Wednesday 16 September 2009

BAAQ KU SOCDA SOMALILAND W/Q HAYBE MAXAMED CALI

BAAQ KU SOCDA SOMALILAND W/Q HAYBE MAXAMED CALI

Waxa aan maanta jeclaystay in aan kelmad ka idhaahdo khilaafka ka jira Somaliland,iyo fikirka aan qabo in lagu daweyn karo arimahaas oo dhan, taas oo aan anigu is
isleeyahay waa xal se Alle ayaa og xalka.

Inta aanan taas dhex gelin waxa aan marka hore la hadlayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan, gaar ahaan dadka degan Somaliland guddaheeda. Walaalayaal kolka hore Ramadan Karim Alle ha ina siiyo 10ka danbe kheyrkeeda, intaas ka dib waxa aan idinkula talinayaa in aydinaan u noqon siyaasiyiinta Somaliland xaabadii ay ku gaadhayeen dantooda, idinkuna aydinaan u noqon wax dhinta
waxa dhaawacma, iyo wax bara kaca, oo ay mar keliya farahooda ka baxaan wixii ay 19kaas sanno yabyabayeen.
Waxa aan idinkula talinayaa in aan la idinku beerlaxawsan qabiilka, hadda madaxda qaranku maxay idiinku qabtaan qabiil, waxa aan filayaa in aanay jirin. Sidaas awgeed walaalayaal iska ilaaliya caadifada qabiilka ee aan micnaha lahayn.
Xukuumada waxa aan leeyahay kagahor taga mudaaharaadada sunta iyo budh, hana adeegsanina, hub nool, taasi waxa ay keeni doontaa dhimasho iyo dhaawac xun, waana in aad tababar u furtaan ciidankiina si ay uga hor tagaan gaddoodada.
Shir guddoonka waxa aan leeyahay waxa aad Somaliland u horseedeen jid xun, waa in aad is laab xaadhataan xildhibaanada aad iska soo hor jeedaan, miyaanay ceeb ahayn haddii kuwa idinka soo horjeedaana dadkooda soo doortay idinku soo kiciyaan.Waxa aan idinkula talinayaa ceebtiina astura.
Labadiina kooxoodba waxa aan wadataan iska tuura, oo ka shaqeeya sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, taas ayaa danta umadu ku jirtaa.


Talo

1. Waa in golaha wakiiladu dib u eegaa distoorka dalka, taas oo aan ku talinayo in la furo axsaabta, si looga
badbaado saddexdan xisbi ee isku muuqda, kuwaas oo ay xisbiyadu kolna dhintaan kolna noolaadaan
sida xisbiyada caalamka.
2. In gollaha Guurtidu u kordhiso Madaxweyne Rayaale muddo dhan hal sanno, isla kolkaasna Madaxweynu aanu
dib danbe isku soo sharaxin, xisbiga UDUB-na yeesho musharax cusub oo u tartama jagadaas, Madaxweynahuna
dusha ka eego doorasha, kuna wareejiyo qofka la doorto.
3. In Lasoo horeeyasiiyo doorashada gollaha deegaanka halkaas oo ay kasoo baxayaa saddexda xisbi qaran ee dalka
hogaamin doona shanta sanno ee soo socota.
4. In gollaha guurtida candhuuftiisa ka liqo, xukun doon iyo xisbi raacid, waana in uu dhexdhexaad dhab ah ahaadaa.



Ramadan Karim

Haybe Mohamed Ali
Denmark

No comments:

Post a Comment