Thursday 3 September 2009

HAMDAN SECONDRY SCHOOL URUR ISKU XIDHA ARDAYDA KA BAXADAY SCHOOLKA OO LAGAG DHAWAAQAY HARGEYSA

HAMDAN SECONDRY SCHOOL URUR ISKU XIDHA ARDAYDA KA BAXADAY SCHOOLKA OO LAGAG DHAWAAQAY HARGEYSA

HAMDAN SECONDRY SCHOOL: urur isku xidha ardayda kabaxday schoolka oo lagaga dhawaaqay Hargeisa
Image and video hosting by TinyPic
AQOON YAHAN CABDI FATAAX IBRAHIM SHEEKH OO HADAL JEDINAYA

Xaflad aad loo soo agaasimay oo kulmisay aqoonyahano badan aya shalay ka dhacday Hotel Dalxiis ee magalada Hargeisa, xafladan oo lagaga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen ardayda ka qalin jabisay dugsiga sare ee sheikh Hamdan Bin Raashid oo dhigata jamacadaha dalka iyo kuwa debedaba.
Image and video hosting by TinyPic
SHABCAAN CABDILAAHI AADAN OO AH MAAMULKA DUGSIGAASI
Ururkan oo kashaqayn doona isku xidhka ardaydii wax ka baratay dugsigan oo la loogu magac daray SHEIKH HAMDAN SECONDRY GRATUETERS ASSOCIATION ayaa waxa xaflada furitaankiisa kasoo qaybgalay martisharaf iyo aqoonyahano fara badan.
Image and video hosting by TinyPic
Ugu horayn halkas waxa ka hadlay C/qani Maxamuud Guuleed oo ka tirsan ardayda dalka gudihiisa wax ka barata wuxuna so bandhigay ujeedoyinka ay ururkan u aasaaseen iyo waxa ururkodani qaban doono.

Inta kadib hadalka waxa la wareegay Gudoomiyaha cusub ee ururka Ahmed Xuseen Cubayd oo ka tirsan ardayda jamacada Hargeisa ee ka qalin jabisay schoolka wuxuna ka hadlay Ahmed isku xidhnaanta ardayda iyo muhiimada ay leedahay wuxu sidoo kale ku dheeraaday in iyagu intii karaankooda ah ay u shaqayn doonaan ahdaafta ardayda iyo sidii loo ilaalin lahaa xidhiidhka ardayda dugsigan kulmiyo ee wax ka barta wadamada aduunka.
Image and video hosting by TinyPic
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Gudomiye ku xigeenka ururka isla markaana ah Gudomiyaha hablaha Hoodo Ahmed Guuleed oo ka tirsan ardayda wax ka barata jamacada Admas ee magalada Hargeisa iyaduna ku dheeraatay dowrka ay ardaydu ku leeyiin mujtamaca iyo inay tahay in laga midha dhaliyo yoolka urukan higsanayo iyo sidii loo xaqiijin lahaa hadafka ururka oo ah isku xidhka ardayda dhamaysay dugsiga xamdaan.

Sido kale waxa halkaas ka hadlay Shafici Muse Gafun (Qaysar) o ka mida ardayda schoolka ka baxday hadana wax ka dhigta wadanka Sudan kana tirsan ururka ardayda Somaliland ee wax ka barata Sudan wuxu ku so dhaweeyey marti sharafta iyo ardayda kasoo qaybgashay xaflada wuxuna ugu mahadnaqay ardaydii kaso shaqaysay iyo kuwii ka qayb qaatay suurta galinta in ururkan la aasaaso gaar ahaan maamulka dugsiga sare ee Sheikh Hamdan Phd. Maxamed Ahmed Ismciil oo isagu soo jediyay aasaasitanka ururkan.
Shaafici wuxu ku dheeraday muhiimada ay leedahay in ardaydu isku xidhnaato wuxuna kula dardaarmay mamulka ururka inay isku xidhnaantoda ilaaliyaan iyo sidii ay u xaqijin lahayeen yoolka ururka.


Inta kadib hadalka waxa la wareegay isna Maxamed C/raxmaan oo ku hadlayay magaca ardayda schoolka ee kunool wadanka Sudan wuxuuna ka war bixiyay ardayda joogta wadanka Sudan ee schoolka Hamdan kaso baxday inay yihiin kuwa ugu heer sareeya ardayda ku hadasha afka somaliga ee wax ka barata wadanka Sudan.

