Thursday 3 September 2009

WAR DEG DEG AH GUDOOMIYAHA WAKIILADA OO SHEEGAY IN AY CIIDAMO QABSADEEN XARUNTII GOLAHA WAKIILADA

WAR DEG DEG AH GUDOOMIYAHA WAKIILADA OO SHEEGAY IN AY CIIDAMO QABSADEEN XARUNTII GOLAHA WAKIILADA

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ( ciro ) ayaa warsaxaafadeed uu goor dhawayd ka soo saaray Xarunta Golaha Wakiiladda Ku sheegay inay Ciidamo qabasadeen isla markaana ay askartiisii banaanka u saareen isagoo sheegay inay Golaha u soo daayeen xildhibaano anshax marin awgeed muddo saddex cisho ah Golaha ay uga mamnuuceen taasoo keentay inay baadhitaano ku sameeyaan xildhibaanadii kalena
Warsaxaafadeedka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu soo saaray waxa uu u dhignaa sedan:-
Warsaxaafadeed

Saaka oo sabti ah (29.8.2009) waxa Golaha Wakiiladda JSL lahaa fadhi caadi ah. Waxa jirtay in Goluhu anshaxmariyaylx(6) mudane oo hanaan u socodka shaqada Golaha khalkhal geliyay 24.8.2009. anniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waxaan amray ciidanka booliiska inay lixdaas mudane u ogolaanm soo gelidda fadhiga Golaha saddex(3) maalmood.

Waxa yaab iyo amakaag nagu noqotay in Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland nagu wargeliyay in ciidanka booliisku amar naga sareeya ku haystaan inaan Golaha laga celin lixdaas mudane lana fulin amarka Guddoomiyaha ee ka joojinta Golaha. Waxa Taliyuhu noo soo jeediyey inaan la hadalo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxda Sare.

Waxa kale oo saraakiisha booliiska iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland naga codsaday in BODY GUARDSD gaarka u ah shirguddoonka ka baxaan dhismaha Golaha oo kadinka laga soo galo ku sugaan shirgudoonku marka uu shaqada ka baxayo. Taas oo ah arrin cusub ooh ore u dhicin. Hase yeeshee, markii aan ka wada hadalay Taliyaha arrinta waxaan isku waafaqnay in Body Guards joogaan gudaha dhismaha Golaha.
Waxay u muuqataa ciidanka Booliiska ee la keenay Golaha la soo siiyay lixda mudane ee la anshax mariyay si ay bilkhasab ugu soo galaan Golaha. Ciidankan Golaha la keenay maaha mid amar ka qaadanaya Guddoomiyaha iyo Shirguddoonka Golaha oo ka mas’uul ah amaanka Golaha. Taasina waa arrin burburin karta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland khalkhalna galin karta amaanka Somaliland.

Waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in golihii ay soo doorteen ciidan qabsaday. Waxay is hortaageen saxaafadii iyo dadweynihii martida ahaa. Markii aan u soo jeedinay ciidanka in xildhibaanada laga baadho hub si loo sugo amaanka Golaha way diideen taas oo shaki galin karta in sababta ay u yimaadeen ciidanku Golaha ay tahay sugida amaanka.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment