Thursday 3 September 2009

(FAALO)INTAANUU DHIMAN WUU NOOLAA BY:-XASAN CAATO

(FAALO)INTAANUU DHIMAN WUU NOOLAA BY:-XASAN CAATO

Isagoo xabbad dheer oo sigaar ah jiidaya, mid kalena dhegta u saarantahay ayuu aroornimo hore meel uu ka soo kallahay mooyee soo fadhiistay makhaayad yar oo bunka lagu cabbo. Waa u caado aroor walba inuu xilligaa yimaad. Inta fadhiday in la jaad ah bay u badnayd, qaarkoodse way ka xarrago badnaayeen oo ammintaasay suudh iyo qoorxidh xidhnaayeen, isagase shaadhka iyo surwaalka kaawiyaddu ka raagtay waxa u dheeraa kabo boodhku dilooday iyo weji iyo madax aad mooddo inaan weligood biyo la taabsiin. Ilkaha qiiqa sigaarku madoobeeyey ee uu kula baxay naanaysta ‘Ilkoweyne’ lama garan karo goor rumay ugu dambaysay. Qof kasta oo xalay hurdo fiican seexday wuu arkayey in ninkani indhihii xalay ku soo jeedo.
Arooro badan meesha way ku arkeen isagoo qaadirada hurdo la’aantu wejigiisa ka muuqato. Kolkuu mid u dhowaa waydiiyey xagguu u kallahayo ee u shaqo tegayo wuxu ku jawaabay inaanu shaqo tegayne uu hurdo tegayo.
Cidna lamuu hadlayne wuxuu dhib ka haystay siduu sigaarka afka ugu jira iyo koobka bunka ee uu debnaha la tiigsanayo u kala ilaalin lahaa. Marar badan buu isagoo sigaarkii qaniinsan, bunkiina kabadday oo mashaqo la kulmay.
Waxa dhegihiisa ku soo dhacaya oo xiiso geliyey sheekada qaar meel u dhow fadhiyaa isweydaarsanayaan. Muddo dheer muu arag sheeko xiiso gelisa xilliyadan oo kale markuu sii hurdo tegayo. Waxa sheeko xiiso leh ugu horreysa saacadaha ka dambeeya salaadda casarka marka mirqaanku ku duxo ee baaldiga biyaha ah iyo baakidhka sigaarka ahi hortiisa tuulan yihiin, garaabaduna isbiirsato ee uu hortiisa iyo hareerihiisaba ku arkayo kuwo la mid ah oo muranka, qaylada iyo ismaqal la’aantu isku dubbo dhacaan.
Arooryadan hore ee saaka waa kan indhaha ku dul illaaway kuwan ka yaabiyey ee goobta ku sheekaysanaya.
Waxay ahaayeen niman iswaraysanaya oo qaarkood aanay maanta ka hor goobta ku kulmin. Waxa ka fajiciyey waxa ay ka sheekaysanayaan. Mid baa weydiiyey ku kale, “Xaggeed ka soo dhimatay?”
Dadka caadiga ah ee goobta fadhiyey way la yaabeen weydiintan qaabka daran. Xagguu ka soo dhiman sowkan ifkii jooga. Kii la weydiiyeyse maba uu dhibsane wuxu ku warceliyey, “Waxan ka soo dhintay dalka Ingiriiska, magaalada London, adiguna xaggeed ka soo dhimatay?” buu ku celiyey.
“Maraykan baan ka soo dhintay?” buu ugu jawaabay.
“Oo halkaana miyaa laga soo dhintaa? Buu weydiiyey.
“Maxaa looga soo dhiman waayey sow geedku meel walba ma gaadhin” buu ku jawaabay.
Ilkoweyne isagu ilkihii dhaadheeraa buu ku dhowray isagoo afka kala waaxaya oo indhihii awalba isku dhegsanaa sii yaryaraynaya.
Intay isagii ku soo jeedsadeen bay labadii nin si wadajir ah u weydiiyeen, “Naga raalli ahow saaxiib, ma ku weydiin karnaa adigu halkaad ka soo dhimatay, nin beri hore soo dhintaad u egtahee?”
Isagoo taagtiisa dhoollacaddayn iska baadhbaadhaya oo arrinkiisu yahay yaan lagaa garan ayuu ku warceliyey, “Anigu halkan uun baan ka soo dhintay, meel kale kama soo dhiman?”
“Oo halkan miyaa laga soo dhintaa in loo soo dhintaannu moodaynee?”
“Maxaa looga soo dhiman waayey sow geedkuba halkan kuma soo horreeyo”
“Waar waxaasi wax dhici kara maahee runta noo sheeg oo ma Sweden baad ka soo dhimatay mise Finland?” bay haddana weydiiyeen.
“Iloyareba weydiiya haddaad beentay moodaysaan”, baa Ilko weyne ku jawaabay.
“Ma Ilkayarihii reer London? Kaana miyaad istaqaanaan?”
“Haa, ma cid aanan aqoon baa jirta, sowkii wasiirka noqday markuu soo dhintay”

