Wednesday 16 September 2009

U HIILI DIINTAADA JAWAAB DIINTA IYO AQOONTA /FULAYNIMADA FIKIRKA

U HIILI DIINTAADA JAWAAB DIINTA IYO AQOONTA /FULAYNIMADA FIKIRKA

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Salaantaa qaaliga ah waxan u gudbinayaa Shebekadda Togaherer iyo Akhristayaasheeda oon leeyahay Ramadaan kariim.

U Hiili Diintaada

Jawaab diinta iyo aqoonta/Fulaynimada fikirka

Waxa qoraallo badan oon qof muslin ah oo Soomaali dhab ahi aqbalayn qorayey nin la yidhaahdo Ibraahin Hawd oo Sheekooyin hore oo dhaqan gaaleed uu ka soo naqliyey sida Aanadii negeeye iyo kuwo kale wuxu si badheedha haddana u weeraray diinta xaniifka ah oo fikrad saancadaale taageeray isagoon waxba soo kordhinayn aan ahayn baadinimadiisa ha la fekero ayuu leeyahay! isagu ha yidhaahdo waxaa cusub baan feker ku helay!oo soo fekeray

Waxan shaki ku jirin in qof kasti gudbiyo awooddiisa xagga fikirka iyo waxqabadkaba waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo Ninba kaskiisuu kor tagaa ama Togba taagtii buu rogmadaa,waxan ka wadaa ninka qoray mawduuca Diinta iyo Aqoonta iyo Fulaynimada fikirka wuxu soo bandhigay oo sawir fiican ka bixiyey caqligiisa foorora ee liita oo waxay saancadaaluhu ugu yeedhaan Absent minded Mutakhalif caqli halka Carabtu ka yidhaahdaan .متخلف عقلي

waa iska muuqataa inuu yahay mentel(nooc waallida ah)oo maskaxda ka jirran yahay.

Waayo hadaladiisu way is burinayaan (contradictions)dhinac diintii buu wax ka tilmaamayaa dhinacna waa ka diiddan yahay,dhinac caddaankii(saancaddaalihii) buu la dhacsan yahay dhinacna ceebohooduu tilmaamayaa!!!

Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo"ilbaxnimo dhaafnee Allow noo sahal".

Mana aha markii ugu horreysey een arkay khaladaadkiisa iyo aqoon darradiisa lunsan waxan akhriyey mawduuc uu wax ka yidhi oo la yidhaahdo dhuuxidda_miisaanka oo uu kemedda Hoobaal ama Hoobal yidhi waxa laga yaabaa kelmeddaasi inay tahay magac Illaah ay Soomaalidu caabudi jirtey,waa aqoon darro inuu u qabo in Soomaalidu diin islaamka ka horreysey haysan jirtey amaba jiri jirtey Islaamka ka hor Bulshada Soomaalidu waa bulsho da' yar oo Islaamka ka bacdi dhalatay oon Islaam mooyee diin kale arag.

Diinta waxa soo dejiyey illaahii abuuray aduunkan iyo insaanka iyo uumiyaha kaleba waa manhaj illaahay dejiyey oo ku habboon uumiyahan uu abuuray,Aduunku ujeedo iyo sabab buu u jiraa oo illaahay u keenay:

....لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا...سورة المائدة

Aayadda macneheedu waxa weeye wax kasta sharci iyo manhaj ayaannu idiinku yeelnay oo idiinku dejiney:



