Thursday 3 September 2009

WARDEGDEG AH:-WARIYE QAASIM OO 12 SAAC KADIB XORIYADIISII LOO CESHAY

WARDEGDEG AH:-WARIYE QAASIM OO 12 SAAC KADIB XORIYADIISII LOO CESHAY

War Deg-dega: Wariye Qaasim Oo 12 Saac kadib Xorriyaddiisii Loo Soo Celiyey

Hargeysa, Wariye Ibraahim C/raxmaan Qaasim oo Maanta Bilaysku Xabsiga u taxaabeen, ayaa 12 saacadood kaddib Xorriyaddiisii loo soo celiyey, waxaana sidoo kale ku weheliyey sii dayntaasi Wariye kale oo la yidhaa Budul kana tirsan wargeyska Haatuf.

Wakhtigii Sii daynta Labadan Wariye ayaa ku beegnayd 10 Saac ee Caawa, iyadoo Taliyaha Bilayska ee qaybtaasi, uu u sheegay inay Fasax yihiin bixina karaan. Inkastoo Taliyuhu aanu u sheegin Sababta uu kusoo xidhay. Laakiin waxa uu u sheegay oo kaliya inuu issagu Amarka Xadhigood bixiyey, imikana Amarka sii dayntooda uu bixiyey, sidaana fasax ku yihiin.

Xadhiga Labadan Wariye, ayaa yimi kadib Markii Maanta iyagoo hawshooda shaqo gudanaaya, kuna sugan Xarunta Baarlamaanka S/land, Booliis faro badan lasoo dhoobay, Xaruntii Baarlamaankana qabsadeen, lana wareegeen sida Shir-guddoonkuba sheegay. Halkaana ay Wariyeyaasha Saxaafadda qaarkood ku garaaceen halka Wariye Qaasim iyo Budulna ay Xabsiga u taxaabeen.

Haddaba Tacadiyada noocan ah ayaan ahayn wax ku cusub JSL, waayo beryahanba waxa isa soo taraayey Tacadiyada iyo Dulmiga lagula kaco Saxaafadda Madaxa bannaan. Sidaasi daraadeeda waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda inay ka feejignaadaan ficiladaa saxaafadda Madaxa bannaan ku liddiga ah, ee ay beryahan dambe Dar-darsiga ka dhigatay.

No comments:

Post a Comment