Thursday, 10 September 2009

WAANO DHALAN BAA KA ADAG!!!

WAANO DHALAN BAA KA ADAG!!!

WAANO DHALAN BAA KA ADAG!!!

Nafatayda haddii an ciijay,
hadaan cidladaa is joojay,
hadaan cidi-dayda cunaayo,
hadaan cadho iga hadhayn,
calaacal hadaan ku noolay,
weliba cidhibta is jaraayo,
cakuye talo igu cadaatay
haddii ciil igu gadooday,
cadeedu haday i shiishay,
hadaan cidi ii maqnayn-ba,
hadaan ceel ii qodnayn-ba,
hadaan ciyaw wehesh-naayo,
miyey ciirsili i caawin,
cagaagaye meel an gaadhi,
cadwga ii cago jugleeyey,
sidee baan uga cad goosan,
cudbida dhiil sii culaysa,
xagay caanaha ka keeni,
caruur-tayda wada curyaantay,
hadaan cuud loo dhaqaynin,
cuwaaf-ba hadaanay haynin,
colaadi haday dayeysay,
haddii cadar hooya-dooddii,
cilaankii ay iska daysay,
cismaankii aaba-hood,
haduu cawdooda gooyey,
culayska garbaa i saaran,
indhaha caaradu iga fuushay,
cibaaradan aan la ciiray,
caraan-car hadaan ku joogo,
hadaan ciirtii iska daashay,
hadaan cawo daran habeenimo,
ceeryaa-miyo rooba-bawga,
hadaan calal aanu waayey,
haduu coof-laha libaaxu,
cartamay oo igu ciyaayo,
caruur-tuna ii ag taalo,
waxay cunahaa marshaana,
hadaan cariga-ba ka waayey,
cataabay oon ciidan waayey,
haday ciiddii i diiday,
miyey caga-haygu roori,
ILAAH baa ciidanshee,
isaga cisi laga baryaa,
candhuufta kol ay ku tahay,
isaga calaf laga helaa,
RABOOW cudur naga gaxee,
cibaada-da nagu canqari,
tawxiid-laha calanka-yaga,
RABOOW carigan u daa,
CASIISOOW nabad na sii,
adaa CAADILOOW karee.

Intaas waa aniga iyo qarjajac-dayddii, balse waxan rabaa in maanta dib ugu noqdo wixii aan hore u soo nidhi mudo aad u fog oo aan ku soo celiyo,sababta oo ah, marxaladan uu ku jiro golaha xildhi-baanadu buu ku haboon yahay, taas oo aan qoray gabay-gan uu AL-LE naxariis-tiisa jano haka waraabiyo'e, abwaan QAASIM ( axmed ismaaciil diiriye), oo magaca gabayga la odhan jiray ISLAWEYN, ahaana raga ciilka ugu dhintay bulshada reer somaliland ee fara-ku-tiriska ahaa, (sida TIMA-CADE, AF-QAlOOC, M.MOOGE, CABDI IIDAAN, XUSEEN AW FAARAX, XASAN SHIIKH MUUMIN), ee cayn-kasta oo marxa-ladaha markaas socday isagu u badheedhi jiray oo madaxa u dhigi jiray, weligii aan qarsan xumaan ,kana warwa-reegin in uu runta qarxiyo ee cadceeda ka cadayn jiray, farta saari jiray ee dilaacin jiray boogta , qoor-tana u sudhi jiray belo wadaha, waxa uu kaga duwanaa inta kale oo uu caan ku ahaa wax aan la dedin oo shaaca uu ka qaadi jiray xumaaanta taagan wakhti-gaas oo
kolba joogo, ma jirto, maamul aanu ka gabyini, iyo madax-weyne, iyo ra'isal wasaare kasta oo ina soo maray wixii la odhan jiray somaliya, dhibaato kasata oo taalay ka muujin jiray buu ahaa, DAYAXII UMADA UU AHAA, HALYEY-GII SOMALILAND, CARABKII SHICIBKA, CADEEDDII WADANKA, GARSOORIHII XAQA KU ADIMI JIRAY, LOOYARKII SABOOLKA, MASKAXDDII HAL-ABUURKA, hada-ba tixdan ah MURAA-QADA ( qiirada ah), ee aan hoos ku qori doono waxa ku kelifay markii uu arkay in dhalintii kacday sanada-ddii
1960's horaan-tiisii aanay ahayn-ba sidii uu ka filaayey oo wax aan loo jeedin, is-wey-nayn, iyo gaalo iska-dhig, aan wax tarin ay noqdeen, ee uu ku hun-goobay rajaddii uu ka qabay, arkay-na in ay baa-ba yihiin iyo ina wax kama jiraan, isaga oo caloosha ka gubanaaya tiiraan-yo awgeed oo aan is ogayn, ka muraara-dilaacsan kuwii uu ka filaayey in ay gaalka INGIRIIS-KA u dhaami doonaan oo dadka iyo dalka ay ka sii dareen istic-maarkii gumaysan jiray, waxa-na uu tiriyey murtidan hoos ku taala:_

