Thursday 3 September 2009

WARSAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADA SOMALILAND KA SOO BAXAY

WARSAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADA SOMALILAND KA SOO BAXAY

REPUBLIC OF SOMALILAND


Ministry of Foreign Affairs
Tel/Fax: 00252-225 3871. Tel: 00252 213 4495


Date: 31/08/09

War-Saxaafadeed.


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo wali ku gudo jira booqasho hawleedkii u ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxa maanta uu la kulmay madaxda sar sare ee safaarada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Djibouti, halkaasi oo ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale waxaa Wasiirka ku soo booqday Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Jabuuti Safiirka dalka Ethiopia ee jabuuti halkaasi oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlihii dhaxdaxaadinta ee uu Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Dr. Takada Alamu u yimid Somaliland .

Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxaa kalo uu maalintii shalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Djibouti, ahna Gudoomiyaha gudidda Xidiidhka Jamhuuriyadda Djibouti iyo Somaliland iyo, hawlwadeeno ka tirsan xarunta IGAD ee caasimada Jabuuti ee Dalka Djibouti.

Kulamadaasi oo lagu gorfeeyay arrimo la xidhidha cilaaqaadka ay Somaliland la wadaagto dalka Djibouti iyo Ururka IGAD waxay ku dhamaadeen jawi is af garad.




Allaa Mahad Leh

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda
Xarunta

No comments:

Post a Comment