Thursday 17 September 2009

URURKA ALSHABAAB OO QORAAL KA SOO SAARAY LA HAYSTAHA FARNASIISKA AH EE AY HAYSTAAN

URURKA ALSHABAAB OO QORAAL KA SOO SAARAY LA HAYSTAHA FARNASIISKA AH EE AY HAYSTAAN

Ururka Al-Shabaab ayaa qoraal ka soo saaray La-heystaha aku jira Gacantooda ee u dhashay Fransiska, waxeyna siideyntiisa ku xireen shuruudo shuruudo adag, La-heysataan ayaa dabley Dowlada & Xoogaga islaamiyiinta xirir la wada leh ka afduubteen Hotelka Saxafi bishii July xili uu isku diyaarinaayay inuu siminaar siiyo Ilaalada Madaxtooyada & kuwa Nabadsugida.
Maamulka Al- Shabaab ayaa soo bandhigay qodobo ay ku jiraan kuwa fulintooda laga yaabo in ay ku adkaato, oo ay ka mid yihiin in ay dhamaanba faraha kala baxaan howlaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayna sidoo kale Xeebaha Soomaaliya kala tagaan Maraakiibtooda dagaal.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay mustaqbalka La-heysathaasi, uu hada ku jiro xaalad qatar ah, taasoo in hadii aan la fulin qodobadaasi ay dhici karto in ay dhici karto xaalad qatar ah.

Bayaanka loo kala diray dhamaanba Saxaafada gudaha iyo dibada ee dalka Soomaaliya, luguna qoray Luuqdaha Carabiga iyo Soomaaliga, waxaana loo qoray sidan.

Sarkaalkan ayaa ah mid si rasmi ah u matalayay Sirdoonka wadanka Faransiiska, wuxuu Soomaaliya u yimid si uu xog ku saabsan ummada Soomaaliyeed iyo hogaankeeda Mujaahidiinta ah u soo ururin lahaa uguna gudbin laha Dalkiisa, uuna gacan uga gaysan lahaa samatabixinta Saliibiyiinta loogu magac daray Amisom, sidoo kale in uu ka qayb qaato taageerida Dowladda Ridada ah ee uu hogaamiyo Shariif, isagoo u tababarayay ciidamo gaar ah oo Nabadsugid ah oo ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta, iyo isaga oo ceelalyo u ah Maraakiibta dagaal ee uu Faransiisku soo dhoobay Xeebta Soomaaliya eek u teedsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka carbeed.

Si uu sarkaalkaasi Xoriyadiisa dib ugu helo waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab hordhigayaan dowlada Faransiiska dhowr qodob :

Qodobada Siyaasiga:

1- Waa in ay dowladda Faransiiku joojisaa dhamaan wixii kaalmo milatari iyo mid siyaasadeed ah oo ay siiso Dowlada Ridada ah ee Shariif, wadankana kala baxdaa dhammaan la taliyeyaasheeda xagga Amaanka.

2- Waa in dowlada Faransiisku ka saarto Dalkeena ciidamada Saliibiyiinta ah ee Amisom gaar ahaan kuwa Burundi.

3- Waa in ay la baxdaa dhamman shirkadaheeda xagga amaanka ah ee ka hawl gala gudaha Soomaaliya.

4- Waa in ay la baxdaa dhamaan Maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya.

Qodobka Isdhaafsi Maxaabiis:

Dowlada Faransiisku waa In ay sii dayso dhamaan Maxaabiista Mujaahidiinta ee sida xaqdarada ah ugu xiran xabsiyo farabadan oo ku kalayaalla meelo kala duwan oo aan dib ka soo sheeegi doonno insha’allaah.

Shuruudahan ka soo baxay Al- Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili ay Xarakada Al- Shabaab dhawaan loo geystay jab xoog leh, oo ah duqeymihii lugu dilay qaar ka mid ah Madaxda Kooxdan oo ay ku jiraan Hogaamiyaal ujoogey Tababarada ciidamada Al- Shabaab

AXMED KULAN

No comments:

Post a Comment