Dhab wixii ahee jira

Dhaydaa laga caddeeyaa

Dhidh baa nabarka buuxshoo

Dheeh baa qalbiga fuulee

Uma dhaadhacaysoo

Laga dhababyey diintee

Dhayal iyo ma aha

Dheeldheel ciyaareed

Dhismaha koonku leeyee

Dhidib li'i cirkaa jira

Dhulka gogasha laga dhigay

Lagu dhaabay buuraha

Dhinacyadana webiyadu

Badahu ay dhabbaysteen

Dheeldheel ciyaariyo

Dhayal looma keenine

Dhegahana furaysaye

Miyaanadba dhaadayn oo

Meesha soo dhigan

In maalintay dhanaan tahay

Cadceeduna ay dhowdahay

Dhibtu ay kadkadan tahay

Laydin dhaafi doonood

Dhacadiidi doontaan

Waxad idinku dhigateen

Dhitadiina weeyee

Dhoohnaanta fekerxumi

Dhagar Eebbe keliftoo

Dhayalsiga xaqiiqada

Dhabta layska dhega maro

Dhitadeeda waad heli

Haddaanaad is dhalanrogin

Oo Cabsidu dhaqangelin



Saxiib bal tixdanna ku feker



Cabsidii illaahay

Ciyaar yaanay kula noqon

Wax cadiim ahoo weyn

Caanteyn yaanay kuu noqon

Caadilkana waw xisaab kale

Cidna cid looma raacee

Camalkaaga weeyaan

Ciirso halkaad ku nabadgeli

Iyo cabsida Eebbaha

Cibaadadeeda lagu faray

Cadiigsigu muxuu yahay

Caniidnimada qaabkani

Colaad diinta loo qabo

Caqligay ka dheertee

Caadada fogaatee

Caddaanka aad ka dhaxashee

Cillad kugu abuurtee

Cirfiid kaa samaysee

Haddana isla cuddoon tahay

Cashadaa danbaysee

Cadceeda la soo dhoweeyee

Ciddii Eebbe caasiday

Calaacal aan waxtar lahayn

Camankooda buuxiyo

Yaanad ciilkaambigiisiyo

Cadho aan waxqabanay

Ku casaynin berritiyo

Intaan ciidda lagu gelin

Is caynteeya nimanyohow





Sida rag horeba ay qoraaladooda ku tilmaameen Diinta ma fahmin qoraaga lunsaniye diintu waxay jidaysey oo sharciyaysay wax caqligu qaadan karo oo iyada ku odhanay افلا تتفكرون,افلا تعقلون,افلا تتذبرون,افلا تتذكرون....



are'nt(don't) they reflect,are'nt they understand,are'nt they heed…etc,Miyaanay fekerayn,Miyanay Caqli qaadanayn,Miyaanay waano qaadfanayn….iwm,waxay mar kasta xoogga saartaa awoodda maskaxeed ee qofka oo qofna awoodiisa wax ka baxsan lama warsado lagumana kellifo, illaahay qofna wax awoodiisa ka baxsan kuma kellifo… لا يكلف الله نفسا الا وسعها....ءاية

Caafimaadka:Waxa Quraanku yahay Shifo iyo Caafimaad oo qofka xanuunsanaya marka lagu akhriyo illaahay wuu ku daweeyaa eeg Aayaddan:

...وننزل من القرءان ما هو شفاء ورحمة للمومنين...سورة الاسراء.

Waxanu Quraanka u soo dejinney inuu caafimaad iyo shifo u noqdo muuminiinta.

Eebbe ayuun baa wax daweeya oo caafimaadka bixiya isagaana laga baryaa Eeg:

...واذا مرضت فهو يشفيني...سورة الشعراء.

..Haddaan xanuunsado Alle ayaa i begsiinaya…

Waxa jira xanuunno fara badan ooy dhakhaatiirta aduunku u caal waayeen laakiin ay soo saareen dawadeeda culimo muslin ah sida xanuunka Eeydhiska iyo xanuunno kale waxa culimadaas ka mid ah caalimka Yamaniga ah Cabdixamiid Sandaani iyo Caalimka Saldanada Cumaan u dhashay Dr Maxamed Alhaashimi iyo kuwo kale waxay wax ku daweeyaan Quraanka iyo Dhirta oo ah alternative medicine ama dibbi nabawi(dibbal badiil).

Qofka fekredda ka caafimaad qabaa Aduunka iyo Aakhiroba sida xaqiiqada ah ayuu u eegaa oo waxa ku aaddan camalkeeda si tafatiran ula yimaaddaa:

اللهم لا تجعل الدنيا اكبر همنا ولا مبلغ علمنا ...اللهم احسن دنيانا التي فيها معاشنا واحسن آخرتنا التي هي معاذنا

Allow ha ka yeelin hammigayaga ugu weyn mid aduunka ku aaddan ama cilmi aan ku faanno illaahow noo wanaaji Aduunka waxa ku jira macaashkayagee oo noo hagaaji Aakhiro waa meesha aan u noqonaynee.

Aduunka iyo Aakhiro waa inaad ku dadaashaa sidaad wanaag u heli lahayd:

اللهم ءاتنا في الدنيا حسنة وفيالاخرة حسنة وقنا عذاب النار.

Qofka muslinka ah ee si sax ah u fekeraya Aduunka qiimihiisa dhabta ah wuu garanayaa oo macaashidda iyo faa'iidaysigu waa mid u suuragelinaysa inuu u guto cibaadadii loo abuuray wejiga ugu wanaagsan mase aha sida xayawaanka inuu ku raaxaysto oo cunoo cabbo,Aakhirona waa meesha loo wada noqonayo oo waa in loo sii shaqaysto oo aanu qofka dagin dhaldhalaalka dhamaanaya caqliga waxa la inoo siiyey inaan si sax ah ugu fekerno ee maaha feker khalli wareeg ah ooy kaga dhegtey ha la fekero ma oga ummaddaha uu hiigsanayaa ee ilbaxnimadoodu hafisay inay intaasoo Qarni cilmi baadhis ku jireen ooy kasbadeen khibrad iyo aqoon illaahay u fududeeyey markay dadaaleen,isagana Ummadduu ka dhashay inta badani sidiisa ayay kaga dhegtey ha la fekero lagamana hayo fikrad qudha oo midha dhasha waxa hiyi qaaday ummado kale oo muddo hore hawlgalay oo illaahay markay dadaaleen u suurageliyey dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii kuwan fulaynimada fikirka sheegayaana waxba ma hayaan hadal mooyee!!!

Waxa qofku inta badan u iishaa oo u xagliyaa deegaankii uu ku soo barbaaray ee ku soo qaatay koritaankii hore ooy adagtahay sida raadkiisa loo tirtiro eeg qoraaga mawduucan khaldan waxa ereyadiisu kuu caddaynayaan geeljiranimadisa(camel herd) oo ereyadan qof aan geeljire ahayni ma adeegsan karo eeg markuu lahaa…jinni maashu bal inay wax dhiiqdo? Taasi waxay ku tusaysaa sida isagoo fikraddii Hawdka ee geela wata fikraddii gaalada ee saancadaaluhu u qarqisay deedna uu ku dhacay waxay carabtu yidhaahdaan inxidaad fikri ama talawusu fikri collapse/pollution in thought,deed Awrkii hawdku wuxu qaatay fikrad gurracan oo Alla koodnimo ah,waxan weydiinaynaa Hawdkii fikradda badnaayow maxaad fekertay oo daahfurtay?! Maxaad aduunkan aad qiimaynayso een annaga qiimo nala lahayn waxkasbasho mooyee oo ah meel lagu sii dhaxayo hoyga dhabta ahi waa aakhiro maxaad ku soo kordhisey?!Illeyn Allihii abuuray waadiga diintiisii diidane!:

Xadiis baa odhanaya Dunida ku ahaw sidii qof qariib ah ama safar ahoo jid haya.

كن في الدنيا كأنك غريب او عابر السبيل

Aayado badan ayaa si qeexan u caddaynaya aduunyada iyo ujeedada loo sameeyey:

...انما الحياة الدنيا لعب ولهو وزينة وتفاخر بينكم وتكاثر الاموال والاولاد...سورة الحديد

Nolosha aduunyadu waa ciyaar iyo lahwi iyo qurux iyo isu faan dhexdiinna ah iyo badsasho maalka iyo caruurata.

...ما عندكم ينفد وما عند الله باق...سورة النحل.

Aayaddani waxay leedahay waxaad haysataan way dhamaan doonaan waxa allena way baaqi noqon doonaan.

...من كان يريد الحياة الدنيا نوف اليهم وليس في الاخرة من نصيب...سورة هود

Aayaddan macneheedu waa kii doonaya nolosha dunida waanu u oofinaynaa oo u waafi yeelaynaa Aakhirona nasiib kuma yeelan doono.

...واصبر نفسك مع الذين يدعون ربهم بالغداة والعشي يريدون وجهه ولا تعد عيناك عنهم تريد زينة الحياة الدنيا ولا تطع من اغفلنا قلبه عن ذكرنا واتبع هواه وكان امره فرطا....سورة الكهف

Aayaddan macneheedu waxa weeye La sabir kuwa illaahay caabudaya hadh iyo habeen ee Alle wejigii iyo dartii u camalfalaya oo indhaha ha ka lalin ado quruxda aduunka doonaya hana adeecin mid Qalbigiisu ka qafilan yahay illaahay digrigiisa oo hawadiisa raacay oo arrinkiisu yahay mid fog oo tegey.

Maxaad fekerkaaga ku soo kordhisey?! Waa la fekeraa miyaad na baraysaa?! Waxad tidhaahdaa waxaasaan soo saaray oo fikirkaan maalee igu dayda!!!Manhaj ummaddu ku dhaqanto ma soo saartay oo ma u fekertay?!mase karaysaa inaad soo saarto oo u fekerto?!!!

Ma hadal haan ma buuxshaad waddaa iyo inaad Aduunyo aanad gaadhayn daba oroddo.

Adduunyadu waa maalmo lagu jiro imtixaan iyo tijaabo marka waqtigeedu dhamaadona meel aan dhamaanayn ayaa loo gudbayaa oo qof walbi mudanayo natiijada imtixaankiisa hooy natiijada hagaajiso diintu waa naseexo eh.

Tixdani waxay sawir ka bixinay Hawdka iyo Dadka ka soo daqaqama ee magaalku qaso ee madaxa majaha u rogo(upside down):





