Thursday 3 September 2009

KOR U KAC KU YIMID QIIMAHA SUUQA MAGAALDA LAASCOOD EE GOBOLKA SOOL

KOR U KAC KU YIMID QIIMAHA SUUQA MAGAALDA LAASCOOD EE GOBOLKA SOOL

Image and video hosting by TinyPic...

Waxaa maalmahan laga dareemayaa kor u kac aad u balaadhan suuqyada ganacsiga kala duwan ee magalada laascaanood ee xarun-goboleedka gobolka sool taasi oo oo saamayn xoogan ku yeelatay dadka danyarta ah ee ay ku adag tahay inay u dhabar adaygaan qiimahan circa isku sii shareeray.

Kor u kacan ku yimid suuqyada magalada laascaanood ayaa waxa si wayn looga dareemay suuqa lagu kala iibsado raashinka daruuriga u ah nolosha dadka kaasi oo uddo yar gudaheeda siwayn aad kor ugu kacay qiimaha la kala siisto cuntooyinka lagama maarmaanka u ah nolosha baniaadamka sida Sonkorta,Bariiska iyo waxyaalaha la midka ah.iyadoo uu kiishka sonkorta ahi uu hada marayo 36$ halka uu markii horena ka ahaa $22-25

Sidoo kale waxaa sara u kac sidaasi oo kale ahi lasoo daristay suuqyada qudaarta ee magalada laascaanood oo iyagana ay sheegeen kooxaha ka ganacsada inuu sara u kacaasi kaga yimi dhinaca magalada Gaalkacayo oo ay inta badan qudaartu ka timaado.saaka ayaa maraan dhex maray suuqa qudaarta ee ee magalada laascaanood ayaa waxaa ay ii sheegeen qaar ka mida hooyooyinka ka ganacsada qudaarta inay aad u yaraatay waxa ay ka dheefaan ama ay ka faa'iidaan ka dib markii uu aad sara ugu kacay qiimihii lagaga soo qaadi jiray dhinaca magalada gaalkcayo.

Isku soo wada duuduuboo kor u kacan ku yimi qaybaha kala duwan ee ganacsiga ee suuqyada magalada laascaanod ayaa waxaa uu ka dambeyey ka dib marki maalmahan kor u kac iyo sicir barar kaas la mida laga dareemay magaalooyinka Boosaaso oo ah meesha inta badan uu ku xidhan yahay ganacasiga gobolku.iyadoo ay dhawaan badu la degtay markab u raraaa ganacsato soomaaliyeed kaasi oo loo aanaynayo inta badan kor u kacan.

Ugu dambayntii kor u kacan ku yimi waxyaabaha quutal daruuriga u ah nolosha baniaadamka ee raashinka iyo qudaarta ee magalada laascaanood ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili hada lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan oo ay dadka mulimiinta ahi dhamaantood sooman yihin iyadoo guud ahaana gobolka sool ay ka jirto abaar taasi oo hada uu sicir bararkani si wayn dadka saamayn ugu yeelanayo nolosha dadka miyi iyo magaalaba.

Wariye axmed saakin faarax warsame

Togaherer /lasanod

axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment