Tuesday 15 September 2009

MA MUDO KORDHIN DANBAA GUULAYSAN MISE XILKA KA XAYUUBIN BAA HIR GALI[KA DOOD MAXAY KULA TAHAY]

MA MUDO KORDHIN DANBAA GUULAYSAN MISE XILKA KA XAYUUBIN BAA HIR GALI[KA DOOD MAXAY KULA TAHAY]

Xilka xayuubin iyo mudo kordhin.

Labadan masalo ayaa maanta lakala ogaan tii meelmarta.
Barlamanka dalka ayaa cadeeyay inay xilka ka xayuubin doonaaan mr ii kordhiya daahir riyaale iyo ku xigeenkiisa axmed yaasiin.
Hasa yeeshee raga daahir riyaale ku akhriya talada guracan ayaa wacad ku maray in aan xilka laga xayuubinayn waxan baarlamanku wadaana uu yahay wax aan macno lahayn.

Wasiirada safka hore cabdilaahi ciro , siciid sulub , cali sanyare ,ayaa daahir ugu dhaartay in aanu kursiga ka dagayn barlamankuna waxba qaadi karin.
Hadaba waxa cajiiba oo aan aad is waydiiyaa maxay tahay kalsoonida wayn ee sadaexdan masuul daahir ugu hanbalyaynayaan.
Ma barlamanka ayay ku og yihiin daciifnimo.
Ma gudoomiyaha barlamanka cabdiraxmaan ciro iyo labadiisa ku xuigeen ayay il dagan ka arkeen.
Ma xubnaha parlamanka ayay u arkaan qaar ay kiishka lacagta ee ay la wareegaan siin karaan.
Dadka ma waxay wada moodayaan xubnaha jilicsan ee pastooladaha lasoo gala meesha ee ay amarka toos u siiyaan.
Miyaanay ogayn in raga barlamanka fadhiyaa ay ka aqoon badan yihiin kana waayo aragsan yihiin kana argti dheer yihiin raga kabo qaadka ah sida maxamed baaruud iyo cabdiraxmaan xoog.

Hadaba la arki doonaa maanta in barlamanku noqdo mid qawl leh oo fuliya hadafkiisa xil ka xayuubinta.
La arki doonaa maanta in barlamanku yahay meel la aamini karo oo laysku halayn karo .
La arki doonaa in maanta baarlamanku yahay mid istaahila dadkii u huray naftooda iyo maalkooda ee ALAAHU AKBAR KU QAYLINAAYAY, xabada askartana shafka u dhigaayay.
La arki doonaa maanta in maatadii lagu xasuuqay magaalada hargaysa ay tahay mid aan la dhayalsan oo barlamanku baalmarin.
Mudane cabdiraxmaan ciro iyo samaale iyo xubnaha barlamanku ha ogaadaan in shacabku hareeraha ka taagnaa xabadana iskaga dhigaayay markaa barlamanka galayseen.

Ugu danbayntii kaliya waxa shacabku idinka rabaa maanta inaa fulisaan qawlkii aad idinku ku dhawaaqdeen ee ahaa in xilka laga xayuubsho madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Ka dibna maxkamad la horkeeno lana mariyo cadaalada iyo sharciga dalka yaala.
Hadaan taas la samayn shacabku way ka tashan ninkasta oo markuu dan leeyahay qaylo afka gacanta galiya.
Marka dantiisu u fushana dhabarka noo soo jeediya , taasi ma dhacayso waana wax aanu talo ka yeelan doono.
UMADU WAXAY KU DHIMATAY HA LA ARKO. CARUURTII SHAHIIDAYNA XAQOODA HALA MARIYO.
axmed qoorgees
qoorgees@rocketmail.com
uk

No comments:

Post a Comment