Isagoo hayaanoo

Soo hangagaaruu

Hawdka nagaga yimidoo

Hargeysa hareer ka dhaafoo

Harta sheikh habeen laba

U sii hoydey socodkoo

Halla kamuu ogaanayn

Hiddihiyo dhaqankiyo

Diintan hoyga taallee

Hiyi raac ibliisoo

Hoggaan gaalo tebiyoo

Hallowgiisa daraniyo

Hilinkuu ka lumay iyo

Hummaagaw ifaayiyo

Hammi aan fogeyn iyo

Hawo raaca beentiyo

Diintan laga hallaabee

Haadkii nin seegoo

Hawadaa dhexmarayaa

Illeyn hoos ma eegee

Wallee haddaanu soo noqon

Hanuun iyo aqoon helin

Holoc naaroo kulul buu

Hurushada ahaanoo

Hooygiisu waa kaa ooy

Hantidiisu noqonay

Habkan koonka loo dhigay

Habboonaanta qaabkiyo

Hawlaha tartiibta leh

Habeenka iyo maalinta

Aan kala horraynayn

Hillinkooda raacaya

Haddaad isla han weyn tahay

Hogga yaan lagugu ridinine

Hootada afaysoo

Yaan cidlo lagaa helin

Haddii kale Habboonaha

Aduunyada habaystee

U habeeyey siduu rabo

U hoggaansan oo raac

Hees yaanay kula noqon

Hadal iyo ciyaar iyo

Heellada la qaadiyo

Hummaag kuu ifaayee

Hawadaada maahee

Haddaadana ma dhaaftide

Hawdow sheeko way iman

Hog mugdiya ayaad geli

Hawshaad qabatay baad heli

Adigays halaagoo adigays halleeyee

Hanuunkuna bal kuu furan

Haddii kale harraadoo

Holoc naara hantigeli

Oo hoygaaga kuu noqoy

Kaad hufiso maan ihi

Diintaydan haystaa

Oon habsamida u raacaa

Ee weligaa harraadoo

Holoc naara hangagaar

Hawadiyo hankaaguna

Hebel ha kuugu yeedheen

Hawdku waa astaantaa

Hallowga aad u aaddee

Diinta uga habowdee

Hoygaaga meelee

Holocana adkaysan iyo

Hawlkarnimo ku aadsii

Ama soo hanuunoo

Hawdka intaad ku noqotana

Hargaysana duruus dhigo

Oo hogaankaagu ha ansaxo





Waxa aduunka soo maray dad badan oo jare weydaartay oo illaabey waxa loo abuuray iyo ujeedada dhabta ah ee loo siiyey awoodda buuxda iyo xorriyada uu leeyahay doorashadiisa jidkuu doono,Aduunyadan ninkii isa siiyaa bal geerida ha iska celiyo oo bal ha u fekero siduu uga baxsan lahaa ama uga dhuuman lahaa!

Dadkan reer Yurub ee uu sheegayo horta isaga wax uma oga ta kale fekerkooda may ku badbaadiyaan Dhaqaale burburka Aduunka haysta iyadoo looga jawaabey mar hore isbarbardhigga uu ku sameeyey Burco iyo Sweden in kastoo uu Magaalo iyo Waddan is barbardhigay haddana waxa iyadoo looga jawaabayo la weydiiyey maxay dadkaa Swedishka ama reer Yurub eed leedahay waxbay barteen isu dilayaan oo suicide-ka u samaynayaan markay sannifaan nolosha eey ka hortimaaddo,fikirkoodu muxuu u siiyey inay akhlaaqda bini aadamka u baabi'iyaan oo jinsi isku mid ahi isu guursado,waxaasoo dhan isku soo ururiyoo waa diin la'aan iyo manhajkii illaahay u dejiyey aduunkan oo baal laga maray.

Ilbaxnimada uu u hanqaltaagayo ina Hawd dadkii haystey khaatiyaan bay taagan yihiin waxanay ku keentay dhibaatooyin xalkoodii adkaaday sida :



1-Bii'addii iyo cimiladii oo xumaatay Enviroment problem oo kaymo dhir iyo beero ah baa iska ololaya oon la damin karayn,wershedihii iyo gaadiidkii baa la garan la' yahay sidii ay u shaqayn lahaayeen iyagoon bii'adda dhib u keenen oo hawada bedelin,baatrool ama naafto wax ka gedisan oon egsaas bixinayn ha la helay leeyihiin may saaxiibadaa u fekeraan adiguna intaad u fekerto ku caawi,bal fekerkaad sheegay aan aragnee!!!

2-Dhaqaalihii aduunkoo burburay waxa kacay baanan waaweyn oo tiro badan oo xal loo la'yahay,waxana sababay ribadii(interest &Credit cards and loans) iyo xaaraantii ganacsiga loo adeegsadey.

3-Waxa dhashay xanuunno qaar akhlaaq xumada ka dhashay sida Aydhiska iyo kuwo waxa aan xalaasha ahayn ka dhasha sida cunista Doofaarka oo ilaa alaan la la'yahay xalkooda raggii fekerka dhiiranaayow u fekera kuwii ilbaxnimada aad sheegay gaadhey baa garan la' waxay sameeyaan bal fekera oo maskaxda tuujiya.

