Sunday 13 September 2009

BAAQ NABADEED QATAR

BAAQ NABADEED QATAR

BAAQ NABADEED (Gadar)

WAXA BAAQAN SOO JEEDIYAY:

SHEEKHAL SOMALKA WADANKA GADAR: SHEEKH MOOGE IYO

GUDOOMIYAHA DUDIDA SIYAASADA UDUB GADAR: SANWAA CUMAR YARE.

Aniga oo ah Sheekhal somalka Gadar (Sheikh Mooge), waxaan halkan ku baraarujinayaa

Dadwaynaha reer Somaliland in dhacdadii shalay ee sababtay dhiiga ay ahayd mid wax u dhintay sumcadii Dalkeena iyo jiritaankii Somalilandba ee la dhisayay 19 sanadood. Waxay taasi keeni kartaa

Inaynu ku noqono jahawareerkii sanadihii sagaashanaadkii (90s kii). Anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada

Gadar ee Somaliland kana turjumaya niyad jabka ay ka qaadeen fawdadii shalay, waxaanu aad iyo aad uga xunahay in ay mushkiladaasi dhacday nafana ku qudh baxeen eedana waxaanu saaraynaa Xisbiga

Kulmiye oo hore looga hayo hadalo xaalad abuura sida MADAXWEYNAA DHANGAD AYAANU KAGA SOO

SAARAYNAA MADAXTOOYADA IYO WAA IN LA DHAGAX TUURAA MADAXTOOYADA. Xisbigaas ma ihi shaqsi neceb oo waxaan ahay Sheikh u dhexa dadka laakiin waa hadalada ugu jira saxaafada ee aan ka akhriyay.

Waxaan kaga baxay ilko dhiig badhna waa la tufaa badhna waa la liqaa waxii dhacay halaga dabatago

Dibna yaanay u dhicin.

Anigoo ah Gudoomiyaha G Siyaasada ee UDUB Gadar (Sanwaa Cumar Yare),waxaanu la qabnaa sheekhal somalka mabda uu ka istaagay mudahaaraadkii dadka yari sameeyeen shalay. Waxaan intaas ku darayaa

Gudi ahaan waxaanu aaminsanay inuu ahaa mudaharaad dhawr siyaasi oo beelaysani wadeen oon ahayn wax shacbiga caasimadu u dhamaa cadayna aanu hayno oo uu ahaa mid ku koobnaa meelo gaara oo caasimada ah gaar ahaan agagaarka madaxtooyada. Waxaanu la hadalnay dad rayida oo fara badan oo caasimada dagan kuwaas oo noo xaqiijiyay inaanu ahayn mudaharaad ee uu ahaa dhagax tuur iyo banbo tuur ay sameeyeen xisbiga kulmiye. Waxa xusid mudan xisbiga UCID oo aan isagu ku jirin qalalaasahan gudoomiyihiisuna (Faysal Cali Waraabe) uu cadeeyay inuu ka xumaaday kana soo horjeedo.



By: Sheikhal Somal: Sheikh Mooge iyo

Gud G S UDUB: Sanwaa Cumar yare

No comments:

Post a Comment