Thursday 17 September 2009

WAR DEG DEG AH: 2 GAARI OO DHAGARAYSAN OO LAGU QARXIYAY GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO

WAR DEG DEG AH: 2 GAARI OO DHAGARAYSAN OO LAGU QARXIYAY GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO

Waxaa haatan na soo gaaray ayaa sheegaya in labo gaari oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay garoonka Aadan cadde International Airport, waxaa goobta qaraxa ka dhacay haatan ka baxaya uuro madow iyadoo halkaasi aan la dhaawan karin lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi

Labada gaari ayaa mid ka mid ah waxa uu ku qarxay afaafka hore ee garoonka diyaarha Aadan cadde International Airport halka mid kale kalena uu gudaha u galay garoonka kaasoo geystay qasaare xoogleh inkastoo aan la ogaan karin baaxada uu la egyahay qasaaraha.

Nin goob jooga ah oo shabakada togaherer.com ay la xiriirtay ayaa waxa uu sheegay inuu arkay labo ruu xoo meyd ah kuwasoo soomali ahaa waxaana haata weli halkaasi ka socota uuro madow waxaana afhayeen ururka AMISOm uu xaqiijiyay in qaraxyadaasi lagu soo qaaday balse wax faahfaahin ah kama bixinin.

Waxaa aad u kacsan xaalada deegaanada ka agdhow garoonka iyadoo garoonka ay ilaalo ka hayeen ciidamada AMISOM oo laga yaabo in waxyeelo ay ka soo gaartao ismiidaamintaani lagu qarxiyay garoonka dayuuradaha.

Ma jirto koox sheegatay inkastoo loo maleynayo inay ka danbeeyaan kooxaha dowlada iyo joogitaanka AMISOM ka soo horjeeda.

Axmed Kulan
Muqdisho

No comments:

Post a Comment