Thursday 3 September 2009

DIBADBAXYO KA DHACAY MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND

DIBADBAXYO KA DHACAY MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND

Badi Magaaloyiinka Waaweyn sida Ceerigaabo Laascanood Burco Gabiley Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa maanta ka dhacay Dibad baxyo xoog leh kuwas oo ka mid ahaa Dibad baxayda ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE .

Dibad baxa Laascanood ayaa la sheegay inu rabshado xoog leh keenay iyada oo la qab qabtay tiro dad ah oo kor u dhaafaysa 40 Ruux,sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay Askari Bilays ah.


Dhanka magaalada Ceerigaabo ayaa iyadana ,laga soo sheegaya in Banaanbaxyo xoog leh ka dhaceen kuwaas oo lagu taageerayo Asxaabta Mucaaradka ah ee UCID iyo Kulmiye
Beerta Xorriyada ee Ceerigaabo ayaa la sheegay in loo diiday Dibad baxayaasha inay gudaha u galan, in kasta oo u Dibad baxu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta loo diiday.

Burco Caasimada Gobolka Togdheer ayaa iyadana Dibad Bax aad u weyn ka dhacay oo ay ka qayb galeen kumanaan dad ahi kaasi oo isagana looga soo horjeeday Qabka doorashoyiinka Somaliland uu u wado Rayaale laguna taageerayaa Mawqifka XIsbiyada Mucaaridka ah, waxana halkaasi isagu soo baxay Boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha labada xisbi, in kasta oo Burco-na loo diiday Xarunta Khayriyada ee magaalada hadana wuxuu isku soo baxu ka dhacay xafiisyada Xisbiyada waxana u ku soo dhamaaday Jawi nabad ah.



Dhamaan Dibad baxayda ka dhacay Somaliland waxay ku dhamaadeen jawi nabad ah marka laga reebo magaalada Laascanood ee Xurunta gobolka Sool.

No comments:

Post a Comment