Thursday 3 September 2009

MUDAHARAAD KA BILAABMAY WAJAALE LAGAGA SOO HORJEEDO UDUB LAGUNA TAAGEERAYO KULMIYE

MUDAHARAAD KA BILAABMAY WAJAALE LAGAGA SOO HORJEEDO UDUB LAGUNA TAAGEERAYO KULMIYE

Mudaharaad ayaa ka bilawday Magaalada Wajaale Ee Gobolka Gabiley.

Mudaharaadkan oo ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayay ku dhawaaqayan Rayaale Dooni mayno iyo erayo ay ku taageeryaan Xisbiga KULMIYE Gudoomiyahooda Axmed Siilaanyo.

Mudaharaadka oo ku bilawday si nabad ah ayaa rabshado isku rogay kadib markii Mudaharaadayashu shiidayn Masuuliyiin Dowlada ah oo jooga Wajaale kuwaas oo ay ka mid yihin Wasiirka Ganacsiga Abiib Filfil Wasiirdu Dowlaha Hawlah Guud Xirsi Sheekh iyo Xidhibaano kale kuwaas oo ku sugnaa Wajaale markii Mudaharaadku Bilawday.

Mudaharaadka ayaa ka dambeyey kadib markii Masuuliyintu Dowladu ay doonayeen inay Xaflad u qabtaan Taageerayaal kasoo goostay Xisbiga KULMIYE balse ay qaar kale oo taageerayaasha KULMIYE ahi Mudaharaad iyo Rabsho Bilaabayn.

Markii Xaaladu faraha ka baxaday ayaa ciidanka Booliska Wajaale rasaas kor u ridayeen ay bilaabeen si ay u kala eryaan Mudaharaadaysha oo Dhagaxaan la beegsanayey Masuuliyinta Dowlada ee ku sugan Wajaale.

No comments:

Post a Comment