Tuesday 15 September 2009

WARIYIHII KABTA KU TUURAY BUSH OO XABSIGA MAANTA LAGA SII DAAYAY

WARIYIHII KABTA KU TUURAY BUSH OO XABSIGA MAANTA LAGA SII DAAYAY

Wariyhii kabta wajiga kaga tuuray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush ayaa maanta la sii daayay, iyadoo shir jara`id oo xamaasad lehna uu qabtay.

Image and video hosting by TinyPic

Muntazer al-Zaidi ayaa ku bilaabay shirkiisa jaraa`id "Aniga xor ayaan ahay laakiin dalkii wali waa la haystaa", ka dibna waxaa uu u mahad celiyay guud ahaan dadkii is bar-bartaagay.

Waxa uu ka hadlay sababta ku kaliftay in uu kabta ku tuuro Bush, isagoona sheegay in ey ku timid ka dib markii uu is bar-bar dhigay Ciraq sida aheyd duulaanka ka hor iyo waxa dhacay duulaanka ka dib , iyadoo Ciraq si waliba ay u mideysnaayeen weerarkaasi ka hor ayuu yiri.

Saldhig Mareykanka leeyahay ayaa lagu hayay oo bartmaha Bagdaad dhaca , iyadoo lagu eedeyay in uu bah-dilay (Yasay) madaxweyne ajaniba ah .

Image and video hosting by TinyPic

Waxa uu booqanayaa Tv-ga Al-bagdaadiyah oo uu ka shaqeynayay xiligii uu kabta ku tuurayay madaxweyen Bush, iyadoo ka dib dalal kale oo carbeed u gaari dono si uu ugu mahad celiyo halka daaweyn loogu soo sameyn doono.

al-Zaidi oo u muuqda nin hilfaha loogu soo laabay xabsiga dhexdiisa (sida ka muuqata sawirka) isagoona ey ka maqan yihiin ilkaha qaar oo eysan horay uga maqneyn xabsiga iyo dhacdadi uu ku dhaqaaqay ka hor.

Xaasas iyo abaal marino ayaa sugaya , ehelkiisana farxad xoogan ayay muujiyeen iyadoo lagu tilmaamay halyeey aysan iloobi doonin dadka reer Ciraq.

No comments:

Post a Comment