Thursday 17 September 2009

WARAR DHEERAAD AH BAABUURTA LOO ADEEGSADAY ISMIIDAAMINTA OO LAHAA CALAAMADA UN KA

WARAR DHEERAAD AH BAABUURTA LOO ADEEGSADAY ISMIIDAAMINTA OO LAHAA CALAAMADA UN KA

Image and video hosting by TinyPic

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Ismiidaamin ah oo isku qarxiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo qaraxyada ismiidaamin ay fuliyeen Baabuur ay ka buuxeen walxaha qarxa isla markaana lahaa Calaamada UN-ka,

Sida ay sheegayaan Wararka qaraxyadan ayaa ahaa kuwo qorsheysnaa iyadoo Gaadiidka ay gudaha u galeen Garoonka, waxaana ay isku qarxiyeen Xaruntii Xalane oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM.

Gawaarida oo ay isku miidaamiyeen dad naftood hurayaal ah ayaa waxaa la sheegay inay geysteen qasaarooyin kala duwan, kuwaasoo aan la sheegin karin.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Garoonka ee taagnaa Irida halka looga galo ay u qaateen Gaadiidka inay ahaayeen kuwo ay saarnaayeen Saraakiil Qaramada Midoobey, maadaama astaanta Gaariga uu ahaa mid Qaramada Midoobey.

Ma cada qasaaraha ay geysteen qaraxyadaas ismiidaamin oo ay gil gileen Magaalada Muqdisho, iyadoo xaalada magaalada tahay mid aad u kacsan oo la maqlayo Duqeymo culus.

AXMED KULAN

No comments:

Post a Comment