Sunday 13 September 2009

WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY XISBIGA UCID UK OO K HADLAY BANAANBAXII IYO XIDHIDA BARALMAANKA

WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY XISBIGA UCID UK OO K HADLAY BANAANBAXII IYO XIDHIDA BARALMAANKA

Xisbiga UCID UK, Gudida fullinta xisbiga UCID shir ay ku yeeshen magaalada 13/09/09 London, warsaxafadeed ay shirkan ka soo saareen wuxuu u qoraa sidan:-

• Waxaanu cambaareynanaa, xidhitaanka dawaladu xidhay xaruntii golaha wakiilada iyo weerarka foosha xumaa iyo dilka ciidamada dawladu kula kaceen 12/09/09, shacabka Somaliland oo si nabad-gelyaha ugu mudaharadayey xidhitaanka xarunta golaha wakiilada Somaliland Hargeysa..

• Waxa cad oon qarsoodi lahayn, guuldarrooyinka xukuumada Dahir Riyaale ku burburinayso hanaankii dooroshooyinka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo jiritaanka qarannimada dalka sidaa darteed, si arrihan looga baxo waxaan soo jeedininaa in dhamaan dhinacyada ay khusaysaa isugu yimaadan miiska wada hadalada iyada saldig looga dhigayo in sharciga iyo distoorka wadanka u yaala la fuliyo, go´aana laga gaadho sidii wadanka ay uga dhici lahayd doorosho xor ah oo xalaal ah oo ku salaysan nidaamka diiwan gelinta ee natiijada Server-ka, ee ay ku heshiyeen seddexda 3da xisbi qaran iyo komishinka..

• Waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqana inay ka feejignaadan xeeladaha iyo daacayada riqiiska ah ee Dahir Riyaale iyo xukuumadiisu ka sii daynayso warbaahinta oo ay rabto inay ku wiiqdo kacdoon iyo midnimada shacabka Somaliland, waxanu shacabka Somaliland u xaqiijinaa in xisbiga UCID hormood ka yahay, arrimahan lagaga soo horjeedo xukumadan fashilintay ee keligeed taliska ah.labada xisbi ee mucaaridkuna {UCID & Kulmiye} way ka mideysanyeen arrimahan, waxaanay leeyihiin gudi farsamo oo ka wad shaqeeye arrintan siyaasadeed ee dalka ka aloosan hada

• Shacabka Somaliland,waxaan ku tageereynaa uguna hambalyeynanaa sida geesinimada iyo wadniyadu ku jirto oo ay ugu hiiliyeen, ugana gilgilsheen xidhitaankii xarunta Baarlamanka iyo taageeradii buuxday ee ay siiyeen Baarlamanka ay soo doorteen

• Gudida fulinta xibiga UCID UK, angoo oo ku hadlayana magaca Xisbiga UCID UK, iyo taageerayaasha xisbiga, waxanu Tacsi u diraynaa guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaana qoysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyodeen dadkii wadaniyiinta ahaa ee ciidamad dawladu ku layaan 12/09/09 banaanbixii ka dhacay caasimada Hargeysa ee lagaga soo horjeeday xidhitaan xarunta golaha wakiilada magaalada Hargeysa.

Waxaanu ilaahay uga baryayaa, inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo , Samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo. Dadka Ku dhaawacmay ilhaay waxaanu ugu baryeynaa inuu siiyo Caafimaad.

Allah Mahad Leh.

Guddiga Fullinta UCID UK

Kosaar Aideed Abdi

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID UK

No comments:

Post a Comment