4-Waalidku hadduu gaboobo waxa la geeyaa Daarul musiniin(Infirmary)oo la odhanayo way na khashkhashaadayaan oo way hawl badan yihiin hadda waa kuwii soo koriyey,diinteenna xaniifka ahina si aad u qiima badan ayay u siisay ixtiraam iyo qadarin gaara waalidka oo haddaad midkood ama labadaba nolol ku soo gaadho hadal dhibaya waa inaanad maqashiinin oo u dhibirsamaataa ilbaxnimaduu ina Hawd sheegayo waa taa Waalid inkaarnimada ah ee bilaa abaalka ah.

5-Istaageer la'aan haddaad maanta shaqo waydo oo lagaa eryoba oonad kayd hore meel ku leexsan cid kuu tawaabaysaa ma jirto toos baad dibjiriinta ugu biiraysaa

Bulshadeennu way wada nooshahay waxay leedahay nidaam waxwada cun iyo iskaashi dhaqameed diineed,Qof Soomaali ah oo hanweyn mooyee ma arkaysid qof niyad jab iyo murugo ku nool waayo walaalkii ayuu wax la qaybsanayaa haddii baahi jirto diinna wuu leeyohoo kalsooni baa buuxi oo niyad wanaagsan buu ku noolyahay.

Ogow ilbaxnimada iyo horomarka dusha kaaga hillaacaya haddaad hoos ugu dhaadhacdo dadka haysta raaxo ma qabaan laakiin dadka iimaanka iyo diinta lihi raaxo nafeed iyo kalsooni aan reer galbeedkaad sheegaysaa haysan bay haystaan ninkii reer galbeedka Islaamka ka qaata ayuun baa raaxo xaqiiqo ah oo dhadhan leh haysta ka kale sidaad isu dishaa fekerkii aan fulayga ahayni waxba qabanwaaye buu leeyahay!.

Waxay naftu ku xasishaa oo ku gaadhaa deganaansho iyo raaxo buuxda hadday digriga Eebbe iyo cibaadada Eebbe ku noolaato ma aha feker ma dhalays ah.

الذين ءامنوا وتطمئن قلوبهم بذكر الله الا بذكر الله تطمئن القلوب.(ءاية في سورة الرعد.)

Aayada macneheedu waxa weeye kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee quluubtoodu ku degtay digriga illaahay,xaqiiqa weeye oo digriga illaahay ayay quluubtu ku degtaa,Ingiriisigana macneheedu waxu noqonayaa:

Those who believe,and whose hearts find satisfaction in the remembrance of God;for without doubt in the remembrance of God do hearts find satisfaction.



Waar digriga Eebbay ku degtaa quluubtuye

Ku dadaal dantaadoo yaanu daalac kuu iman

Waxa damaq ku jiro oo dadka aad ka qarisaa

Denbi weeye iyo deelqaaf xumaanshee

Dunidaa la yaabka leh daymo'oo bal eegoo

Daayinkii sameeyee dockastaba dhamystiray

Dareenkaaga fidiyoo duxda iyo ujeedada

Dadka jin iyo Aadmiga amanadan dultaallaa

Dunida intay duljoogaan aan la duugin idilkood

Diiwaan ayaa qoran ninkastiba halkuu degey

Ee hooy digriga eebbay ku degtaa quluubtuye

Hayska daadufaynine debecsani dantaa garo



Waa dardaarane is daba qabo waxanan kuu sheegayaa in dhamaan dadkii akhriyey Qoraaladaada iyo kuway u sii tebiyeen in ay yihiin Markhaati oo Aakhiro aannu marag kacayno haddaba adiga aragnay baadinimadaada kuu beensheegtay ee dadka kale eed lugaha ku xaadhatay baan ka xumahay sida Gaarriye ood soo qaaday qayb ka mid ah Gabay aad tidhi wuu tiriyey oo Gef iyo Deelqaaf ah diiddanna Ducada Eebbe iyo roobdoonta,uma malaynayo inuu ku farxayo hadduu ogyahay Gaarriye khalad mar ka dhacay haddii uu gabaygu yahay sida uu u dhigay ujeedadiisa qoraaga Alla la koodka ahi oo uu ka toobad keenay in qaar lunsani adeegsanayaan oo nala maragsanayaan si aanu ugu markhaati furno Aakhiro.

Waxa ninka Qoraalkan fikirka hadalka ah iibinaya een wax cusub haynin ay wadaagaan Fikirka khaldan ee lunsan baadidana ah ooy ku bahoobeen Ayaan Xirsi Cali oo sidiisa aaminsan waxa la yiraahdo Dhiirranida fikirka oo diiddan Fulaynimada fikirka labaduba waxay ku faanaan dhiirranida fekerka:

Hawdow Ayaan baad

Ehel wada tihiinoo

Aragtida wadaagtaan

Alla koodka idin helay

Arrimaha idiin hiray

Abaalkeedu wuu iman

Aqoontiina kaashada

Awoodiina buuxsada

Iilka iska ilaaliya

Aduunka iska joogoo

Ilbaxnimo hoggaamiya

Aragtiyaha kala gura

Aayadaha ilduuf iyo

Illoowshiinyo siiyoo

Aakhiroba ha eegina

Ilma abti weeye inantoo

Ayniga wuu ka weeynyee

Aragtida way is le'egyiin

Ibliis baa adeer u ah

U alloosa sheekada

Abla-ableynta fikradaha

Ehlu naarka iga daa

Haddaanay Islaanimo

Istaaqfuranlla odhanoo

Amarka Eebbe raacayn

Ikhtiyaarka waw xore

Iyagaa istaahili abaal iyo

Afkaartay ku adkaysanaayaan

Hawd afada uu qabo

Allow ooridiisa aragtida

Ayaanna odoyga hawdka ah

Yaa isu aroosoo

Aqal qudha ku wada xidha

Waa ololka naartee

Haddaanay Islaanimo

Istaaqfuranlla odhanoo

Amarka Eebbe raacayn

Iyagaa og doorasho

Afkaartooda meelayn

Allahuma hal ballaqtu

Qofka Muslinka ahi dadka wuxu ku qiimeeyaa oo ama ku jeclaadaa ama nebcaadaa sida dadkaasi xaqa iyo diinta u arkaan hadday illaahay ka baqaan oo amarkiisa raacaan waa inaad jeclaataa haddii ay Alle caasiyaanse waa inaad nebcaataa haba ahaadeen kuwa dad kuu xiga'e eeg Aayaddan:

لا تجدون قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوآدون من حاد الله ورسوله ولو كانوا ءاباءهم او ابناءهم او اخوانهم او عشيرتهم...سورة المجادلة.

Heli maysaan Qowm Alle iyo yawmul qiyaamaha rumeeyey oo saaxiib ama jaal ka yeelanaya cid Alle iyo Rasuulkiisa colaadinaya haba ahaadeen Aabbayaashood ama Caruurtooda ama Walaalahood ama Qaraabadooda iyo Xigtadooda.Yacni Qofka Alle rumeeyey kama dhiganaya jaal uu gacansaar la leeyahay Qof ama Dad Alle caasiyey.

Xadiis baa odhanaya Qofku wuxu Aakhiro la hooy ahaanayaa cidduu jecel yahay:

المرأ مع من احب

Haddii Aqoon yar oo gurracan oo ku dayasho ahi ku dagto oo ku majara habaabiso waa mushkilad:



اذا عوى هناك الذئب فأنت في العيب لب

لقد غرت نفسك قلب واقترفت في الفكر ذنب

حبدا لو لك القلب في تقواها ريح هب

ولكن ها فحواك صب في طريق الغرب قطب

لمن فى نفسه لا يجرب ولا يجرى لعمله حساب

يقوم بمجرد محبوب واذ شمسه غروب

يا ليت له دروب ويا ليت له قلب ينوب

اعرف ان هناك رب ويعرف كل يابس ورطب

نيتك لنا فيه ريب كما في ضلال قومنا ريب

هداكم الله يارب ارحم انهم القوم لسؤء اب

هداكم الله يارب ارحم انهم القوم لسؤء اب



Waxan la jecel nahay inuu soo hadoobo oo ka soo noqdo fekerka hawada ah ee aan cidi ka qaadanayn shaydaan iyo ibliis ciduu u gacan haadiyey mooyee sida Ayaan iyo xerteeda:

Blindly they take the path

Behind their bold plan

Beyond and far beyond

Believes is very poor

Their people are in palsy

They hav'nt power or peace

And these beating the bush

Beach of astray they breathe

But they are not aware

But they are away

Out to be alert

May Allah guide them

The right path to see

On their eyes and hearts so

May Almighty Allah guide

May Almighty Allah guide

May Almighty Allah guide



Waxa fiican oo maanta loo baahi qabaa fikrad sax ah oo Alle taqaan oon magacdoon iyo manfacdoon ahayn ee illaahay adeecidiisa iyo u hogaansankiisa ku dhaqmaysa taasaana liibaanta labada daarood Ifka iyo Aakhiroba ku jirtaa oo lagu gaadhayaa ma aha feker keliya waayo illaahay Anbiyada iyo Rususha wuxu u soo diray inay dadka baraan diinta iyo manhajka Alle u dejiyey lagama tegin si ay feker wax ugu kala gartaan caqliga waxa loo siiyey inay ku fahmaan oo ku fekeraan Aayadaha illaah



ويتفكرون في خلق السماوات والارض ربنا ما خلقت هذا باطلا سبحانك فقنا عذاب النار...ءاية

Waxay ku fekerayaan khalqiga iyo abuurta samaawaadka iyo arlada oo odhanayaan rabbiyow umaad abuurin si baadil ah adigaa nasahane cadaabka naga badbaadi…

حديث :من يريد الله به خيرا يفقهه في الدين.

Xadiiskani wuxu sheegayaa in qofka illaahay khayr la rabo baro oo fahansiiyo diinta

Aayaddan hoos ku xusan waxay caddaynaysaa in culimada cilmiga lihi Alle ka cabsadaan.

ومن الناس والدواب والانعام مختلف الوانه كذالك انما يخشى الله من عباده العلماء...(ءاية من سورة فاطر)

Xadiiskan hoose macnihiisu waxa weeye qofkii dariiq u qaada si uu cilmi u soo barto illaahay dariiqa jannada lagu gelayo ayuu u sahlaa.

من سلك طريقا الى العلم سهل الله طريق الى الجنة

Waxa Aayadan hoos ku xusani kuu caddaynaysaa inaanay sinnayn qof cilmi leh iyo qof aan cilmi lahayni oo ay waano qaataan oo fekeraan kuwa quluubta iyo laabaha nool leh.



...قل هل يستوى الذين يعلمون والذين لا يعلمون انما يتذكر اولو الالباب..(ءاية من الزمر)

Culimada aduunku inta badan way soo wada islaamtaa sannad kastana caalimo fara badan ayaa diinta ku soo qanca markay ogaadaan xaqiiqooyinka diintu dhigayso ee illaahii koonka lahaa ina baray,kuwa nasiib u helay in laba waalid oo muslini dhalaanna cabsidooda iyo iimaankoodu wuu sii siyaadaa mar kasta oo cibaadada ayay xoojiyaan oo waxay dareensan yihiin in Aduunku yahay dhaxdin Aakhirona waxaad dhigatay aad helayso.



Illaahay ha hadeeyo oo xaqa ha ku sugo dhamaan ummadda Islaamka kuwa kalena ha soo hadeeyo oo ka badbaadiyo baadida iyo naarta Aamiin.



As/w/w

saeed hussein

No comments:

Post a Comment