Thursday 3 September 2009

GUDOOMIYAHA WAKIILADA OO SHAACA KA QADAY IN WEERAR LAGU SOO QADAY HAYADA SHARCI DEJINTA

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in weerar culus lagu soo qaaday golaha, kaas oo la doonayo in lagu dumiyo golihii sharci dejinta dalka.

Guddoomiye Cirro oo shalay saxaafadda ugu warramayey xafiiskiisa, ayaan si toos ah farta ugu fiiqin cida golaha weerarka ku soo qaaday ee duminaysa, basle wuxuu xusay inay iska caddaan doonto cidda ku hamiyeysa inay dumiso golaha sharci dejinta ee ummaddu soo dooratay.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay wakhti ay soo baxayaan tuhunno badan oo tibaaxaya in madaxweyne Rayaale iyo xubno ka tirsan mudanayaasha xulafada la ah ee ku jira wakiilladu ku hawlan yihiin qorshe meesha lagaga saarayo saddexda xubnood ee shuirguddoonka.

“Arrintu waxay u eegtahay inay shirguddoonka ka wayn tahay, shirguddoonku waa saddex xubnood oo keliya, laakiin waxa muuqata in golihii sharci-dejinta ee ummaddu soo dooratay weerar lagu soo qaaday la doonayo in lagu dumiyo. Shirguddoonka qaabka loo ridi karaa shuruucda ku caddahay, basle waxa jira weerar golaha oo dhan ka dhan ah, wayna iska cadaan doontaa cid hawshaa ku jira oo bulshaduba way arki doontaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu sheegay in tallaabo anshax-marin ah laga qaaday lix mudane oo ka mid ah xildhibaannada toddobaadkan golaha qaska iyo fawdada ka dhex abuuray, kuwaasoo laga mamnuucay inay ka qaybgalaan saddex fadhi oo goluhu yeelan doono.

Magacyada mudanayaasha tallaabada anshax-marinta ah laga qaaday waxay kala yihiin:

1-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog), Maxamed Baaruud Shide, Aadan X. Diiriye (Sanqoole), Xuseen Ismaaciil Yuusuf, Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde) iyo mudane kale oo ka mid ah ragga xulafada la ah Madaxweyne Rayaale.

Waxa Md. Cirro sheegay in sababta lixdaa xubnood looga soo dhexsaaray labaataneeyaha mudane ee qaska ka abuuray golaha ay tahay iyagoo ku kacay ficillo af iyo addinba leh, waxaannu Guddoomiyuhu tilmaamay in wixii hanti ah ee ay mudanayaashu khasaaraha u gaysteen laga mag dhabi doono, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Wixii hanti ahaa ee mudanayaashu burburiyeen waa laga mag dhabi doonaa oo lagama saamaxayo haddii Illaahay yidhaa.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ahayd ‘isku shaandhaynta aad ku samayseen guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada miyaanay ahayn in golaha laga ansixiyo intaanay hawsha bilaabin sida xeer-hoosaadku qeexayo, waxa uu ku jawaabay, “Waa run oo xeer hoosaadka golaha way ku qoran tahay in guddida joogatada ah la ansixiyo, laakiin isku shaandhaynta gudidda joogatada ahi ansixin ugama baahna golaha.”

Waxa kale oo guddoomiyaha la wayadiiyey buuqa iyo gacan ka hadalka mudanayaasha golaha wakiiladu caadaysteen inay sabab u tahay jilicsanaan ay ka dareemeen shirguddoonka, waxa uu sheegay inay marar badan golaha buuq ka dhacay, islamarkaana shirguddoon ahaa ay mudanayaasha u dulqaadanayeen,iyaga oo ixtiraamaya xasaanada ay leeyhiin iyo bulshadii soo dooratay, basle ay talaabadan ay anshax marinta kaga qaadeen lixdan mudane ay hordhac u tahay tallaabo adag oo laga qaadi doono mudane kasta oo fadhiyada golaha khalkal iyo buuq gacan ka hadal ah ka dhex sameeya.

No comments:

Post a Comment