kaas oo soconayey muddo siddeed maalmood ah oo lagu qabtay qabtay degmada sheekh

7. Wada shaqaynta Hayadda WFP

Wasaaraddu waxa ay xidhiidh wada shaqayneed oo hor leh la yeelayatay Madaxda Sare ee Hayadda Cuntada Adduunka si Cuntada mucaawinadu u gaadho dadka u baahan muddo kooban isla markaana la kordhiyo.

Cuntada gargaarka waa la saddex laabay iyadoo halkii 400 ton bishii laga bixin jiray waxa la gaadhsiiyey 1200 ton bishii, waxa kale oo la sameeyey guddi wada jir ah oo ka kooban Wasaaradda iyo Hayadda oo wada eega mashaariicda dadka ay soo qortaan iyadoo loo fududeeyey sidii ay u codsan lahaayeen dadkii u baahnaa ee tuulooyinku.

Labadii sano ee 2007 iyo 2008 waxa dadweynaha loo sii daayey mashrriic ku dhow 1000 mashruuc oo dhammaan gobollada dalka la wada gaadhsiiyey, kuwaas oo lagu fulinayey dhinacyada horumarinta beeraha, berkadaha, waddooyinka, ka hortagga carro guurka iwm. Iyadoo laga duulayo maciishadda kor u kacday iyo abaaraha so noqnoqonaya waxa ay Wasaaraddu mar kale ku guuleysatay inay gargaarka cuntada gaadhsiiso ilaa 3500 ton bishiiba.

Wasaaraddu waxa ay hadda ku hawlan tahay in ay Hayadda la gasho heshiis cusub oo lagaga wada shaqaynayo mashaariic waaweyn oo muuqda oo dalka waxtatr u leh. Wasaaradda iyo Hayaddauna arrintan mada’a ahaan way isla qaateen waxa keliya oo dhiman in la diyaariyo barnaamijkii lagu hawl geli lahaa mustaqbalka dhow.

8. Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga

Waajibaadka Wasaaradda waxa ka mid ah xidhhidhka Hayadaha Caalamiga ah. Sidaas awgeed, Siyaasadda wasaaradda waxa ka mid ah in xidhiidh wanaagsan oo wadashaqayneed lala yeesho, dhammaan Hayadaha ay wasaaraddu la shaqayso. Haddaba si xidhiidhkaas loo horumariyo wasaaraddu waxa ay xidhiidh wada tashi la yeelatay.

8.1 Hayadaha Qaramada Midoobay.

Wada tashi iyo isqancin ka dib waxa ay Xukuumadda Somaliland oo ay wakiil ka tahay Wasaaraddu iyo Hayadaha Qaramada Midoobay ku heshiiyeen qodobadan:

8.1.1 In Somaliland loo sameeyo Hal Barnaamij oo horumarineed

8.1.2 In Hayadaha QM kor u qaadaan awoodda xafiiskooda Somaliland

8.1.3 In shaqaalaha Hayadaha QM aqoontooda iyo tayadooduba sarreyso

8.1.4 In heerka nabad gelyada ee Somaliland kor loo qaado

8.1.5 In ay adeegyadooda gaadhsiiyaan gobollada Bariga ee dalka

8.2 Hayadaha Samafalka ee Caalamiga ah

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu wada tashi la yeelatay dhammaan Hayadaha Samafalka ee Caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya, kuwaas oo gabagabadii lagu heshiiyey in qodobadan soo socda:

8.2.1 In Hayaduhu u hoggansamaan dhammaan shuruucda dalka

8.2.2 In marka Hayaduhu Diyaarinayaan Barnaamijkooda kala tashadan Wasaaradaha ay khusayso iyagoo tixgelinaya baahiyahood

8.2.3 In Hayaduhu samaystaan Xidhiidhiye Hayadahay iyo Wasaaradda

8.2.4 In Hayaduhu adeegooda gaadhsiiyaan gobollada Bariga.

9. Horumarinta Ganacsiga Gaarka ah

Xukuumadda Somaliland iyo Baanka Adduunka waxa ay si gaar ah ugu wada shaqaynayaan horumarinta Ganacsiga gaarka oo ah halbowlaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurista. Sidaas awgeed, waxa si wada jir ah wasaaradda iyo Baanka Addunku u soo wada qaban qaabiyey shir lagu qabtay Djibouti oo ay wasaaraddu Hoggaminaysay, kaas oo lagaga wada hadlay horumarinta qaybaha Kalluumaysiga, Beeyada iyo xabkaha iyo sidii loo hirgelin lahaa barnaamijka wada shaqaynta Dawladda iyo Shacbiga.

Wajigii hore ee shirka oo la soo gaba gabeeyey waxa la isla qaatay in muhiimadda la siiyo horumarinta Kalluumaysiga, Beeyada iyo Xabkaha si loo abuuro shaqo abuuris iyo wax dhoofin laga helo lacag adag oo dalka soo gasha.

10. Sharciga Ururrada Samafalka ee Wadaniga ah.

Waxa Wasaaradda ka diiwaan gashan in ka badan 1000 urur oo samafal wadani ah kuwaas oo inta badan ay u jiraan magic ahaan uun. Haddaba si loo helo ururo wax ku ool ah ummaaddana u faaiideeya waa in la helaa sharci lagu hago oo lagu maamulo kaas oo u saamaxaya in ay si habsami u socod ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana loola xisaabtami karo hantida ummadda ee ay gacanta ku hayaanna noqoto mid muuqata oo lawada arkayo maamulkeeda.

Sharcigu waxa kale oo uu meesha ka saarayaa ururrada ku gafa sharciga ama lunsada hantida ummadda, sidoo kale waxa uu darajooyin kala siinaya urrurrada sida wanaagsan u shaqeeya iyo ku aan shaqayn, si kuwa shaqeeyaa u helaan dhaqaalihii ay u baahnaayeen, ee ay ummadda awx ugu qaban lahayeen.

11. Dhismaha Xarunta Wasaaradda

Waxa Wasaaradda u suurta gashay inay ku guulaysato in ay dhisato, dhisme saddex dabaq ah oo ay ku baxayso lacag dhan US$ 230,000. Dhismahaas oo uu Madaxweyne ku xigeenku dhagaxii ugu hoorreyey dhigay 7dii September 2009. Dhismahaas oo meel isugu wada keeni doona dhammaan shaqaalaha Wasaaradda oo hadda ku kala jira afar Dhisme.”

No comments:

Post a Comment