Nimankii al-madar een lahaa, odaya-day dhaami,
istic-maarka niman-kaan lahaa, uduba-day saari,
INGIRIISKA niman-kaan lahaa oroba way dhaafin,
iyagaa is-noolayn kuwaan u asaraa-raayey,
dhulka ololey,uubaha la qoday,uunka kala guuray,
umulaha la dooxiyo, raqdaa haad ku wiirsadaye,
riyahaa lee'day,idahaa la qalay,geela la af-duubay,
umadaa xumaa-taan lahaa haw arimi-yeene,
ula-jeeda-doodaan arkaa, aayi-tiin malahe,
awrkii heer-yaddii cunaba ,waa lagu ogaadaaye,
imi-kay af-kor u taaga-yaan, edeb la'aaneede,
imi-kay ALOOW lee-yihiin gaal isu-ekayne,
isma eegto naagtii-xumi, halkay iin ku lee-dahaye,
malaa-se way is moog-yihiin, in ay obocdu hoostaale.

Al-le ha siiyo abaal-kii uu u galay umada AARKAASI (qaasim), ma jirto si aanu wax ugu sheegini, ee way ka soo rayn wayday, oo maalin la arka-ba wuxu arkaayey kuwo waxa ku dhacaaya-ba aan u jeedin oo afarqaa-daaya, dad uu ilaahay iska wato, oo aan is ogayn meel ay marayaan, waxay yihiina aanay jirin, wax-ba aan maqalyn, iyaku isu roonayn,kala garan karin cadawga iyo nasteexa,, dan-tooda iyo wax dulay-naaya, oo dulmi isugu hiiliya, ka liita ku sii joogsada, ka wax haysta ama ladana kor u sii qaada, u kala qaybasan qab-yaalad iyo reer hebel, mar qudha aan, ka talin wax anfa-caaya, weerar, aafo, gaadmo, guluf la heen-seeyo, nabad reero u hooday oo saq-dhexe udubka loo taago, gardaro aan damayn oo taagan goor kasta, waayo'arag la'aan aan wax lagu qaada-nayn ee ay ka sii darayso, isu-boorin faan iyo anaa intaa ku dheer, car-i-taabo, laan-dheere saw ma ihi, mag-tada beys-tayn beys-tayn baan u bixi-nayaa, hadaan ku dilo cidi ii qabsan mayso, maryo dhiig leh,
maalin kasta suuqa daadsan, agoon laga dilay aaba-hood, nafo la dhaawaco, iyo qax aan is dhimayn, gar-daro garab og, eex iyo cadaalad xumaan lays-ku garab-siiyo, kala yaac maalin walba joota iyo maskax la'aan aan la kala dambayn sida maanta taagan, qof qudha oo ku leh khalad baan sameeyey weligaa ma arkaysid, ee waa wada SILDI-MUL-DHUKH aan dembi gelin weligood, mid wali-ba isagu waa sax ka kale-na waa khalad isku digay-naysa oo aan is dhaamin.

* N.B Isama doorin gaal-kaan diriyo daarta kii galaye.
waa abdirahman jama ahmed
abdi-shotaly.

No comments:

Post a Comment