Intay sheekadii beddeleen bay weydiiyeen, “Bal nooga warran oo golahee baad tahay, ma golaha hurdada mise ka soo jeedka?”
“Midna ma ahi” buu ku jawaabay.
Iyagoo la yaabban bay weydiiyeen, “Waar waddanka labadaa gole uun baa jiree kee baad tahay runta noo sheeg”
“Golaha saddexaad baan ahay, golaha sii-jeedka” buu ku jawaabay
“Waa tahee ma garab ku daaq baad tahay mise gacan ku daaq”, bay haddana waydiiyeen
“Mayee gaws ku daaq baan ahay” buu ku jawaabay.
Markuu arkay in su’aalo lala daba galay, qorraxdii soo kululaanayso, saacaddii hurdaduna dhowdahay buu yidhi, “Halkaa aad ka soo dhimateen meel dhaantaa ma jirtee maxaad uga soo dhimateen?”
“Gurmad baannu ahayn si aannu inta nool ee halkan joogta u badbaadino, laakiin aan ku weydiinnee xaggeed ka shaqaysaa?”
“Maxaan shaqayn meeliba ima shaqaysee”
“Maxay mooyee”
“Intii wax cunaysay uun baa i shaqaynaysa, labadaa debnood wixii dhexdooda soo gala xaar masna dhehoo ma badbaadaan, ee yaanan meesha idinku cunine iska taga”
“Oo haddaa ma annagaa in kale na shaqaynaysaa!”

Intaa markii la isweydaarsaday buu Ilkoweyne oo isleh nimanka iska celi, su’aal uu goorahanba ka fikirayey ku sii daayey, “Intaydaan soo dhiman maxaad Ingiriiska ka qaban jirteen?”
“Xabsi baannu ku jirnay”
“Dee miyeydaan immika xabsigii ka raysan, halkanse maxaad kala kulanteen, sidee la idiin soo dhoweeyey?”
“Halkan markaannu nimid annagoo xidhan koofiyadihii barafka ahaa ee madaxa na qaboojinayey ee dhakhtarkii reer Ingiriis noo soo qoray si fiican baa na loo soo dhoweeyey, xabsigii qolka keliya ahaa waannu ka raysanay oo xabsi weyn oo bilaa deyr ah oo dadkoo dhammi ku jiraan baannu ku soo biirnay, waa nala magacaabay, weliba laamo sare,wax walba annagaa nala weydiiyaa, annana jawaabihii xaggaas baannu kaga nimid”
“Oo ma su’aal bilaa jawaab ah baad la joogtaan, maxaad ku jawaabtaan marka wax la idin weydiiyo”
“Dee wixii afkayaga ku soo dhacaba, dadkani waa dad wanaagsan, wax walba way rumaystaan, wax garasho na dhaamaaba kuma jiro.”
Ninkii Ilkoweyne yaab buu dhafoorka gacanta saaray. Su’aal kale ayuu haddana la tiigsaday, “Nin rag ahi waa ka maalintii seexda, habeenkiina soo jeeda si uu aayaha dalkan liita ugu fikiree xaggeed u kallahaysaan?”
“Waar waabannu iska hurdi lahayne qaar baas baa xilligaa nala ballamay, oo shir iyo wax aan loo joogin goortaa ka dhigay”
Ilkoweyne qorraxdii baa ku kululaatay, saacaddii uu seexan jirayna durtaba way weydaaratay, koobkii bunka ahaa wuu goostay, wuxu ciil ka hayaa nimankan hadalka ku dawikhiyey een koob bun ahna u shubayn.
Si degdeg ah buu u kacay oo afka saaray xaggaa iyo gurigiisa. Dad badan oo ka hor imanaya mooyee cid xaggiisa u sii socota ma arkayo.
Madaxiisu wuu guuxayaa, in mishiin ku xidhanyahaa la moodaa…waxbaa la hadlaya, wax aanu arkayn:
Hareeraha bal daymoo
Docdan iyo docdaa eeg
Iyo labada daamood
Dalka bari ilaa bogox
Darxumadiyo baahida
Diifta iyo gaajada
Sharaftii dadnimadiyo
Damiirkii maxaa helay!

Haaa…waa runtii oo intii wax cunaysay uun baa nool…Intaanu dhiman wuu noolaa, naftiisuu wax ugu filnaa, ubadkiisuu wax ugu filnaa, ummadduu wax ugu filnaa, Maantana intii wax cunaysay uun baa nool, hadduu afkiisa iyo calooshiisa wax u helo cid kale waxba kama gelin, wixii gubanayaa ha gubteen.
Albaabkii guriguu garaacay, waa laga furay, waxa ka hor yimid carruur yaryar oo dugsi sii tegaya, waa carruurtiisii oo intay is arkaan yartahay. Kuwanna maxay ahaayeen buu isweydiiyey. Islaan sii shaqo tegaysa ayaa iyana ka hortimid,… tanna xaggay u socotaa xilligan la seexanayo,inay islaantiisii tahay wuu arkaa, miyey iska joogto! maskaxda ayuun buu ka hadlayaaye carrabka maba dhaqaajin karo. Madbakhii buu galay. Shaahii carruurta ka hadhay, loxooxdii loo dhigay iyo hambooyinkii oo dhan buu isku darsaday dabadeed isagoo kabihii illan sariirtii ku gataati dhacay. Goorta uu toosi wuu yaqaan, waa saacadda dawanka mirqaanku dhaco. Cid toosisa uma baahna.

Xasan C. Madar
Xasan Caato
nabaadiino@yahoo.com

No comments:

Post a Comment