Thursday 3 September 2009

WAXAY FAQASH KA XISHOOTAY AYAY UDUB KU XARAGOONAYSAA!!!!!!!!!!!!

WAXAY FAQASH KA XISHOOTAY AYAY UDUB KU XARAGOONAYSAA!!!!!!!!!!!!

Waxay Faqash ka xishootay ayay Udub ku xaragoonaysaa!!!!!!!


(1) Faqash may iibsan hantidii uu ka tegay Ingiriiskii sida Xeradii Tarafiga iyo Hindiyan laynka iyo Sariibadii Oktoobar oo laga iibiyay maalqabeen Somaliland ah, kaasoo ay ku ceeshi jireen uugu yaran 1000 xaas maalintii oo ka masruufi jiray reerahooda iyo caruurtooda kagana soo saaray boqolaal arday oo maanta wax dhintay iyo wax noolba leh Isguulada ,maantana waxay u xidhantahay nin keliya oo maalqabeen ah dadkii ku ceeshi jirayna way ku dul warweegayaan cid ay u cawdaan oo Ilahay ahayna majirto .
Hadaba yaa muwaadin ah ? makan iibsaday baa muwaadin ah mise kan iibiyay su'aashaas waxaan u daynaa dadwaynay reer Somaliland.

(2) Haddii ay Dawladii hore meesha ka baxdo oo dawlad kale ka qabsato maxaa laga dhaxlaa su'aashu waa fudud . waxaa laga dhaxlaa waa dal iyo dad labadiina maanta waxay ku jiraan xaalad qalafsan oo ay adagtahay sida looga soo kabtaa sabatoo ah .dadkii waxa helay abaar aan hore loo arag marka laga reebo abaartii daba dheer . taasoo ay maanta taagan tahay inuu iskaba soo hoydo dadkii reer miyiga aha xoolo la'aan darteed oo aanay haysan dawlad u gargaata ama wax u qabata sida markay dhacdo biyo la'aantu.
Dhulkiina waad u jeedaanoo lagama yaabo in wax hanti dadwayne loogu yimaad oo waxaaba lamarayaa geerash yadii shacabka ee ay faqash ka xishootay in la dabarjaro taasoo ay macnaheedu tahay oo maxaad noogu iman doontaan
xisbiyadiinan doorashada doonayaw maanu waxaba dhamayno .


(3) keligii talis kii Afwayne waxaa uu yidhi Anigu dal maahee dad ka tegi maayo Udubna waxay tidhi anagu dad maahee dal kategimayno oo talaba waxaanu ka naqaan sida aanu isugu bedelo filo iyo deyr sidii kadhacday markii la iibiyay xeradii Tarafiiga ee lagu badelay Geerash yar oo la siiyay Taraafiiga oo ku yaala New Hargeysa hadaba waxaa uu yidhi keligii taliyhii Afwayne Anigu dad maahee dal ka tegimaayo bal hadaba idinku Udubeey maxaa kategaysaan ?

lasoco qayb labaad Insha Allah
waa qalin kii: Ciise Aw Mohamud
Email:cisse_au_mohamud
GERMANY

No comments:

Post a Comment