Tuesday 15 September 2009

WARAYSI WAKIILKA HAYADDA EAWADA WAXYAABAHA AY HAYADOODU QABATO IYO MASHAARIICDA AY FULISO

WARAYSI WAKIILKA HAYADDA EAWADA WAXYAABAHA AY HAYADOODU QABATO IYO MASHAARIICDA AY FULISO

wakiilka Hay’adda EAWADA oo aan waraysi kala yeelanay waxyabaha ay Hay’adoodu qabato iyo mashaariicda ay fuliso.
Image and video hosting by TinyPic

Burco :waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaanu la yeelanay wakiilka ama madaxa hay’ada East Africa Welfer And Development Association(EAWADA) Sh. aadan xasan siciid, hadaba waraysigan oo anu wax kaga waydiinay Guud ahaan Hay’ada ,barnaamijyadeeda iyo xilligii la aasaasay iyo waxyabaha ay u qabato Bulshada ayaa waxa ka soo qaaday weriye Mustafe Osman A/rahman,

Image and video hosting by TinyPic

S- guddomiye sh.aadan bal ugu horayn faahfaahin naga sii Hay’ada iyo waxyaabaha ay qabato,se xafiiskeda ama xarunteda ugu weyni waa xaggee?

J-een waxaan idiin sheegayaa Hay’adan magaceeda la yidhaa East Africa Welfer And Development Association Ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (EAWADA) waa hay’ad samafal oo ka shaqaysa waddanka, muddo badanna ka shaqaynaysay horumarka waddanka, markaa xafiiskayagu wuxu ku yallaa Burco waa halkan aynu joogno, mashaariic faro badanna sannadadi la soo dhafay waanu ka qabanay, mashaariicdaas oo isugu jiray iskuulo aanu dhisnay oo carabiga iyo diinta lagu barto, sido kale masaajido ayaanu dhisnay.

J-innagoo weliba u soo noqon doona mashaaricda iyo waxyaabaha ay qabatay hay’adu muddo intee leeg ayay jirtay Hay’adu?

S- Hay’adu waxay iminka jirtay waxa usocda sannadkii 3aad, lakin ka hor wakhtigaas way shaqayn jirtay oo dalka waan iman jiray lakin intii xafiiska intii aanu furanay ee saani aanu u fadhiisanay rasmi ahaan waa 3 sanno.

S-Barnaamijyada aad qabataan haddii aad diwaangelisaan imisa Barnaamij ayaa idiin hirgalay ama idiin qabsoomay?

j-way badan yihin barnaamijyada noo hirgalay illa intii ay jirtay hay’adu, haddii aan tafaasiil kaa siiyo Barnaamijyadaas waxa ka mid ah

-Dhismayaal iskuulo oo la dhisay kuwii oo iminka wax lagu barto arday badanina wax ku barato, oo laba qaybood ah qayb dadka waawayn wax lagu baro iyo qayb ardayda da’yarta ah ee caadiga ah wax lagu baro,
-Masaajido aan dhisnay oo illaa iminka lagu cibaadaysto ayaa ka mid ah
-Dadka reer miyiga ah oo aanu xoolo u iibino, xoolo dhaqan ah, oo mashuracaasi dhowr sannadood soconaayay isla markaasn najaxay.
-Raashin aan u qaybinay dadka magaalooyinka,tuulooyinka, reer miyiga iyo dadka saboolka ah, waxaana ugu danbeeyey kii 3dii Bishan aynu jirno oo laba baabuur oo raashin ah aanu tuulada waraabeeye ku soo qaybinay, annagoo ila boqol qoys u soo qaybinay, rashinkaas oo daqiiq,bariis iyo saliid isugu jira.
-Dadka sooman ee danyarta ah ama itaalka daran oo aanu afurino bisha Ramadaan oo illaa iminka isna socda ayaa ka mid ah kuwa noo hirgalay, dad Boqol qof ka badan ayaan galabtiiba afurinaa.

S-Barnamijka aad fulisaan magicii ama maxa ugu yeedhaan Barnaamiyadiinan ma Barnaamijyo khayriya baa, ma barnaamijyosadaqo ahbaa, ma barnaamijyo tabaruc ah baa, ama maxay u badan yihin barnamijyadiina.

J-Barnaamij walba iyo mashruuc kastaa magaciisa ayuu leeyahay, mid waxa la yidhaa family food oo reerkii walba raashin ayaa la siinayaa,mid waxa la yidhaa Ifdaar oo mashruucan ramadaanta socda,mashruuc waa kan aan diyaarinayno iminka raashinkiisa oo waxa la yidhaa Zakatulfidri,mashruuc waa kan oo iminka mashiino ayaa halkan lagu xidhxidhayaa, waana dawaaro loogu talo galay inay dumarku dawaarka iyo tolista dharka ku bartaan,waxa kalo ka mid ah mashruuc la yidhaa udxiya oo marka ciidu soo gasho aanu xoolo intaanu iibino adhi la qalqalo oo loo qaybiyo dadka , mashruc dadka curyaminta ah aanu gaadhi curyaano u soo iibino, mashruuc la yidha biyo dhaamis oo dadka xilliyada abaaraha aanu biyo u dhaamino oo dadka reer miyiga loo geeyo,mashruuc xagga caafimaadka ah oo dadka bukaanka ah ee cisbitaalada jiifa aanu halkooda wax ugu gayno, mashaariic kale oo aanu suuliyo ugu samayno tuulooyin ku xeeran gobolka iyo deegaanka, adigu mashaariicdu way fara badantahay, agoonbaanu haynaa aan isku bodhan ah ku darno oo dhinaca waxbarashada iyo dhinaca noloshooda kaleba anau ka sacidno.

S-wayahay, haddii aan dib u noqono aasaaskii Hay’adan yaa iska lahaa fikirkii lagu aasaasay, se xagee lagu aasaasay ma dalka mise debedda?

J-Fikraddaan aasaaska aniga ayaa iska lahaa, anugu markii hore waddanka debedda ayaan kaga maqnaa, dabadeed dhowr jeer ayaan waddanka iman jiray, markaan arkay dalka baahida talla iyo xaladu siday tahay ayaan ku fikiray in hay’ad noocan ah aan sameeyo, dabadeed aasaaskeedii iyo ill iminkaba anigunbaa gacanta ku haya, Fikirkana ku qaatay halkan debedda ayaan kula noqday, isla markaasna debedda ayaan ka aasaasay waxaana markii koowaad xafiiskeeda ka furay Burco.

S-Dhaqaalaha xaggee ayaad si toosa uga heeshaan mahay’ado calami ah ayaad ku xidhan tihiin mise meelo kale ayaad wax ka heshaan?

J-Dhaqaalaha debedda ayaan ka helnaa,weliba dadka muslimiinta ah ayay u badan yihiin, UK lafteeda waanu ka helnaa, xaggaasa inta badan shaqadayadu ka socotaa markaa xaggaasanu dhaqaalahana ka raadinaa, iminka waxaaba na soo wakiisha Ururo badan oo anu halkan wakiil uga noqonaa, iminka laba urur ayaan gobolkan ama waddankaba uga nahay wakiil, mid waxa la yidhaa MUSLIM AID oo xafiis ku leh Hargaysa Togdheer ayaan wakiil uga nahay, midna waa MUSLIM CHARITY oo isna xaruntiisu tahay UK kaasna isaga waddankoo dhan ayaan wakiil uga nahay, markaa waxanu nahay 3 Urur, ururkayaga oo shaqadisii halkiisii ka wada iyo 2 urur oo wakiil iga soo dhigtay.

S-Markaa Haddaan Su’aasha ku noqono ma Dad ayaa iska ururiya lacagta mise Hay’adaha deeqda bixiya ama caalamiga ah ayaad ku xidhan tihiin?

J-May Dad baa iska ururiya oo dadka ayay ku xidhantahay, Hay’adihii hore aan ku soo sheegay mooyaane oo marmar wax noo tura mooyee , dhaqaalaha rasmiga ahi wuxu ku xidhan yahay, dhaqaale dad laga ururiyo.

S-waxa jira Ururo yar yar oo dalka Gudihiisa ka jira oo aan wax gacan ah ka helin debedda balse fikirka aad ku shaqysaan iyo barnaamijyadiina oo kale ku shaqeeya, urruradaas oo u badan urur dhalinyareed, iyagoo qaar agoon wax bara qaar wacyi gelin iyo nadaafada deegaanka iyo tabaalaysan oo wax la taro ka shaqeeya, Ururada Noocaasa idinku wax wada shaqayn ah ma leedihiin?

J-walaahi alxamdulilaah, adigu way jiraan ururo noocaasa oo dalabaad noo keenay, lakin wali ma jiraan kuwo aan si rasmiya u wada shaqayno oo xidhiidh wada shaqayn na dhex maray, waayo anigu inta badan debedda ayaan ku maqanahay, markaa adigu qaar noo yimina oo halka noogu yimi way jiraaan oo yidhi mucaawano ayaan u baahanahay iyo wax la mida, lakin qaar wada shaqayn wadanka Gudihiisa ah na dhex martay ma jiraan aan ahay labadaas urur ee aan soo sheegay ee aanu waddanka wakiilka uga nahay.

S-Barnaamijyada mucaawanooyinka ah ee idinka laftiinu aad bixisaan waxa jira dhalinayar sidaaso kale u raba inay mucaawanooyin bixiyaan balse waxay u baahanyihiin waayeel ama dad waawayn o masuuliyin ah oo caqli iyo dhaqaaleba ku taageera, dhalinyarta noocaasi ah ma dhiiri gelisaan oo ina ma ka fikirteen sidi aad wax ula qaban lahaydeen iyaga laftooda.

J-Horta waanu ku fikirnay qorshahana way noogu jirtaa in dhalinyarta noocaasa aan wax la qabano, sannadkii hore waxan xidhiidh dhowr jeer wad ayeelanay urur ka samaysan caynabo oo ah urur dhalinyaro, dhalinyarada wixii doonaya inay waddankooda soo saaran oo ay wax u qabtaan wixii feker ah ee aanu ku dhaanno diyaar ayaan ula nahay, waanu taageeraynaa wixii firfircoon ee doonaya inay sidaasoo kale u shaqeeyaan.

S-ugu danbayntii maxa ka mid ah Barnaamijyada idiin qorshaysan iyo kuwa aad iminka qaban rabtaan maxaa ka mid ah?

J-Barnaamijyada noo qorshaysan way badan yihiin waanay kala duwanyihiin, barnaamijyadu waxa weeye qaar waa qaar samafal ah, oo dad mar wax la siiyo ku kooban, sida tan aan iminka wadno ee Zakatulfidriga ee maalinta ciida aanu qaybinayno, iyo mid kaloo la yidhaa cidulgif oo dadka saboolka ciida loogu talo galay oo iyaan aanu ciida bixin doono,waxa kaloo noo qorshaysan mashruuc kaloo dharka Tolsitiisa ah inaan isagana furno, meel dawaarka lagu barto oo anu bilowno kuwaasina waa mashaariicda yar yar, lakin iyana mashaariic waawayn oo kale aya hada noo qorshaysan, sida dhismo Boodhan iskuul oo dhismihiisii uu halkan ka socdo qaybna aanu dhisnay qabta kalena qabyo tahay oo la doonayo in la dhammaystiro, waxa kaloo noo qorshaysan in Riig weyn oo Biyo ah Magaalada Burco loo qodo,qorshahaasa isna noo qorshaysan, in dadka reer miyiga dawooyin iyo dhakhaatiir la gaadhsiiyo ayaa iyana noo qorshaysan, mashruucyadaas oo dhan inaanu hir gelino ayaa noo qorshaysan.

S-Gobolada kale ee somaliland xafiisyo ma ku leedihiin?

J-Gobolada kale, hargaysa oo kale wakiil aya noo jooga, center waxaan ku leenahay ceerigaabo oo iyadana dhismo iskuul ayaan ka dhisnay, waxabarashadii ayaa socota oo arday ayaa wax ku dhigata, berbera iyadana caawimo dumarka waan gaadhsiinay oo iyadana qayba yaan ku leenahay, sidaasa markaa Gobolada somaliland mashruucu ugu baahsanyahay.



waraysigii aan la yeelanay Guddomiyaha hay’ada EAWADA Sh.adan hassan Saed aayaa intaasi ku eeg waxaana waraysiagan soo qaaday weriye Mustafe Osman A/rahman.

'Reported by:
Weriye Mustafe Osman A/rahman
Burao / Somali-land

No comments:

Post a Comment