Thursday 3 September 2009

MA KUU QORSHAYSAN TAHAY INAAD MAR KALE IS SHARAXADO? MAYER JICIIR

MA KUU QORSHAYSAN TAHAY INAAD MAR KALE IS SHARAXADO? MAYER JICIIR

“Wasiirka (Beeraha) waxaanu ka dalbanay inuu jawaab ka bixiyo Sharciyada uu Dhulkaa ku seestay, balse…”
Maayarka Hargeysa…….Waraysi gaar ah

-Ma kuu qorshaysan tahay inaad mar kale isa-soo sharaxdo?

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, ahna Maayarka Caasimada Eng. Xusseen Maxamuud Jiciir, ayaa qiray inay jiraan waxyaabo bilawgii yoolkoodu ahaa inay wax ka qabtaan oo aan u suurtogelin, balse ay dhamaystiri doonaan inta ka hadhay muddada xil-hayntooda.

Maayar Jiciir oo uu Isniintii doraad waraysi gaar ah la yeeshay Barkhad Daahir oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inay gole Degaan ahaan warqad qoraal ah u direen Wasiirka Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), taasoo ay kaga dalbadeen inuu jawaab ka bixiyo sababta keentay iyo Sharciyada uu u maray dhul Dan-guud ah oo ku yaala agagaarka Madaarka Hargeysa oo uu dhowaan seestay.
Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan;

Ogaal: Guddoomiye; marka hore bal faahfaahin naga sii ujeedada socdaalkaagii aad kaga soo laabatay Yurub?

Jiciir: Runtii anigu markii hore fasax baan ku tegay, laakiin marka aad dibadda u baxdo waxyaabo badan oo xidhiidh ah baad samaynaysaa. Sidaa darteed, xidhiidho badan baanu samaynay, waxaan tegay ilaa Maraykanka, Sweden, Norway iyo Ingiriiska. Meel kasta oo aan tegayay waxaan la kulmayay jaaliyada reer Somaliland ee halkaas degen, kuwaasoo aan uga waramayay wax-qabadka iyo heerka ay marayso dawladda Hoose ee Caasimada, dawladda iyo guud ahaan dalku sida uu yahay. Waxa muhiim ah in hay’adda Dab-demista Ingiriiska qaybta Wales-ka oo aanu xidhiidh hore la lahayn inay na siiyeen Dab-demis annaga iyo hay’ad wadani ah oo ah oo Somaliland ah.

Waxaanu kala qaybqaadanay xaflad wanaagsan oo ay nagu tusayeen Dab-demiskaas, waananu ka gudoonay inay noo soo diraan.

Ogaal: Shantii sanno ee hore ee aad xilka hayseen may dhicin inaad si fiican wax uga qabataan Wadooyinka, laakiin muddooyinkan dambe waxaad dayactirteen Wadooyin faro badan, kuwa cusubna waad samayseen. Markaa, yaa gacan idinka siiyay arrintaas?

Jiciir: Runtii Wadooyinka muddooyinkan dambe aad baanu uga shaqaynaa. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadweynaha xaafada Hargeysa oo arrintaas gacan naga siiyay, iyadoo ay jiraan guddiyo horumarineed oo aanu xaafad kasta oo magaalada ah ka samaynay. Guddiyadaa degmooyinka xidhiidh fiican baanu leenahay, waanay nagala qaybqaateen arrintaas, kuwaasoo had iyo goor noogu deeqa Daamurka iyo shaqadiisa inay bixiyaan, annaguna dawlad Hoose ahaan aanu inta kale oo dhan Wadada samayno.

Ogaal: Ilaa imika imisa Wado oo cusub baad hirgeliseen?
Jiciir: Sannadkan oo dhan ilaa sagaal Wado oo cusub baanu samaynay, imikana ilaa shan kale ayaanu wadnaa.

Ogaal: Muddadii hore wax-qabadkiinu sidaa uma fiicnayn, markaa maxaad u malaynaysaa inuu idinka hor joogay?

Jiciir: Meeshan dawladda Hoose way shaqo badan tahay - midda kale, waa la baranayaa. Waxa weeye; intaaba waxaanu ka shaqaynaynay qaybta Wadooyinka oo aanu hore u jiri jirin sidii loo samayn lahaa iyo qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen sidii loo samayn lahaa. Markaa, taas baana naga qaadatay afar sanno.

Ogaal: Intii aad maqnayd, waxa jiray in todoba Xildhibaan oo Golaha Deegaanka ka tirsani Wasiirka Beeraha ku eedeeyeen inuu boobay Dhul faro badan oo Dan-guud ah oo uu seestay - bal arrintaa ka waran?

Jiciir: Taas imikaba waanu ku jirnaa. Arrintaasi waxay ahayd Dhul ay Xildhibaanadu noo soo gudbiyeen oo ay mar hore Cagaf mariyeen oo ay Dan-guud ahaan ugu talogaleen. Laakiin, Wasiirkuna Seesas buu ka samaystay runtii. Sidaa darteed, markii aanu Gole Deegaan ahaan shiray Wasiirka warqad baanu u diray aanu kaga dalbanay inuu ka soo jawaabo arrintaasi siday ku dhacday, sida uu Dhulkan u seestay iyo Sharciyada uu u maray. Markaa, warqadii baa ku maqan Wasiirka, jawaabtana waanu ka sugaynaa.

Ogaal: Markaa Wasiirku Dhul Dan-guud ah oo aanu Sharci u haysan buu iska seestay miyaa?

Jiciir: Haa. Golaha Deegaanku waxay cadeeyeen in marka horeba ay calaamadiyeen oo Dhulkaasi yahay mid Dan-guud ah, horena ay Cagaf u mariyeen.

Ogaal: Maayar; maalmihii u dambeeyay waxaad ku gudo jirteen Kal-fadhigiinii 53-aad, maxaad kaga wadahadlayseen?

Jiciir: Waxaanu kaga hadlaynay arrinta Dhulkaas (Wasiirku seestay) laftiisa oo ajandaha ku jira. Waxa kale oo aanu kaga hadlaynay oo ajandaha ku jira Miisaaniyadda in aanu ansixino iyo sidii Guddi-hoosaadyada Golaha Deegaanka sidii la isugu shaandhayn lahaa, maxaa yeelay, Xeerka ayaa sheegaya in sannadkii kastaba guddiyada la isku shaandheeyo oo guddiyaal cusub la sameeyo, welina wuu socdaa.

Ogaal: Waxaad tahay Maayarka xil-hayntiisu ugu muddada dheer tahay Goleyaasha Deegaanada Somaliland. Markaa, ma kuu qorshaysan tahay inaad mar kale isu soo taagto tartanka doorashda goleyaasha Deegaanka dalka?

Jiciir: Golaha Deegaanka inaan galo waa laga yaabaa, laakiin ma doonayo inaan Maayarnimo dambe isu soo taago.

Ogaal: Sababtuna maxay tahay?

Jiciir: Sababtu waxay tahay; imika laba teeram bay ku dhawdhaw tahay intaan xilka hayay, markaa wixii aan qaban karayay waan qabtay, waxaana loo baahan yahay dad cusub iyo weji cusub. Laakiin, waan la-talinayaa oo waan ag joogayaa haddii aan Golaha Degaanka ku soo baxo.

Ogaal: Muranka Dhulka oo mararka qaarkood rabshado ka dhacaan, ma isleedahay muddooyinkan hoos buu u dhacay, maxaase sabab u ah?

Jiciir: Haa. Runtii murankii dhulku hoos buu u dhacay, waxaana keenay iibkii Dhulka oo iska yaraaday iyo dawladda Hoose oo soo rogtay in Dhul kasta oo la kala iibsado la bixiyo Cashuur la yidhaahdo Tranfer Tax, dawladda Hoose-na ay Sharciyayso, haddii uu Sharci hore lahaana xataa Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo gelaysa. Laakiin, haddii aanu Sharci hore lahayn, dawladda Hoose ayaa u samaysaysa Cashuurta kala-wareejinta (Tranfer tax). Sidaa darteed, taas baa wax badan joojisay, maadaama dadku markii hore intay Dhulka qof ka iibiyaan, haddana qof kale ka iibin jireen ama marka dambe ku dafiri jireen. Markaa wixii baanu Sharciyaynay oo imika haddii qofku qofkii kale ee uu wax ka iibiyay ku dafiro ama mid kale ka iibiyo, isagaa xidhmaya, qofkiina magaciisii baa lagu wareejinayaa Document-ga.

Ogaal: Ku-talogalkiinii markii aad Gole Deegaan ahaan xilka qabateen, ma is leedahay waxyaabihii aad ku talogasheen waad qabateen ama wax baad ka tagteen?

Jiciir: Runtii markii u horeysay ee aanu xilka qabanay waxyaabihii ku-talgalka noo ahaa, inkastoo Dhaqaalaha dawladda Hoose-na uu imika iska ragaadsan yahay oo Dhaqaalahoodii lacagta Doorashooyinka lagu galo ay tahay, haddana waxyaabo badan oo aanu ku hamiyaynay oo aragtidayadu ahayd ama aanu doonaynay in aanu qabano waanu qabanay. Laakiin, waxyaabo yaryar oo noo hadhay way jiraan, kuwaasna waxaanu rejaynaynaa inta waqtiga xilkayaga nooga hadhay in aanu dhamayno sida; Security Light-ka magaalada in la hagaajiyo, dhiraynta iyo bilicda magaalada oo la hagaajiyo. Hase yeeshee, wadooyinkii, Sariibaddii, khashinkii iyo Maslakhii (Kawaanka) wax baanu ka qabanay. Sidoo kale, garoomadii Ciyaaraha oo aanu imika Wasaaradda Cayaaraha garoomo badan ku wareejinay, inkastoo aanay Wasaaraddu haysan Dhaqaale ay seesas ama darbiyo ugu wareejiso. Markaa, waxyaabahaa yar yar baa noo hadhay, balse waxyaabihii aanu ku taamaynay intoodii badnayd waanu qabanay.

Ogaal: Ugu dambayntii, aan fursad kuu siiyo haddii ay jirto wax aad bulshada Caasimada u soo jeedinaysaa?

Jiciir: Marka hore, bulshada Caasimadu way fiican tahay. Ta koowaad, waxaan u soo jeedinayaa in xidhiidhka bulshada iyo dawladda Hoose la adkeeyo, in guddiyada horumarineed ee aanu xaafadaha iyo degmooyinka ka samaynay ay dadku gacan siiyaan, inay dadku Cashuurta bixiyaan, markay Cashuurta bixiyaana ay annagana nagula xisaabtamaan, taasna dib baanu ugu celinaynaa oo Cashuurtaa dadka dib loogu celinayaa waa waxyaabaha isku xidhay xidhiidh ahaan guddiyada xaafadaha iyo dawladda Hoose. Midda kale, waxaan soo jeedinayaa in la sii adkeeyo guddiyada Hiliblayda iyo Khudradlayda magaalada oo aanu iyagana xidhiidh fiican leenahay, maxaa yeelay wax-wada-qabsiga dadweynaha ama ururadaas iyo dawladda Hoose ayaa xoogaysanaya marka xidhiidhkoodu sii fiicnaado.

OGAAL

No comments:

Post a Comment