Thursday 3 September 2009

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA S/L AYAA KA HADLAY ARITII CIIDAMA LAGU KEENAY GOLAHA WAKIILADA S/L

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA S/L AYAA KA HADLAY ARITII CIIDAMA LAGU KEENAY GOLAHA WAKIILADA S/L

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa ka waramay arinta u sheegay gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirahman M. Cabdilaahi Ciro taas oo uu ku sheegay in la police ay qabsadeen xaruntii sharci dajinta policekaa oo aanaanu dalban amarna aan naga qaadanayn isaga oo wasiirka arkaas ka hadlaya ayaa waxa uu sheega in la sameeyey dhaliyaro rabshoolayaal ah oo rabshan ka dhex sameeya golaha wakiilada hortiisa taas oo uu u uu dhex socday shirgudoonku waxaanuu sheegay wasiirku in arintan aanu ciidanka meesha u gaynay in ay taasi ka mid ahayd.


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliladn Cabdilaahi Ciro oo shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay arintaas ayaa waxaanuu yidhi :-

“Waxaan idiinku yeedhay caawa waxaan u malaynayaa inaad maqlayseen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada war uu maanta BBC-da siisay oo ahaa Ciidanka Booliska ayaa nagu soo weeraray xaruntii Golaha Wakiilada, markaasi kaasi ayaan doonayaa inaan ummada u sheego sidii ay ahayd.marka ugu horreysa ciidanka Booliska ee Somaliland ama Wasaarada Arrimaha Guduhu iyagaa u xilsaaran sugida nabad gelyada, haddii ay masuuliyiin qaranka tahay iyo haddii ay ilaalinta hantida ummadda tahayba,madaxda oo dhana waxa la socdo ciidan ilaaliya nabad gelyadooda, ciidankii hore ee ilaalinayay golaha baarlamaanka xarutiisa iyo kuwan cusub ee aanu maanta u dirnay wax faraqa oo u dhaxeeyaa ma jirin. Waa isla ciidankii uun,marka labaadna Golaha Wakiiladu waa niman qadarin, sharaf iyo maamuus ummadda ka mudan waayo dadweynaha ayaa soo doortay, waxay leeyihiin maamuus gooniya iyo ixtiraam gooniya, Ciidankii Booliska ee aanu maanta ku xoojinay xaruntooda waxay ahayd markii aanu ogaanay in xalay Golaha Wakiiladu ay kala shirayeen oo gaar ahaan Guddoomiyuhu kala shir-siinayay, oo uu qolona Huteelka Ambassador kula shiray qolana Maansoor kula shiray, oo uu awoodiisa isku keeni kari waayay inuu mideeyo ayaanu ogaanay. Isla markaana la abaabulay rag dhalinyaro ah oo Golaha hortiisa rabshad ka sameeya taasina aanu u hayno markhaati cad, warkii aanu haynay waxa caddeeyay oo dhex maray oo raacay shirgudoonka dhalinyaradii mudaharaadka samaynaysay waliba iyagoo ay la socdaan ciidanka boolisku la socdaan ay shiideen, taasina waxaan u malaynayaa saxaafadu way ogayd arrintaasi ay shir-gudoonku sameeyeen waxay ahayd arrimihii aanu markii horeba ka sii afeef dhiganaynay ee aanu marka horeba ciidanka u geynay. Marnaba Anigu uma aanaan geyn ciidanka ilaalada ah inay dhibaateeyaan Xildhibaanada sharafta mudan,”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxaanu intaasi ku daray , “Uma aanaan geyn ciidanku inay hagar daameeyaan Xildhibaanada sharafta mudan ee Ummaddu soo dooratay hoolka shirarkana waxa reeban oo ka mamnuuc ah in ciidanka boolisku marnaba galo gudaha hoolkooda, maalin dhawayd waad ogaydeen inay xildhibaanadu dhexdooda is khilaafeen oo wax ka dhaceen, ciidanka Boolisku iyagoo u yeedha mooyaane awood uma laha Inay galaan gudaha.
Qoladan uu Guddoomiyuhu lahaa waxaanu saarnay ganaax, Anagu awoodna kuma aanaan gelin kamana aanu joojin karayn, waxay noola mid yihiin uun sida Xildhibaanada kale ee ixtiraamka mudan ee golaha.si kastaba ha ahaatee lixdan Xildhibaan ee uu leeyahay anshax xumo ayay sameeyeen lixdu kaligood iskamay botorine’e dad bay iska horyimaadeen haddii ay af tahay iyo haddii ay gacanba tahay markaa waxaan u arkaa inay cadaalad darro tahay iyo dhibaatadan maanta golaha dhexdiisa ka taagan masuul uu ka yahay. Waayo ragan 82-ka ah ninkii isku keeni lahaa isaga weeye ee Guddoomiyahana loo doortay ee kitaab ilaahay maray inuu eexdo may ahayn.
Arrintii uu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa igu yidhi meel iga sareysa ayaa amar laga soo siiyay ciidanka golaha la keenay, horta Taliyaha ciidanka boolisku Wasaarada Arrimaha gudaha ka sokow nabadgelyada xukuma, taasina ma aha afkiisii waa nin janan ah oo waayo arag ah, nin odhanaya amar baa Wasiir ama cid kale isoo siisay ma aha. Nabad gelyada ayuu waajibkiisa ka gudanayaa. Ciidanka Boolisku cidna waxba umay diranayn,”Ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Cirro, waxaanu intaasi raaciyay “Waxaan doonayaa inaan ummadda u Sheego in Ciidanka Boolisku Inuu difaaco Mooyee aanu Weerari karin Xarunta Baarlamaanka.”

Xamse Ismaaciil Axmed
Hargaysa

No comments:

Post a Comment