Maxamed C/raxmaan wuxu ku dheraday tagerada ay u hayaan aasaasitaanka urur sidan oo kale kulmiya mar 2aad ardaydii kana shaqeeya isku xidhkooda.
Sido kale waxa ka hadlay C/laahi Muuse caafimadka ka barta wadanka Masar wuxuna ka waramay xaalada ardayda iskuulka ee joogta dalka Masar iyo sida ay u taageersan yiin in ardayda la isku xidho o ay yeshan urur kulmiya.

Waxa sido kale ka hadlay Amiin oo wax ka barta wadanka Ukrain wuxuna u mahadnaqay cidkasta oo ka soo shaqaysay aasaasitaanka ururkan.
Inta kadib hadlka waxa la wareegay martida kaso qaybgashay xaflada ugu horayn waxa halkas ka hadlay C/raxmaan Cusmaan Gaas oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan ururada dhalinyarada Somaliland wuxuna ku dheeraaday isku xidhnaanta ardayda C/raxmaan wuxu ugu balan qaaday inay iyagu lashaqayn doonaan ururkan kana caawin doonaan wixi karaan kooda ah ee ay uga baahdaan.

Waxa sido kale ka hadlay aqoonyahan C/FATAX IBRAHIM SHEEKH oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo wax kaso bartay wadanka sudan iyo Malaysia iyo Uk kana ahaa bara jamacadaha wadanka Sudan kuna takhasusay cilmiga geologyga C/fataax waxa uu ku dheeraaday waayaha waxbarashada iyo qurba jooga iyo ahmiyada ay leedahay inay ardaydu isku xidhnaadaan C/fataax wuxu xasuusiyay ardayda waayaha culus ee ay wax kusoo barteen isaga iyo inta la mida ee wakhtigaas wax baran jiray iyo sida ayna Janis ugu helin inay yeeshaan ururo isku xidha kana shaqeeya ahdaafta ay leeyiin.

C/fataax wuxu tusaaleyal dhowra u soo qaatay waayaha adag ee ay soo wajaheen wakhtiga ay wax baran jireen iyo waxa ugu muhiimsan nolasha inay tahay qofka inuu yool yeesho iskuna dayo xaqiijintiisa.
Sido kale waxa isna ka hadlay Phd. Cabdiqaadir Xirsi oo bare sare ka ah jamacada African international university iyo jamacada Khartoum ee wadanka Sudan wuxuna aad ugu dheeraday in wax kasta oo qofku qabtaa ay ku bilaabmaan wax yar lakinse hadii hadaf layeesho horumarka iyo kobocu ay iska yimadan wakhtiyar kadib.

C/qaadir wuxu ka warbixiyay waayaha Qurbaha iyo sida ardayda maanta ay uga jaanis iyo fursad badanyiin kuwii ka horeeyay ee iyagu ay ka mid ahaayeen. C/qaadir wuxu kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan isku xidhnaantooda kana shaqeeyaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen hormuudna ay ugu noqon lahaayeen ardayda kale ee walaalahooda iyo wadanka guud ahaan.
Gabagabadii xaflada waxa halkaas ka hadlay Ahmed C/laahi Aadam(Shacbaan) oo ku hadlayay magaca schoolka Sheikh Hamdan ahna bare ka tirsan iskuulka wuxuna sheegay sida ay maamul ahaan uso dhawaynayaan ururada noocan ookale ah ee kulminaya ardayda dugsiga kana shaqaynaya isku xidhnaantooda.

Shacbaan wuxxu kula dardaarmay inay u noqdan higsi ardayda ka danbeeya una horkacaan wadada saxan ah waxa kale oo uu kula dardaarmay ardaydii dugsiga ka baxday inay inay si wadaan waxbarashadooda jamacadeed haday tahay wadanka debediisa cidii Janis u hesha iyo wadanka gudihiisa jamacadaha ku yaalba.

Gabagabadii xaflada waxa halkaa lagaga dhawaaqay yahoo group uu leeyahay ururku kaaso oo ay ku wada xidhiidhi doonaan ardaydii dhamaysay schoolka oo hada tiro ahaan ka badan 1500 oo wax barta dalal aad ufarabadan oo ay ugu badantahay sudan iyo masar iyo Malaysia..

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment